Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009


Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo cambareeyey dagaallada ka socda Muqdisho

Ergayga gaarka ah ee Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah
Talaado, 12, 2009 (HOL): Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould-Abdallah ayaa si xoog leh u cambaareeyey dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho ee lagu bartilmaameedsanaayo Dawlada Sharciga ah ee Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay dagaalka iyo qaska socda ee sababay dhimashada iyo barakaca dad fara badan oo shacab ah uu yahay mid aan la aqbali karin.

Ould Abdallah waxaa uu ku baaqay in ay lagama maarmaan tahay in dagaalladaas sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyaa , loona turaa dadka rayidka ah, wuxuuna xusay in dagaallada socda ay wadaan dad sida uu yiri kheyru mas’uuliyiin ah oo heysta taageerada dad ajnabi ah. Wuxuu sheegay Ould Abdallah in ay la yaab yahay in aaney ilaa iyo haatan jirin qabiillo si caddaan ah u sheegtay dagaallada ka socda Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed waxay si cad u muujiyeen inay ka xun yihiin kana daallan yihiin dagaal, haddana mar labaad ayaa dagaal la geliyey kaasoo   lagu dilay laguna barakiciyey dad aan waxba galabsanin oo Rag, Haween iyo Caruurba leh. Ma garanaayo sababta Soomaali dhexdeeda u dagaallamayso isuna dilayso”ayuu mar kale yiri Ahmedou Ould Abdallah.

Ergayga gaarka ah wuxuu yiri geedi socodka nabada Jabuuti waa uu socdaa wuxuuna u furan yahay koox kasta oo taageerta Nabadda iyo deganaanshaha. Wuxuu kaloo sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ururada Gobolka sida IGAD iyo Ururka Midowga Afrika ay si shaqse leh tallaabo u qaadeen una cambaareeyeen fidnada socota, diideenna sida uu u yiri  gardaraysiga iyagoo diyaarinaya tallaabo ay wax uga qabanayaan.

“Haba yaraatee ma jiro wax cudurdaar ah oo loo helayo qaskan socda, kuwa qaaday weerarkana waa inay diyaar u ahaadaan inay qaadaan mas’uuliyadda ka dhalan karta ficilkooda.  Waxay ku talagalsan yihiin inay sii wadaan deganaansho la’aantii iyo is-xukun la’aantii dalka ka jirtay 20kii sano ee la soo dhaafay, haddaba arintani waa in ay diidaan dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamkuba” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ahmedou Ould Abdallah oo soo saaray Warsaxaafadda uu ku cambaareynayo dagaalladii maalmihii tegay ka dhacayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Wixii faahfaahin ah, fadlan la xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano Public Information Officers, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel +254 20 762 1192/1625 ama +254 733 902 020/737 400 133 Fadlan Booqo: www.UN-Somalia.org

Hiiraan Online News Desk

 

Dagaal deegaanka Maxaas ee Goballka Hiiraan ku dhexmaraya Xoogagga Al-shabaab iyo kooxo ka soo horjeeda

5/12/2009 12:33 PM EST
Talaado, 12, 2009 (HOL) Warar goor dhaw soo baxay ayaa xaqiijinaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Xoogagga Al-shabaab iyo kooxo ka soo horjeeda uu ka bilawday deegaanka Maxaas ee Goballka Hiiraan.

MADAXA SIYAASADDA AL-SHABAAB: “Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga digeynaa in Ajnabi lagu tilmaamo Muslimiin u soo gurmaday Soomaaliya”

5/12/2009 7:03 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Madaxa Siyaasadda iyo Gobollada Al-Shabaab Shiikh Cali Fiidow oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay hadallo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ahaa in ay Al-shabaab ka dhinac dagaallamayaan rag ajnabi ah, dagaalladii Muqdisho ka dhacay maalmihii aynu ka soo gudubnay, go’aanno dagaal-joojin ah oo ay saartay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo sida ay Dowladda u dhaqangelineyso Shareecada Islaamka.

Kulan looga hadlayay Arrimaha Soomaalida oo lagu qabtay Dalka BELGIUM

5/12/2009 5:42 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Ururka BANAADIRVZW oo ka dhisan Wadanka Belguium Gaar ahaan Magaalada GENT ayaa Waxay Casuumaad soo dhaweyn ah u sameeyeen Ururo ka kala Yimiday Wadamada Netherland & Sweden oo kala ah S.S.U.P & EUROSOMA & S.N.B.F iyo marti Sharaf kale oo iyagana ka kala Yimid Qaar ka tirsan Wadamada Qaaradda Yurub.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Buulo-burte ee Gobollka Hiiraan

5/12/2009 4:54 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Kooxda Al-shabaab oo bilihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa qeybo ka mid ah Gobollka Hiiraan ayaa si toos ah waxaa ay ula wareegeen gacan ku heynta degmada Buula-burte oo qiyaastii u jirta 115 km Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay wadaan Dad Gobollo kale ka yimid

5/12/2009 3:21 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladii maalmihii tegay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan Dad gobollo kale ka yimid.

Spain oo Burcad Badeed Soomaali ah ku wareejineysa Kenya

5/12/2009 3:09 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): 14 Burcad Badeed Soomaali ah oo ay qabteen marar kala duwan Ciidamada Badda Spain ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa Dowladda Kenya , sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain.

Xabad-joojin aan cago badan ku taagneyn oo ka jirta goobihii ay shalay dagaallada ka dhacayeen ee magaalada Muqdisho

5/12/2009 2:40 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Xabad-joojin aan cago badan ku taagneyn ayaa saaka waxay ka jirtaa xaafadihii ay maalmihii tegay dagaallada ka dhacayeen ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalena uu magaalada ka socdo barakac aad u baahsan.

Dowladda Mareykanka oo cambaareysay Dagaallada ka dhacaya Muqdisho, kuna baaqday in la joojiyo

5/12/2009 2:40 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay dagaallada ka socda Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo xoogagga hubeysan oo ka soo horjeeda.

Xukuumadda Somaliland oo Kooxdii afraad ee Burcad-Badeed ah ku ridday Xukun kala duwan

5/12/2009 2:38 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa xukun xadhig ah ku ridday 14 Nin oo saddex ka mid ahi maqan yihiin, kuwaas la sheegya in lagu helay falal Budhcad-Badeednimo.




Russia may prosecute Somali pirates - report -Reuters

5/12/2009 5:25 PM EST
MOSCOW (Reuters) - Russian courts may prosecute Somali pirates for attacks on Russian ships, a senior legal official was quoted as saying in a newspaper due for publication on Wednesday.

How Kenya's police boss escaped death -DailyNation

5/12/2009 5:20 PM EST
A split second decision by the pilot of a police helicopter to crash-land on buildings saved a high-powered team of top government officials, including Police Commissioner Hussein Ali and assistant minister Orwa Ojodeh.

Foreigners helping us, says Somali Islamist -Daily Nation

5/12/2009 5:15 PM EST
MOGADISHU, Somalia (Daily Nation) - Islamist Al-Shabaab political and regional officer Sheikh Hussein Ali Fidow has praised the solidarity his group received from foreign fighters against the Transitional Federal Government in Somalia.

Edmonton: Resolution concerning Bashir Makhtal's Case -FMWC

5/12/2009 4:22 PM EST
Free Makhtal-Working Coalition, a coalition of citizens and residents of Canada, held a town hall meeting on Sunday, May 10, 2009 to raise awareness about the plight of Bashir Makhtal.

Somali government encircled by hardline Islamists -CSM

5/12/2009 3:24 PM EST
Nairobi, Kenya - Somali Islamist leader and onetime president Sheikh Dahir Aweys has launched what appears to be a final assault on the fragile Somali transitional government.

Somali fighting kills 113 civilians in past 3 days -AP

5/12/2009 10:55 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — A human rights activist says 113 civilians have been killed in fierce fighting in Somalia's capital in the past three days.

UN envoy for Somalia condemns Mogadishu violence -Xinhua

5/12/2009 9:32 AM EST
NAIROBI, May 12 (Xinhua) -- Top United Nations envoy for Somalia on Tuesday condemned the continuing violence in the Somali capital of Mogadishu targeted at the legitimate government of the Horn of Africa nation.

Official: Fighting kills 14 in Somalia's capital -AP

5/12/2009 9:28 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — Fierce overnight fighting between Islamic insurgents and pro-government forces in Somalia's capital killed at least 14 people including women and children, health officials said Tuesday.

Thousands flee Mogadishu as death toll hits 113 -Reuters

5/12/2009 6:03 AM EST
MOGADISHU, May 12 (Reuters) - Thousands of residents fled bomb-blasted parts of northern Mogadishu on Tuesday and a local rights group said the Somali capital's heaviest fighting for months had killed 113 civilians.

Somali pirates 'helped by intelligence gathered in London' -Telegraph.co.uk

5/12/2009 5:58 AM EST
Spanish media reported that a document produced by a European military intelligence agency claims that pirates are targeting specific ships identified by a team of "well-placed advisers" in London.

Two killed in brief Mogadishu clashes -AFP

5/12/2009 5:53 AM EST
MOGADISHU (AFP) — Hardline Islamist rebels clashed with government troops in Somalia's war-riven capital for a fifth successive day Monday, as the country's embattled leader vowed to stay in control.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter