Isniin, September 14, 2009(HOL): Madaxa warfaafinta ee Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta u waramayay HOL ayaa sheegay in ay weli socoto isdiiwaangelinta bixinta lacagaha Zakaatul fidriga isla markaana xilligii loogu talagalay ay ku egthay 30-ka bisha Ramadaan, isagoo intaasi raaciyay in ciddii isku soo diiwaangelin weyda tan iyo inta laga gaarayo 30-ka bisha Ramadaan laga qaadi doono tallaabo sharci ah subaxa ciidda isla markaana albaabada la isugu dhufan doona goobtiisa ganacsi.
Sidoo kale Sheikh xasan Yacquub Cali madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay dadweeynaha reer Kismaayo in ay sida ugu dhaqsaha badan isku diiwaan geliyaan isla markaana ay tagaan xafiiska iyo goobaha kale ee isdiiwaangelintu ka socoto.
Wuxuuna ku booriyay dadweeynaha iyo ganacstada reer Kismaayo in ay subaxda ciidda ah lacagtaasi oo dhameystiran ku wareejiyaan gacanta maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo si looga farxiyo buu yiri dadkii danyarta ahaa ee awalba loo uruurinayay lacagahaasi.
Waxaana arintani ay ku soo beegmeysaa xilli maalmihii ugu dambeeyay maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ay wadeen dardargelinta dadaaladda ay ku doonayaan in ay ku diiwaangeliyaan qeybaha kala duwan ee ganacsatada magaalada Kismaayo, ayadoona la arkayay gawaari ay ku rakiban yihiin qalabka cod baahiyayaasha ah oo goobaha ganacsi oo ku yaal gudaha magaalada Kkismaayo u goynayay waraaqo ay ku saxiixan tahay “iska soo diiwaangelin xafiiska aruurinta zakada”.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
|
|
|
|
Masas Dad ku qaniinay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag
14/09/2009 12:53 PM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Wararka ka imanaya degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qof uu dhintay, afar qof oo kalena ay dhawacmeen, kaddib markii ay masas soo weerary qaniineen habeenimadii xalay, waa sida uu ku waramay guddoomiyaha demadaasi Yuusuf Faarax Siciid oo HOL ay qadka telifoonka ku waraysatay isaga oo ku sugan degmadaasi.
|
|
|
Abaaro Duunyo ku laayay Galbeedka Gobolka Mudug
14/09/2009 9:41 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Deegannada ku teedsan xadka dalka Itoobiya ay la wadaagto gobolka Mudug dhankiisa galbeed ayaa laga soo sheegayaa abaar ay ku dhinteen ilaa 30 meeyo Geela, kadib markii ay harraadeen isla markaana ay waayeen geedo caleemo leh iyo cows ay cunaan.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|