Axad, May 24, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku cambaareeyay maamulka ka taliya Magalaada Baardheere in uu soo qodayo qabriyo ay ku aasan yihiin dad mar hore dhintay.
Afhayeenkan oo lagu magacaabo Shiikh Ismaaciil Koofi ayaa sheegay in maamulka ka taliya magaalada Baardheere uu soo qoday ilaa lix qabri oo ay ku aasnaayeen dad mashaa’ikh ah oo si weyn looga qadarin jiray Gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay in soo bixinta lafaha mashaa’ikhdaas lagu raaligelinayo sida uu yiri dad gaalo ah.
Shiikh Ismaaciil Koofi oo isagoo ku sugan Degmada Doolow u warramayay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta uu maamulka Baardheere u soo qodayo qabriyada ay tahay iyadoo la tirtirayo sharafkii ay Mashaa’ikhdaas ku lahaayeen bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.
“Qofka marka uu dhinto wuxuu xaq u leeyahay in la dhaqo, la karfaniyo isla markaana la aaso, mana bannaana in marka la aaso kaddib dibadda loo saaro”ayuu yiri Shiikh Ismaciil Koofi oo ah Afhayeenka dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobolka Gedo.
Maamullo ka taliya Gobollada Jubbooyinka, Gedo iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxay horay dibadda ugu soo saareen lafaha dad mar hore la aasay, kuwaasi oo ay ku jireen Culumaa’udiin si weyn looga ixtiraami jiray Koofurta Soomaaliya, iyadoo taasina ay ka careysiisay dadka taabacsan dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya