Isniin, 14 September 2009 (HOL): Inkasta oo dibedda ay ka joogeen Saxaafadda Madax a bannaani, haddana Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta si caadi ah u furmay.
Fadhigan Golaha Wakiilada ee maanta oo Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa Warbaahintii saaka ku sugnayd Xarunta Golaha Wakiilada dibedda uga saaray, isla markaana u diiday inay goob-joog ka noqdaan Fadhigan Golaha ee maanta oo ay ka qayb galeen labada garab ee Mudanayaasha Golaha Wakiiladu. Waxaana halkaa Kamaradihii lagaga qaaday qaar ka mid ah Suxufiyiinta, inkasta oo markii dambe loo soo celiyay.
Mid ka mid ah Xildhibaanada ka qayb galay Fadhigaas oo HOL u waramay, ayaa sheegay in tirada Mudanayaasha ka qaybgalay fadhigaasi ay tiradoodu gaadhayeen 70-mudane, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen xubno Salaadiin ah oo halkaa u joogay dhexdhexaadinta labada garab ee Golaha Wakiilada. “Guddooomiyuhu wuxuu sheegay in fadhigu si toos ah u furmayo oo dooddii Mooshinkii Xil-ka-qaadista Madaxweynuhu dib u bilaabmayso, isla markaana maanta la galayo wada-hadallo ay dhexdhexaadin doonaan Salaadiintu oo u dhaxeeya Shirguddoonka Wakiilada iyo Mudanayaasha Xukuumadda taageersan.” Ayuu yidhi Mudanahaas oo ka gaabsaday in magaciisa la faafiyo.
Fadhigan ayaa la sheegay inuu jewi wanaagsan kudhammaaday, isla markaana waxay labada dhinac ee Muxaafadka iyo Mucaaradka ee Mudanayaashu maanta galeen kulan turxaan-saar ah, waxaana berri loo ballansan yahay in fadhigiyadii Goluhu si toos ah u bilaabmo.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland
|
|
|
|
Masas Dad ku qaniinay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag
14/09/2009 12:53 PM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Wararka ka imanaya degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qof uu dhintay, afar qof oo kalena ay dhawacmeen, kaddib markii ay masas soo weerary qaniineen habeenimadii xalay, waa sida uu ku waramay guddoomiyaha demadaasi Yuusuf Faarax Siciid oo HOL ay qadka telifoonka ku waraysatay isaga oo ku sugan degmadaasi.
|
|
|
Abaaro Duunyo ku laayay Galbeedka Gobolka Mudug
14/09/2009 9:41 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Deegannada ku teedsan xadka dalka Itoobiya ay la wadaagto gobolka Mudug dhankiisa galbeed ayaa laga soo sheegayaa abaar ay ku dhinteen ilaa 30 meeyo Geela, kadib markii ay harraadeen isla markaana ay waayeen geedo caleemo leh iyo cows ay cunaan.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo sheegay in ay tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan cidii bixin weysa Zakaatul Fidriga.
14/09/2009 6:50 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Madaxa warfaafinta ee Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta u waramayay HOL ayaa sheegay in ay weli socoto isdiiwaangelinta bixinta lacagaha Zakaatul fidriga isla markaana xilligii loogu talagalay ay ku egthay 30-ka bisha Ramadaan, isagoo intaasi raaciyay in ciddii isku soo diiwaangelin weyda tan iyo inta laga gaarayo 30-ka bisha Ramadaan laga qaadi doono tallaabo sharci ah subaxa ciidda isla markaana albaabada la isugu dhufan doona goobtiisa ganacsi.
|
|