 |
| Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur |
Talaado, May 12, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladii maalmihii tegay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan Dad gobollo kale ka yimid.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa sheegay in dadka ku nool Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin dagaallo sii socda 20 sano kaddib, wuxuuna caddeeyay in dagaallada hadda socda ay yihiin kuwo ay wadaan dad sida uu yiri gobollo kale ka yimid.
“Wallaahi Billaahi Tallaahi, ma yeeleyno in Dadka ku nool Gobolka Banaadir ay dhibaateeyaan dad ka yimid Gobollo kale oo nabadgelyo ka jirto, arrintaasna maamulka go’aan ayuu ka qaadan doonaa”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaallo geystay dhimasho iyo dhaawac aad u faro badan.
Horay waxaa hadal midkan la mid ah u jeediyay Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, gaar ahaan Guddoomiyaha Maxamed Xasan Xaad iyo Afhayeenka Dhaqanka Axmed Diiriye Cali, kuwaasi oo sheegay in dagaallada oo dhan lagu soo koobay magaalada Muqdisho, gobollo badan oo ay ka yimaadeen dad Muqdisho ka dagaallamayana ay ka socdaan adeegyada bulshada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo cambareeyey dagaallada ka socda Muqdisho
12/05/2009 12:42 PM EST
Talaado, 12, 2009 (HOL): Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah ayaa si xoog leh u cambaareeyey dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho ee lagu bartilmaameedsanaayo Dawlada Sharciga ah ee Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay dagaalka iyo qaska socda ee sababay dhimashada iyo barakaca dad fara badan oo shacab ah uu yahay mid aan la aqbali karin.
|
|
|
|
|
Kulan looga hadlayay Arrimaha Soomaalida oo lagu qabtay Dalka BELGIUM
12/05/2009 5:42 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): Ururka BANAADIRVZW oo ka dhisan Wadanka Belguium Gaar ahaan Magaalada GENT ayaa Waxay Casuumaad soo dhaweyn ah u sameeyeen Ururo ka kala Yimiday Wadamada Netherland & Sweden oo kala ah S.S.U.P & EUROSOMA & S.N.B.F iyo marti Sharaf kale oo iyagana ka kala Yimid Qaar ka tirsan Wadamada Qaaradda Yurub.
|
|
|
Spain oo Burcad Badeed Soomaali ah ku wareejineysa Kenya
12/05/2009 3:09 AM EST
Talaado, May 12, 2009(HOL): 14 Burcad Badeed Soomaali ah oo ay qabteen marar kala duwan Ciidamada Badda Spain ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa Dowladda Kenya , sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain.
|
|
|
|
|
|
|
|