Wararka Maanta- Axad, May 24, 2009


Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay in ay Al-Qaacidda ka dagaallameyso Muqdisho

Axad, May 24, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo wareysi siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in ay Dowladdiisa ku talageleyso in ay dib u hanato gacan-ku-heynta guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna beeniyay warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay burbureyso.

Oomaar waxaa uu intaas ku daray in boqolaal dagaalyahanno shisheeye ah oo xiriir la leh Al-Qaacidda ay ka qeybqaadanayaan dagaalka looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Osama Bin Laden uu dhawaan ugu baaqay taageerayashiisa ku sugan Soomaaliya in ay af-gembiyaan Dowladda Soomaaliya, isla markaana ay dilaan Madaxweyne Shiikh Shariif.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo sii hadlayay waxaa uu ku eedeeyay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya in ay doonayaan in ay meel-mariyaan ujeeddooyin shisheeye uu wato.

Sidoo kalena, wuxuu si xooggan u dhaleeceeyay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo si weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Shiikh Xasan uusan wax badan dooneynin nabad iyo geedi-socod dib-u-heshiisiineed, “taasi bedelkeedana wuxuu daneynayaa in uu dagaal ka rido gudaha Soomaaliya"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya wuxuu qaatay mowqif la mid ah mid uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke, kaasi oo ahaa in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda aysan wada hadal dooneynin, waxa kaliya ee ay isku af-garan karaanna uu yahay dagaal, "kooxahan mucaaradka ku ah Dowladda ma lahan barnaamij siyaasadeed, waxa kaliya ee ay doonayaanna waa in ay dalka Soomaaliya ka dhigaan meel ku dhuuntaan Argagixisada Caalamka"ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo isagoo ku sugan Magaalada London ee Dalka Britain wareysigan siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa ku sii jeeda Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya, halkaas oo uu ka dhacayo shir ay isugu imaanayaan Wasiirrada Arirmaha Dibadda Dalalka Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

 

London: Wiil Soomaaliyeed ee laga dawaynayo Durayga Doofaarka

5/24/2009 10:43 AM EST
London, UK (HOL) - Wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ay tahay 22 sano jir ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Whittington ee ku yaala woqooyiga Magaaladda London kadb markii laga helay Cudurka kusii faafaya dunida ee Durayga Doofaarka (Swine Flu)

Qarax is-miidaamin ah oo lagu weeraray Xarun ay degan yihiin Ciidamada Mileteriga Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku taalla

5/24/2009 6:53 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa wuxuu maanta duhurradii isku qarxay Xaruntii Keydka Shidaalka ee Degmada Xamar Jajab.

Is-rasaaseyn muddo kooban socotay oo duleedka degmada Buula-burte ku dhaxmartay Xoogag u daacad ah Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo ka soo horjeeda

5/24/2009 4:27 AM EST
Axmed, 24,May, 2009 (HOL) Is rasaaseyn socotay muddo kooban ayaa warar soo baxaya waxaa sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Yasooman ku dhexmaray Xoogag u daacad ah Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo ka soo horjeeda oo ka tirsan dadka deegaannka.

Dowladda Eritrea oo Soomaaliya darteed uga baxeysa Midowga Afrika iyadoo horay uga baxday IGAD

5/24/2009 4:19 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Dowladda Eritrea ayaa shaaca ka qaadday in ay laashay ka mid ahaanshaheedii Midowga Afrika, iyadoo sanadkii 2007 horay u laashay ka mid ahaanshaheedii Urur Goboleedka IGAD.

Xaaladda Muqdisho oo degan, inkastoo dhinacyadii dagaallmay ay weli is-horfadhiyaan

5/24/2009 4:18 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Xaaladda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxay tahay mid deggan, inkastoo deganaantaas ay tahay mid aan la isku halleyn karin sabab la xiriirta iyadoo ay weli is-horfadhiyaan dhinacyadii dagaallamay.

Taliye Ku-xigeenkii Arrimaha Amaanka Maamulka Goballka Hiiraan ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Garoonka diyaaradah Magaalada Beledweyne

5/24/2009 4:18 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Magaalada Beledweyne Taliye Ku-xigeenkii arrimaha Ammaanka Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ShiikhC/raxamaan Faarax Diirow halka sidoo kale shilkaasi uu dhaacaw ka soo gaaray Taliyihii Ammaanka Maamulka Goballka Shiikh Axmed Inji iyo mid ka mid ah Ciidamada Maamulka.

Prof. Siciid Samatar oo sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay joogsan karaan marka dhinac ka mid ah dhinacyada dagaallamaya laga adkaado

5/24/2009 4:17 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Prof. Siciid Shiikh Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Rotgers ee dalka Mareykanka ayaa isagoo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka waxaa uu ka hadlay dagaallada ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna iftiimiyay sida ay ku istaagi karaan dagaalladaas.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in uu ka shalaaynayo baaqyo uu jeedin jiray intii ay Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Soomaaliya

5/24/2009 4:16 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shalaaynayo baaqyo uu horay u jeedin jiray intii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ku sugnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo Maamulka ka taliya Magaalada Baardheere ku eedeeyay in uu soo qodayo Qabuuro ay ku aasan yihiin Dad mar hore la aasay

5/24/2009 4:15 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku cambaareeyay maamulka ka taliya Magalaada Baardheere in uu soo qodayo qabriyo ay ku aasan yihiin dad mar hore dhintay.




London: A Somali man Diagnosed with the Swine Flu -HOL

5/24/2009 4:25 PM EST
London, UK (HOL) – A 22 year old Somali boy is being treated for the Swine Flu in London’s Whittinton hospital. In total, there are 122 case of Swine Flu confirmed in the UK 66 of whom live in London. This is the first Swine Flu case confirmed in the Somalia community.

For Somalia, Chaos Breeds Religious War -NY Times

5/24/2009 11:38 AM EST
DUSA MARREB, Somalia — From men of peace, the Sufi clerics suddenly became men of war.

Suicide bomber kills 7 at Somali government base -AP

5/24/2009 11:09 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — A foreign suicide bomber killed six guards and a civilian Sunday at a military base in the Somali capital, officials said, an attack that came after two weeks of intense fighting in war-torn Mogadishu.

U.S. anti-terror authorities see Western fighters in Somalia -AFP

5/24/2009 10:56 AM EST
WASHINGTON (AFP) — A US counter-terrorism official on Saturday said US nationals had likely joined the ranks of insurgents in Somalia, where Islamist rebels are waging a bitter war against the Western-backed government.

Suicide Bomber Kills Three in Mogadishu -HOL

5/24/2009 10:47 AM EST
MOGADISHU, Somalia (HOL) - A suicide bomber drove a truck with explosives into Somalia’s main petroleum storage in Mogadishu killing three government soldiers and wounding several soldiers and civilians.

Dozens of civilians killed in latest Somalia fighting -CNN

5/24/2009 5:24 AM EST
(CNN) -- Fighting between government and rebel forces in Somalia over the past two days has killed more than 40 civilians and wounded about 150 others, according to sources at the scene.

Somali fighters attack AU troops -Aljazeera

5/24/2009 5:07 AM EST
Islamist fighters in Somalia's capital have fired mortar bombs at the presidential palace and attacked African Union(AU) peacekeepers.

Kenya awash in Somali pirates' cash -Seatle Times

5/24/2009 4:54 AM EST
NAIROBI, Kenya — Young, newly rich and restless, Ali Abdinur Samo wasn't long for his dead-end homeland of Somalia. The 26-year-old recently decamped to Kenya, East Africa's land of opportunity, to put his wealth to work.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter