Isniin, June 15, 2009(HOL):Baarlamaanka ayaa loo dayactirayaa xaruntii golasha Shacabka kaddib markii xaruntii KMG ahayd ee Gaadiidka Booliska uu uga soo guuray nabadgelyo darro aawgeed.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in uu socdo barnaamij lagu dayactirayo xaruntaas, wuxuuna caddeeyay in dhaqaalaha lagu dayactirayo xaruntaas ay bixineyso Beesha Caalamka.
Cusmaan Cilmi Boqorre waxaa uu sheegay in kulamadii baarlamaanka ay u istaageen sababo dhinaca nabadgelyada ah iyo Xildhibaanno fasax ku maqan iyo kuwo howlo shaqo ku maqan.
“Waxaan sugeynaa kaliya guddoomiyaha baarlamaanka oo howlo shaqo ku maqan, marka uu yimaadana kulamada baarlamaanka dib ayay u bilaaban doonaan”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre.
Kulankii ugu dambeeyay ee uu baarlamaanka Soomaaliya ku yeesho Xaruntii Gaadiidka Booliska ayaa waxaa lagu weeraray madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo deganaa xaafado u dhow xarunta Gaadiidka Booliska iyo Xaafado kale oo ka fog.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya