Axad, May 24, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shalaaynayo baaqyo uu horay u jeedin jiray intii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ku sugnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya xoogaggii sida wada jirka ah ula dagaallamayay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay yihiin kuwo aysan fileynin in ay dhacaan.
“Waxaan ka shalaayneynaa in aan dhihi jirnay annaga ayaa ballanqaadeyna in aaney dagaallo dhaceynin haddii ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, waayo ballanqaadkaas waa nagu beenoobay”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali
Axmed Diiriye Cali waxaa uu intaas ku daray in ay in muddo ah ku baaqayeen in la joojiyo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho balse ay baaqyadooda u muuqdaan kuwo aan la tixgeleynin.
“Kama daaleyno in aan sii wadno baaqyadaas dagaal-joojinta ah, waxaana leenahay dagaalka joojiya oo u damqada dadka shacabka ah ee aad mar kasta sheegtaan in aad meteshaan oo aad u daneyneysaan”ayuu mar kale yiri Axmed Diiriye Cali.
Ugu dambeyntiina, Axmed Diiriye Cali waxaa uu ka digay in dagaallada hadda ka socda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay keenaan in uu dalka u gacan-galo cadaw hor leh, kaasi oo ay adkaan doonto in mar kale la saaro.
“Xog badan ayaan heynaa, waxaan leenahay dalka yaanan loo gacan-gelinin shisheeye ay adkaan doonto in la saaro haddii uu dalka qabsado. Marka dalka la qabsado waxaa dhici doonta in uu qof walba u cararo hortiisa”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya