Axad, May 24, 2009(HOL): Dowladda Eritrea ayaa shaaca ka qaadday in ay laashay ka mid ahaanshaheedii Midowga Afrika, iyadoo sanadkii 2007 horay u laashay ka mid ahaanshaheedii Urur Goboleedka IGAD.
Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Eritrea Araya Desta ayaa sheegay in labadaas Urur oo ay horay uga mid ahaayeen ay u laaleen sabab la xiriirta in aaney si daacadnimo ah u shaqeyneynin, isla markaana ay yihiin kuwo daciif ah oo aan awood lahayn.
Danjire Araya Desta oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da qeybta Afrika la hadasha waxaa uu intaas ku daray in aanu Midowga Afrika lahayn awood uu wax ku socodsiiyo, isla markaana uu go’aanno ku qaato, wuxuuna tilmaamay in uu u shaqeynayo qaab aan daacadnimo ku jirin.
Danjiraha oo la weydiiyay in ay taageero siiyaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aaney marka horeba Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah, wuxuuna intaas kadib sheegay in Dowladdiisa Eritrea ay taageero niyadeed iyo mid siyaasadeed siiso Shacabka Soomaaliyeed oo sida uu yiri aan muddo 20 sano ku dhow lahayn wax Dowlad ah.
Hadalkan uu sii daayay Danjiraha Dowladda Eritrea u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Midowga Afrika uu taageeray go’aan horay uga soo baxay Dalalka IGAD, kaasi oo ahaa in Dowladda Eritrea cunaqabateyn lagu soo rogo, sidoo kalena la xayiro Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya