5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Maxaa Hortaagan Shareecada?
fiogf49gjkf0d

Idris Axmed Cusmaan
Thursday, May 14, 2009

Read in English

Magaca Allaha weyn ee waaxidka ah ayaan ku bilaabayaa. Qormadan waa soo koobid iyo tarjumid tifafttiran cilmibaaris aan ku sameeyey hirgelinta Shareecada Islaamka waxyaabha ka hor imaan kara. Shacabka Soomaaliyeed waa Sunni Muslim 100%. Diinta Islaamka in lagu dhaqmo, cibaado, macaamilo, iyo maamul xukun, waa waajib aan daah ka saarneyn shacbiga Soomaaliyeed. In ka badan nus qarni ayaa shacbigan wuxuu ku noolaa gumeysi gaalo ah ( Talyaani, Ingiriis, iyo Faransiis ), ka dibna waxaa xigay xukun militari ah, oo lagu gunaanaday kacdoon hubeysan kaasoo sii socday labaatankii sanno ee la soo dhaafay. Shacbiga Soomaaliyeed maanta wuxuu ka cawanayaa dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin dagaalo dhiig badan ku daatay, nolol xumo, musuqmaasuq, cadaalad darro, cuduro badan, iyo cabsi.

 

Su’aasha la is weydiinaya waxay tahay maxaa sabab u ah?!. Yaa ka mas’uul ah intaasoo dhibaatooyin loo geystay shacabka iyo waddanka?!. Haddii aan taariikhda dib u eegno waxaan arkeynaa in dhacdooyinka sanooyinkii la soo dhaafay ay raad ku yeelatay labo ama saddex fac shacbiga Soomaaliyeed.

 

Iyadoo shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed jecel yahay diinta, rumeyntiisa Allah aad u xoogan tahay, ayaa waqtigii isticmaarka iyo xukumadii xigtay, ilaa maantadan si habsami oo toosan ku dhaqanka shareecada, xukunka Allah, wax yar oo isku dayid ah mooyee, laga dhaqan gelin waddanka. Taasina waxay kala mid tahay Soomaaliya waddamo badan oo shacbigeedu Muslim yahay, maamulka lagu xukumana uu yahay mid aadami dejiyey (xukun wadci ).

 

Laga soo bilaabo ilaa goortii gumesytaha reer galbeed ay jebiyeen  dawlad ku xukunta shareecada Islaamka tii ugu dambeysay, ayaa waxaa biloweday in dowladaha muslimiinta hoos galaan gumeystaha laguna soo rogo nidaamka iyo dhaqanka gumeystaha reer galbeed iyo bari. Waxaad mararka qaar maqleysaa in gumeystuhu wax fara gelin ah ku sameyn jirin ku dhaqanka diinta Islaamka dhinaca cibaadooyinka iyo axkaamta shaqsiga, laakin uusan marna oggoleyn ku xukunka kitaabka Quraanka iyo Sunnada. Waxaa bilowday dagaalo sokeeye, waddanka guud ahaan burbur iyo qasaare xoog leh oo nafsad iyo hanti u geystay. Wareer iyo welwel ayaa shacbigan Muslimka ah ku soo degay, meel walba oo dunida korkiisa ayay u kala qaxday, waxay weli la yaaban tahay oo aysan ogeyn cadwaga hesyta!.

 

Marka hore aynu ku bilowno sida kulan dhexdhexaadin iyo heshiis loo gaari karo iyadoo la raacay Qur’aanka iyo Sunnada. Aayadaha Qur’aanka ayaa sheegaya in kuwa rumeeyey ay iska xilsaaraan, nabad raadin iyo sugida amaanka muslimiinta:

 

 

Haddii laba qolo oo muslimiinta ah dagaalllamaan heshiisiya dhexdooda, haddii mid ku xadgudubto tan kalela dirira tan xudgudubta intay amarka Allah ugu noqoto ( xaqa aqoonsato ) hadday noqotna si cadaalad ah u wanaajiya dhexdooda una garsoora. Allah wuxuu jecelyahay ku wa garsoora.

Al-Xujuraat 49:9

 

Aayadan waxay xujo ku tahay ha ugu horeeyeen dhamman culumaa’udiinka Soomaaliyeed, iyo kuwa rumeeyey ee awood u leh inay u istaagan mas’uuliyadan.

 

Kuwa xaqa rumeeyoow adeeca Allah oo adeeca Rasuulkiisa iyo kuwa amarka leh, oo idinka mid ah, haddaad ku doodaan arrinu celiya Allah iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin kuwa rumeeyey Allah iyo maalinta dambe ( qiyaamada ) sidaasaana idin kheyr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta. An-Nisaa 4:59

 

Aayadan waxay xujo ku tahay qolooyinka dagaalada isku heysta maanta ama qolo walba oo dagaalnta oo isku qilaafsan amar xalkiisa Qur’aanka lagu caddeeyey. In la diido u soo noqoshada Allah iyo rasuulkisa waxay ka soo horjeedaa shareecada. Qolo ama qof walba oo diida heshiisin, wadahadalo, nabad raadin, ee raba dagaal keliya wuxuu ka soo horjeedaa hanuunka aayadan.

 

Waxaad isku khilaaftaan oo shay ah Allah ayaa leh xukunkiisa ( loo celinayaa ) kaasina waa Allah i barbaariya, isagaana talo saartaa, xaggiisaana u noqon doonaa. Ash-Shuuraa 42:10

 

Ma jiro khilaaf aan xalkiisa aan ku sugneyn Qur’aanka kariimka iyo Sunnada, maxaa diidan in loo celiyo Allah xagiisa?!. Haddii dawaldda qaran iyo qolo walba oo ka soo horjeeda ay magic diin ku hadlayaan, arrintu ay tahay diin ama shareecad, runtii waxaa tusaale u noqon kara inay u hoggaansamaan ama diidaan xukunka Allah sida aayadu sheegeyso oo la joojiyo beenbeenta uu dhiiga Muslimka ku daadanaayo.

 

Markii mu’miniinta iska xilsaaraan dhexdhexaadinta qolooyinka is heysta, wadahadalo la sameeyo, la is hor fadhiisto, waxa la isku hesytana la caddeeyo, waa  qolo ayaa gardaran ama qolo ayaa toosan. In loo kala garsooro iyadoo lagu xukumayo kitaabka Allah iyo sunnada Rasuulka waa sida aayadu sheegeyso. Qolada gardaran inay qaladkeeda qirato oo ay ka soo noqoto, dembi dhaaf Allah weydiisato, waa waxa aayadan sheegeyso:

 

Kuwa marka falaan xumaan ama dulmiyaan naftooda xusa Allah, weydiiayana in dembigooda dhaafo, wax dembi dhaafana ma jiro Allah mooyee, oo daai’imin xumaantay falaan iyagoo og. Aala-Cimraan: 3:135

 

Ma u maleynaayo in intaan ka dib jiri karaan marmarsiiyo ruux lagu dilo, dagaal lagu abuuro, fitno iyo fasaad lagu sameyo; haddii aysan jirin qoloyiin ka dhex shaqeeya dawaladda qaran iyo mucaaradka ka soo horjeeda oo danahooda yahay gumaadka shacbiga Soomaaliyeed ee Musmka ah.

 

Sharaeecada wax bay nooleysaa, waa naxriis iyo nabadgelyo Allah inoo soo dejiyey.

Shareecada waa sida jirka oo ka hortaagaya cudur dilaa ah oo ku soo food leh xubin ka mid ah, dabcan si loo badbaaidyo jirka intiisa kale ka hortaga wuxuu noqon karaa in xanuun yar oo muddo gaaban la dareemo, laga taqaluso xubinta fasaadka ku yimaada oo la jiro. Shareecada ma ahan xuduud keliya, waxay maamuleysaa dhinac walba oo nolosha ah, sida ganacsiga iyo isdhaafsadka lagacaha, caafimaadka, dhaqaalaha, wax soo saarka, maamulka iyo maareynta, siyaasada iyo xiriirka caalamiga, dhaqanka shaqsiga, iyo cibaadooyinka.


CADAWGA SHAREECADA IN LAGU XUKUMO:

 

Alxamdulillah qofka mid ah shacbiga Muslimka ee Soomaaliga oo si toos cadaw ugu ah shareecada ma jiraan. Dhammaan shacbigu waxay jecel yihiin in lagu xukumo shareecada oo diinta Islaamka laga hirgeliyo waddanka. Laakinse jaahilnimo darteed iyo dacaayado been abuur ah oo cadawga Islaamka ku afuufeen,  ayaa laga yaabaa inuu asigoo ka warla’ ka soo horjeesto hirgelinteeda.

 

  1. Cadawga shareecada waa cadawga Soomaaliya. Gumeystahii talyaaniga ee dabadhilfkiisu weli u adeegaan ma u maleyneysaa inuusan la dagaalameyn in Shareecada u caqliyeyso Soomaalida uu soo barbarsaaday, maskaxda ka dhaqay, ee u adeega?!. Waa kuwii u suuro geliyey inuu baddeena sumeeyo, cuduro aad u qatar ah oo aan weligii lagu arkin Soomaaliya ku riday shacbigeena. Waa kuwii ilaa waagii xukunka militariga waddanka ka jiray ilaa maantadan kheyraadka waddanka ku dihin gacanta u gelin jiray Talyaaniga. Shareecada qatar weyn ayay ku tahay maslaxadiisa
  2. Itoobiya, Eritriya, Kiinya iyo Yugaanda mida walba si gaar ah ayuu Soomaali shareecada lagu xukumo oo diinta Islaamka mabda’ iyo maamul ahaan looga hirgeliyo u arkaa inay handadeyso maslaxadiisa. Itoobiya,  waxay taasi ku muujisay werar hubeysan oo lagu jebiyey. Itoobiay waxay gumeystaa dhul Soomaali Ogaadeeniya oo shacbigeedu Muslim yahay. Maamulka ka taliya Itoobiya wuxuu dil, boob, dahc, kufsad, gumaad iyo xasuuuqid ku hayaa dadka degganka dhulka Ogaadenya. Taas iskaba dhaaf, xukunka Itoobiya wuxuu cadaadin iyo ciqaab ku hayaa shacbiga Itoobiya ee Musimka ah. Eritriya, haddii qolada hoosteeda harsanaya u maleynayaan inay ka raalli noqon doonto shareecada iyo maamul Islaami ah oo Soomaaliya ka dhasha, wallee waa tii shalay tagtay. Eritriya waxaa hoggaanka u haya madaxweyne midka Itoobiya aan waxba dhaamin oo cadaadin ku ahaya muslimiitna Eritriya. Shacbiga muslimka ee Eritriya waxa ku kala faafsan yihiin dunida dacaladeeda iyagoo ka soo cararay dulanka ay dawladoodu si gaar ula doonto Muslimiinta. Kiinya, dhinac walba aad ka fiiriso waa dhab. Kiinya waxay maanta u hanqal taageysaa inay dhinac u goosato qeyb la mid ah badweynta Soomaaliya. Yugaandha waxay la xiriirtaa dawladaha nala jaarka ah ee cabsida weyn ka qaba in cadaalada shareecada laga hirgeliyo Soomaaliya.
  3. Dawladaha galbeed sida midowga Yurubta iyo Mareykanka, dhamaan wax ka aamusaya in goob yar oo dunida ka mid ah ka soo ifo cadaalada Islaamka ma jiraan. Nidaamka maanta looga dhaqmo dunida waa mid ka fog xukunka Allah oo dhan. Isbedelo aad u baaxad leh oo qoto dheer ayaa lagu soo rogay nidaamkii Islaamiga ahaa ee ka jiray caalamka Islaamiga oo dhan. Dhinaca wabrashada, manhajka daraasiga wadamada Musllimiinta oo dhan waxay ku salysan yihiin nidaam reer galbeed ama bari ah. Dhaqaalaha iyo siyaasada waxaa saldhig u ah nidaam caalami oo qasab kaga dhigeysa shaqsiga Muslimka inuu si sanduli ah ugu shaqeeyo gumeysiga. Gumeysiga cusub ee maanta jira wuxuu u dejiyey shucuubta caalamka la gumeysto xeelad aanay si fudu uga xoroobi karin inay helaan xal Allah dejiyey mooyee, kaasoo ah ku dhaqanka diinta Islaamka. Hey’ada caalamiga ee lacagaha ( IMF ) iyo Bankiga adduunka, waxay deymo culus dul saaraan dawladaha la gumeysto. Deeq walba waxaa lagu xiraa shuruudo ay ka mid yihiin in nidaamka, dhaqanka, siyaasada, laga dhaqan geliyo, waddanka la gumeysto ee lacagta ee deeqda la siinayo. Kheyraadka sida macaadinta, xoolaha iyo dalaga ka baxa waddamada la gumeysto ayaa si aad iyo aad u janban u qaataan gumeystaha, iyadoo shacbiga waddankaasi gaajo darteed u dhintaan. In waddamada la gumeysto ay weligoodba ahaadaan kuwo aan xoriyad shaqsi ka jirin, horumarka la xayirayo, uu ka taliyo keligii taliye u hoggaansan siyaasadaha gumeystaha waa arrin ilaa iyo waqtigii gumeystaha xoog ku maquunin jiray nidaamkiisa uu u bedelay xeeladan cusub. Shareecada waxay ka hortageysaa xeeladan sidaa darteed waa wax aan yaab laheyn inay laga dagaalamaan.  

  1. Dawladaha Carabta ee maamulkoodu si aan toos aheyn u hoos yimaada wadamada reer galbeed ayaa si darabn u diidan shareecada ama xukuumad Islaami ah. Dawladaha sida Sucuudiga, Masar, waddamada waqooyiga Afrika ayaa dagaalo culus kula jira qolooyinka Islaamiyiinta oo doonaya in dawlad Islaami ah ka dhaliyaan waddamadaas. Miisaniyad xoog leh waxay waddamadaasi ku bisiyaan siday uga hortagi lahaayeen cadaalada sharerecada oo ka horimaayesa cadaald darada, kala sareynta, xuquuq duudsiinta, dhaca xoolaha qaranka, cadaadinta iyo xoriyad la’aanta, musuqmaasuqa iyo mugdiga ay shacbigooda ku hayaan.

  1. Qolooyinka isu magacaaba aqoonyahanada laakinse runtii jaahil ka ah diintooda. Kuwaasoo laga dhaahdiciyey diinta Islaamka waa dibudhac.Qoladan waxay shareecada ku diidayaan inay weligood ku hoos jireen cadawga Islaamka oo fasiraada ku dhaqanka diinta Islaamka keliya ay arkeen ay tahay kuwo kale oo jaahil ah oo si qaldan u fisiray. Ka dibna ka sii diday diinta oo dhan. Aqoondarro waa u neceb jeceyl ayaa la yiraahdaa          (Al Mar’u caduwu calaa maa jahil ), nasiibdarro, qoladan waxay noqdeen gacanta dheer uu cadawga shareecada kula dagalaamo Islaamka.

  1. Qolooyinka diinta si qaldan u heysta oo Qur’aanka iyo Sunnada ka fog. Waxay kitaabka Qur’aanka u heysataan mid loogu talo galay in la barakeysto munsaabooyinka markuu qof geeiryoodo ama musiiba soo dhacdo keliya. Iyagoo sunnada ka jaahil ah ayaa waxay la yimaaadaan bidcooyin aan sal iyo raad ku laheyn diinta oo weliba shirki ah. Qolada oo uu gunesytuhu ku soo dhuumaaleystay, heshiisna la gala idinkuna qubuurtiina wax ku caabuda oo ku dikriya aniguna waxaan maamulayaa waddankiina oo aan boobaya kheyraadkiina, iyagu waa iskugu mid hadduu sheikh iyo sheydhaan midkii doona ha xukumo intuusan ka soo faragashanayn khuraafaadkooda. Shareecada waxay keenysaa hanuunka Qur’aanka iyo Sunnada ee dhabta ah wayna diidayaan.

  1. Qlooyinka leh waxaan xoreyneynaa haweenka, haweenku waa inay la sinnaadaan ragga, oo ay ka qeyb qaataan dhinac walba oo nolsoha ka mid ah,.Marka hore waxaa isweydiin mudan Allah wax ka ogaan badan maslaxada abuurkiisa miyaa jira?, jawaabtaadu waa maya, haddii aad Muslim tahay. Diinta Islaamka, haddii aan ula kac si qaldan loo fisireyn dumarka wax xuquuqdooda ah ay u diidan tahay haba yaraatee ma jiraan. Laakin timir laf baa ku jirta. Qolada arrimahan buunbuuniya ee been abuur ka wada ma aha dumarka naftooda ee waa rag dano gaar ah ka leh dumarka oo doonaya inay sharafteeda meel uga dhacaan, dharka xishoodka ka siibaan, oo ay u soo banaan  bixiyaan akhklaaq xumo iyo fasaad dartii. Dumarka inay wax bartaan, si xushmad leh bey’ad ku haboon jinsigooda uga shaqeystaan hadday doonaan, ra’yigooda ka dhibtaan go’aan gaarida, wax u diidan ma jiraan. Sidaan sheegay arrimo kale oo dumarka naftooda ka warheyn ayaa meesha ka socda ee Allah u gargaaro kuwa caqliga laga xaday ee la duufsaday.

SIDEE SHAREECADA LOOGU XUKUMAA?!

 

Waxaa ugu horeeya waxbarashada ama wacyigelinta ama cilmiga,. hadba sidaad u fahamto. Jahli waxaa looga baxaa tacliin. In shacbiga lagu wacyi geliyo wanaaga shareecada. Dugsiyada Qur’aanka, muxaadarooyinka, tmanhajka waxbarashada qaranka, in dadka loogu sheego side shareecada faaido ugu tahay noslohooda.

 

In si waxqabad ah loo tuso wanaaga shareecada oo wax laga qabto amaan darida, musuqmaasuqa iyo dulnka lagu hayo shacabka. Haddii shareecadu la hirgeliyo oo ay wax ka qabato nabad sugida Soomaali badan oo ku taagdaran waddamada ay u qaxeen ayaa u soo carari lahaa siday uga carareen labataan sanno ka hor.

 

Nafsadu waxay raacdaa meesha u roon, dadkaan waxaa shalay waddankooda ay jecel yihiin ka qaxiyey waa nolol xumo, dil, dhac, boob, ay la kulmeen, waxay ka dorteen in badaha addunka isga gooshaan oo ay ku nafwaayaan,.inay lama dagaanada iyo buuraha barafka ka dhacaya dul jeexaan, iyagoo raadinya meel amaan leh oo ay ku noolaadaan. Mar walba waxaa laga maqlaa wararka Soomaaliya ku saabsan dad ku geeriyooday doon ay saarnaayeen oo la qalibantay iyagoo ku tahriibaya Yemen oo xeebaha Yemen lagu arkay meedkooda. Qaxooti Soomaali oo lagu dilay Koonfur Afrika, iyo ganacsato hantidooda la dhacay.

 

War wallaahi dadkaan way dhibaateysan yihiin, kuwa waddamada Yurubta ku noolna sidoo kale ayay dhibaato ku qabaan dhaqan rogaadka dhallaankooda iyo akhlaaqda oo ka xumaata, dadkaanoo dhan waxay u baahan yihiin waddankooda oo nabad ah.

Maxaa diidan in loo hoggoaansamo xukunka Allah oo nabad laga shaqeeyo?!.

 

In qof aan waxba galadsan la dilo, ama qarax ku dhintaan dad aan shaqo ku laheyn waxa socda, rag iyo dumar ama caruur u socda howshooda maalmeed ku naf waayaan

Qarax, hadduusan cadaw ka dhan ah Soomaalida ka dambeyn waxaan ku dhaar mari karaa in aan diin loo tiigsan karin. Diinta Islaamka waaxay leedhay waa qodobka dembi ee ugu adag in nafsad daacad ah la dilo. In dagaal sokeeye laga oogo muslimiinta dhexdooda waa xaraam.

 

Takfiir ama kufriyeyn qolo ama shaqsi waxay u baahan tahay tixraac qodobo dheer oo dhowr ah oo aan fududeyn. Waa mas’uuliyad ay saaran tahay culumaa’udiinka inay ka go’aan ka gaaran iyagoo u tiigsanaayo Qur’aanka, Sunnada iyo Ijmaaca. Arrintan in gaaloobid lagu xukumo qof waa mid aad u xeel dheer oo asal ahaan ka soo horjeeda qolo walba ka gadooda xukun ama nidaam aysan ku qanacsaneyn. In la banaanyesto dhiiga qof aad ku xukunto inuu yahay gaal waa mid aan diinta Islaamka raalli aheyn. Waxaa jira heerar ay ka mid yihiin munaafiq iyo faasiq oo aan u guddeyn heerka kufriga. Nebigeena suuban salallahu calayhi wasallam waxaa inoogu sugan sunnadiisa ku dayasho markuu ka gaabsaday dilka qof munaafiq ah oo dhib weyn ku hayey diinta laakin ashaadada qiranayay isla markaan Muslimiinta ku dhex jiray. Waxaan Allah ka baryeynaa inuu taqfiiqda ina waafajiyo.

 

Wassalaamu Calaykum