Isniin, June 22, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay codsigii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay dalalka Soomaaliya la deriska ah ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay uga badbaadiyaan khatar ku soo fool leh.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrka Jean Ping ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay taageero ka raadsato Dalalka Midowga Afrika iyo guud ahaan Beesha Caalamka
Dowladda Soomaaliya ayaa dorraad codsatay faragelin Mileteri oo ay Beesha Caalamka ku sameyso Soomaaliya, iyadoo si gaar ahna uga codsatay Dalalka Soomaaliya deriska la ah sida Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Yemen.
Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Breket Simon ayaa sheegay in Ciidamo ay Itoobiya dirto Soomaaliya ay u baahan tahay ogolaasho caalami ah, halka Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Alfred Mutua uu maanta sheegay in aysan Dowladdiisa Ciidamo u diri doonin Soomaaliya, hayeeshee ay siyaabo kale u caawin doonto Soomaaliya.
Waxaa la eegi doonaa sida ay iyana uga jawaabaan codsiga u jeedisay Dowladda Soomaaliya dalalka iyo Ururrada kale ee ay codsiga u jeedisay, iyadoo aysan muuqan ilaa iyo haatan Dowlad 24 saacadood uga soo jawaabtay codsigii Dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Dagaallo tan iyo bishii May ka socda Caasimadda Soomaaliya oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 200 oo ruux, halka ay ku dhawaacmeen dad kale oo intaas ka badan. Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in dad gaaraya 126,000 oo qoys ay ku barakaceen dagaalladaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya