Wararka Maanta- Axad, May 24, 2009


Xaaladda Muqdisho oo degan, inkastoo dhinacyadii dagaallmay ay weli is-horfadhiyaan

Axad, May 24, 2009(HOL): Xaaladda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxay tahay mid deggan, inkastoo deganaantaas ay tahay mid aan la isku halleyn karin sabab la xiriirta iyadoo ay weli is-horfadhiyaan dhinacyadii dagaallamay.

Xaafado ay dagaallo ka dhaceen oo ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid oo ay shalay ka dhaceen dagaallada ayaa waxaa saaka laga dareemayaa deganaan, waxaana dib u bilowday dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee Waddada Wadnaha.

Inkastoo ay deganaantaas jirto, haddana waxaa dhici karta in dagaallo dhexmaraan xoogagga labada dhinac oo kala jooga meelo aan sidaas u kala fogeyn. Dad badan oo ku noolaa goobaha ay dhinacyada dagaallamay isku horfadhiyaan ayaa halkaas isaga barakacay iyagoo ka cararaya in ay waxyeello ka soo gaarto rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac isku ridayaan.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu geystay dhimashada dad ka badan 50  ruux iyo dhaawac 150 ruux kor u dhaafaya, iyadoo dadkaasina ay isugu jireen dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah.

Si kastaba dagaalladan ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo ka waxyeello badan kuwii u dhaxeeyay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa iyo Xoogaggii Muqaawamada ee labada sano ka socday Soomaaliya ayaa waxay si weyn u niyad jebiyeen dadka Soomaaliyeed oo filayay in haddii ay Ciidamadii Itoobiyaanka baxeen ay nabad  iyo xasilooni u bixi doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

 

London: Wiil Soomaaliyeed ee laga dawaynayo Durayga Doofaarka

5/24/2009 10:43 AM EST
London, UK (HOL) - Wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ay tahay 22 sano jir ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Whittington ee ku yaala woqooyiga Magaaladda London kadb markii laga helay Cudurka kusii faafaya dunida ee Durayga Doofaarka (Swine Flu)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay in ay Al-Qaacidda ka dagaallameyso Muqdisho

5/24/2009 9:58 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo wareysi siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in ay Dowladdiisa ku talageleyso in ay dib u hanato gacan-ku-heynta guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna beeniyay warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay burbureyso.

Qarax is-miidaamin ah oo lagu weeraray Xarun ay degan yihiin Ciidamada Mileteriga Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku taalla

5/24/2009 6:53 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa wuxuu maanta duhurradii isku qarxay Xaruntii Keydka Shidaalka ee Degmada Xamar Jajab.

Is-rasaaseyn muddo kooban socotay oo duleedka degmada Buula-burte ku dhaxmartay Xoogag u daacad ah Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo ka soo horjeeda

5/24/2009 4:27 AM EST
Axmed, 24,May, 2009 (HOL) Is rasaaseyn socotay muddo kooban ayaa warar soo baxaya waxaa sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Yasooman ku dhexmaray Xoogag u daacad ah Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo ka soo horjeeda oo ka tirsan dadka deegaannka.

Dowladda Eritrea oo Soomaaliya darteed uga baxeysa Midowga Afrika iyadoo horay uga baxday IGAD

5/24/2009 4:19 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Dowladda Eritrea ayaa shaaca ka qaadday in ay laashay ka mid ahaanshaheedii Midowga Afrika, iyadoo sanadkii 2007 horay u laashay ka mid ahaanshaheedii Urur Goboleedka IGAD.

Taliye Ku-xigeenkii Arrimaha Amaanka Maamulka Goballka Hiiraan ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Garoonka diyaaradah Magaalada Beledweyne

5/24/2009 4:18 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Magaalada Beledweyne Taliye Ku-xigeenkii arrimaha Ammaanka Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ShiikhC/raxamaan Faarax Diirow halka sidoo kale shilkaasi uu dhaacaw ka soo gaaray Taliyihii Ammaanka Maamulka Goballka Shiikh Axmed Inji iyo mid ka mid ah Ciidamada Maamulka.

Prof. Siciid Samatar oo sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay joogsan karaan marka dhinac ka mid ah dhinacyada dagaallamaya laga adkaado

5/24/2009 4:17 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Prof. Siciid Shiikh Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Rotgers ee dalka Mareykanka ayaa isagoo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka waxaa uu ka hadlay dagaallada ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna iftiimiyay sida ay ku istaagi karaan dagaalladaas.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in uu ka shalaaynayo baaqyo uu jeedin jiray intii ay Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Soomaaliya

5/24/2009 4:16 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shalaaynayo baaqyo uu horay u jeedin jiray intii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ku sugnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo Maamulka ka taliya Magaalada Baardheere ku eedeeyay in uu soo qodayo Qabuuro ay ku aasan yihiin Dad mar hore la aasay

5/24/2009 4:15 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku cambaareeyay maamulka ka taliya Magalaada Baardheere in uu soo qodayo qabriyo ay ku aasan yihiin dad mar hore dhintay.




London: A Somali man Diagnosed with the Swine Flu -HOL

5/24/2009 4:25 PM EST
London, UK (HOL) – A 22 year old Somali boy is being treated for the Swine Flu in London’s Whittinton hospital. In total, there are 122 case of Swine Flu confirmed in the UK 66 of whom live in London. This is the first Swine Flu case confirmed in the Somalia community.

For Somalia, Chaos Breeds Religious War -NY Times

5/24/2009 11:38 AM EST
DUSA MARREB, Somalia — From men of peace, the Sufi clerics suddenly became men of war.

Suicide bomber kills 7 at Somali government base -AP

5/24/2009 11:09 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — A foreign suicide bomber killed six guards and a civilian Sunday at a military base in the Somali capital, officials said, an attack that came after two weeks of intense fighting in war-torn Mogadishu.

U.S. anti-terror authorities see Western fighters in Somalia -AFP

5/24/2009 10:56 AM EST
WASHINGTON (AFP) — A US counter-terrorism official on Saturday said US nationals had likely joined the ranks of insurgents in Somalia, where Islamist rebels are waging a bitter war against the Western-backed government.

Suicide Bomber Kills Three in Mogadishu -HOL

5/24/2009 10:47 AM EST
MOGADISHU, Somalia (HOL) - A suicide bomber drove a truck with explosives into Somalia’s main petroleum storage in Mogadishu killing three government soldiers and wounding several soldiers and civilians.

Dozens of civilians killed in latest Somalia fighting -CNN

5/24/2009 5:24 AM EST
(CNN) -- Fighting between government and rebel forces in Somalia over the past two days has killed more than 40 civilians and wounded about 150 others, according to sources at the scene.

Somali fighters attack AU troops -Aljazeera

5/24/2009 5:07 AM EST
Islamist fighters in Somalia's capital have fired mortar bombs at the presidential palace and attacked African Union(AU) peacekeepers.

Kenya awash in Somali pirates' cash -Seatle Times

5/24/2009 4:54 AM EST
NAIROBI, Kenya — Young, newly rich and restless, Ali Abdinur Samo wasn't long for his dead-end homeland of Somalia. The 26-year-old recently decamped to Kenya, East Africa's land of opportunity, to put his wealth to work.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter