Wararka Maanta- Axad, May 24, 2009


Qarax is-miidaamin ah oo lagu weeraray Xarun ay degan yihiin Ciidamada Mileteriga Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku taalla

Axad, May 24, 2009(HOL): Qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa wuxuu maanta duhurradii isku qarxiyay Xaruntii Keydka Shidaalka ee Degmada Xamar Jajab.

Qaraxaas oo ahaa mid aad u xooggan ayaa wuxuu sababay dhimashada 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidamo ilaalinayay Xarunta Keydka Shidaalka, iyadoo jiraan dhwaacyo soo gaaray Askar kale iyo Dad rayid ah oo halkaas ka dhawaa.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey oo  markii uu qaraxaas dhacay kaddib aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in qofka qaraxaas geystay uu ahaa qof ajnabi ah, wuxuuna sheegay in ay hayaan qeyb ka mid ah jirkii qofka is-qarxiyay oo sida uu yiri aan u midab ekeyn midka Soomaalida.

C/fataax Shaawey waxaa uu sheegay in 3-da Askari ee geeriyootay ay ahaayeen kuwo ku sugnaa iridka hore ee Xarunta  Keydka Shidaalka, wuxuuna intaas ku daray in Askartaas ay  ismiidaamiyaha oo kaxeynayay Gaari TOYOTA ah ay  ku celiyeen iridka Xarunta Keydka Shidaalka, kaddibna uu is-qarxiyay.

Warar kale oo dheeraad ah oo aan qaraxaas ka helnay ayaa sheegaya in qofka is-qarxiyay uu markii hore doonayay in uu isku qarxiyo Xarunta Dugsiga sare ee Booliska, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya, hayeeshee markii labo jeer laga celiyay Xarunta Dugsiga Booliska uu isku qarxiyay iridka Xarunta Keydka Shidaalka.

Qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

 

London: Wiil Soomaaliyeed ee laga dawaynayo Durayga Doofaarka

5/24/2009 10:43 AM EST
London, UK (HOL) - Wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ay tahay 22 sano jir ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Whittington ee ku yaala woqooyiga Magaaladda London kadb markii laga helay Cudurka kusii faafaya dunida ee Durayga Doofaarka (Swine Flu)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay in ay Al-Qaacidda ka dagaallameyso Muqdisho

5/24/2009 9:58 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo wareysi siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in ay Dowladdiisa ku talageleyso in ay dib u hanato gacan-ku-heynta guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna beeniyay warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay burbureyso.

Is-rasaaseyn muddo kooban socotay oo duleedka degmada Buula-burte ku dhaxmartay Xoogag u daacad ah Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo ka soo horjeeda

5/24/2009 4:27 AM EST
Axmed, 24,May, 2009 (HOL) Is rasaaseyn socotay muddo kooban ayaa warar soo baxaya waxaa sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Yasooman ku dhexmaray Xoogag u daacad ah Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo ka soo horjeeda oo ka tirsan dadka deegaannka.

Dowladda Eritrea oo Soomaaliya darteed uga baxeysa Midowga Afrika iyadoo horay uga baxday IGAD

5/24/2009 4:19 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Dowladda Eritrea ayaa shaaca ka qaadday in ay laashay ka mid ahaanshaheedii Midowga Afrika, iyadoo sanadkii 2007 horay u laashay ka mid ahaanshaheedii Urur Goboleedka IGAD.

Xaaladda Muqdisho oo degan, inkastoo dhinacyadii dagaallmay ay weli is-horfadhiyaan

5/24/2009 4:18 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Xaaladda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxay tahay mid deggan, inkastoo deganaantaas ay tahay mid aan la isku halleyn karin sabab la xiriirta iyadoo ay weli is-horfadhiyaan dhinacyadii dagaallamay.

Taliye Ku-xigeenkii Arrimaha Amaanka Maamulka Goballka Hiiraan ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Garoonka diyaaradah Magaalada Beledweyne

5/24/2009 4:18 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Magaalada Beledweyne Taliye Ku-xigeenkii arrimaha Ammaanka Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ShiikhC/raxamaan Faarax Diirow halka sidoo kale shilkaasi uu dhaacaw ka soo gaaray Taliyihii Ammaanka Maamulka Goballka Shiikh Axmed Inji iyo mid ka mid ah Ciidamada Maamulka.

Prof. Siciid Samatar oo sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay joogsan karaan marka dhinac ka mid ah dhinacyada dagaallamaya laga adkaado

5/24/2009 4:17 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Prof. Siciid Shiikh Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Rotgers ee dalka Mareykanka ayaa isagoo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka waxaa uu ka hadlay dagaallada ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna iftiimiyay sida ay ku istaagi karaan dagaalladaas.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in uu ka shalaaynayo baaqyo uu jeedin jiray intii ay Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Soomaaliya

5/24/2009 4:16 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shalaaynayo baaqyo uu horay u jeedin jiray intii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ku sugnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo Maamulka ka taliya Magaalada Baardheere ku eedeeyay in uu soo qodayo Qabuuro ay ku aasan yihiin Dad mar hore la aasay

5/24/2009 4:15 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku cambaareeyay maamulka ka taliya Magalaada Baardheere in uu soo qodayo qabriyo ay ku aasan yihiin dad mar hore dhintay.




London: A Somali man Diagnosed with the Swine Flu -HOL

5/24/2009 4:25 PM EST
London, UK (HOL) – A 22 year old Somali boy is being treated for the Swine Flu in London’s Whittinton hospital. In total, there are 122 case of Swine Flu confirmed in the UK 66 of whom live in London. This is the first Swine Flu case confirmed in the Somalia community.

For Somalia, Chaos Breeds Religious War -NY Times

5/24/2009 11:38 AM EST
DUSA MARREB, Somalia — From men of peace, the Sufi clerics suddenly became men of war.

Suicide bomber kills 7 at Somali government base -AP

5/24/2009 11:09 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — A foreign suicide bomber killed six guards and a civilian Sunday at a military base in the Somali capital, officials said, an attack that came after two weeks of intense fighting in war-torn Mogadishu.

U.S. anti-terror authorities see Western fighters in Somalia -AFP

5/24/2009 10:56 AM EST
WASHINGTON (AFP) — A US counter-terrorism official on Saturday said US nationals had likely joined the ranks of insurgents in Somalia, where Islamist rebels are waging a bitter war against the Western-backed government.

Suicide Bomber Kills Three in Mogadishu -HOL

5/24/2009 10:47 AM EST
MOGADISHU, Somalia (HOL) - A suicide bomber drove a truck with explosives into Somalia’s main petroleum storage in Mogadishu killing three government soldiers and wounding several soldiers and civilians.

Dozens of civilians killed in latest Somalia fighting -CNN

5/24/2009 5:24 AM EST
(CNN) -- Fighting between government and rebel forces in Somalia over the past two days has killed more than 40 civilians and wounded about 150 others, according to sources at the scene.

Somali fighters attack AU troops -Aljazeera

5/24/2009 5:07 AM EST
Islamist fighters in Somalia's capital have fired mortar bombs at the presidential palace and attacked African Union(AU) peacekeepers.

Kenya awash in Somali pirates' cash -Seatle Times

5/24/2009 4:54 AM EST
NAIROBI, Kenya — Young, newly rich and restless, Ali Abdinur Samo wasn't long for his dead-end homeland of Somalia. The 26-year-old recently decamped to Kenya, East Africa's land of opportunity, to put his wealth to work.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter