Isniin, June 15, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa maanta muddo 7 bilood ah ku kordhiyay waqtiga ay Ciidamadiisa sii joogayaan Soomaaliya.
Madaxweynaha xiligan ee golaha ammaanka Midowga Afrika oo ah Danjiraha Dalka Chad Mr. Sharif Mahamat Zene ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ee waqtiga loo kordhiyay ay wax ka qaban doonaan qalalaasaha ka taagan Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay Sharif Zene in Golaha Ammaanka Midowga Afrika uu warsaday Guddiga Midowga Afrika in dib loo eego howlgallada Ciidamada Amisom ee Soomaaliya, hubkooda, adeegyada ay Ciidamada Amisom u baahan yihiin iyo in taageero wax ku ool ah la siiyo Dowladda Soomaaliya.
Mas’uulkan u hadlay Golaha Ammaanka Midowga Afrika wuxuu intaas ku daray in ay Dowladaha Malawi iyo Sierra Leone ay ballanqaadeen in midkiiba uu hal battalion oo ciidamo ah u diro Soomaaliya, si ay xoojiyaan Ciidamada Amisom ee ku sugan.
Haddaba Hadalka uu maanta sii daayay Midowga Afrika ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay ku cel celiyaan in Ciidamada shisheeye laga saaro Soomaaliya, iyagoo taasina shuruud uga dhiga wada hadallo ay la yeeshaan Dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Soomaaliya la geeyay bishii Maarso ee sanadkii 2007, waxayna haatan tiradooda gaareysaa 4,300 oo askari, kuwaasi oo marar kala duwan ay Soomaaliya geeyeen Dowladaha Uganda iyo Burundi.
Ciidamadan ayaa waxay ilaalo ka hayaan goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, ilaa iyo haddana ruqsad uma heystaan in ay ka dhinac dagaallamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
26-kii bishii May ee aynu ka soo gudubnay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa howlgalka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ku kordhiyay muddo gaareysa ilaa 31-ka Janaayo 2010, iyadoo taageero maaliyadeed oo 72 milyan oo dollar gaareysana loo ballanqaaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya