Axad, May 24, 2009(HOL): Prof. Siciid Shiikh Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Rotgers ee dalka Mareykanka ayaa isagoo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka waxaa uu ka hadlay dagaallada ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna iftiimiyay sida ay ku istaagi karaan dagaalladaas.
Prof. Samatar waxaa uu sheegay in dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho ee la sheego in u dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya iyo xoogag hubeynsan oo ka soo horjeeda ay yihiin kuwo asbaab kale ku socda, wuxuuna caddeeyay in ay dagaalladaas u dhaxeeyaan Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shiikh Shariif Shikh Axmed oo Maxkamadihii Islaamka madax ka wada ahaa balse ku kala tegay afkaar siyaasadeed.
Waxaa uu rajo xumo ka muujiyay Prof. Siciid Samatar in dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ay joogsadaan, wuxuuna tilmaamay in habka kaliya ee uu dagaalka ku istaagi karo ay tahay iyadoo laga guuleysto mid ka mid ah dhinacyada is-haya oo markaasina dhinaca laga adkaado uu u hoggaansamo dhinaca kale.
Prof. Siciid Samatar waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay la yaabban yihiin halka wax u socdaan, wuxuuna sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed ay rajeynayeen in xaaladda Soomaaliya ay degi doonto kagadaal marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuse carrabka ku dhuftay in taasi bedelkeeda ay haatan socdaan dagaallo u dhaxeeya Xoogaggii la dagaallamayay Ciidamadii Itoobiyaanka.
Prof. Siciid Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sida gaarka ah ula socda xaaladda Dalka Soomaaliya waxaa uu wareysiga ay la yeelatay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ku sheegay waxyaabo badan oo si dhab ah uga jira Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwo dano gaar ahaaneed lagu doonayo oo aan diin iyo dan Soomaaliyeed loogu daneyneynin.
Ugu dambeyntiina, Professor Samatar waxaa uu sheegay in aaney dagaallada Soomaaliya si sahal ah ku soo af-jarmeynin, wuxuuna caddeeyay in haddii Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ay awood dalka ku qabsadaan in ay mar kale dhexdooda dagaallami doonaan, wuxuuna taasi ku tilmaamay ayaan darro heysata Shacabka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya