Isniin, June 15, 2009(HOL): Qarax aad u xooggan ayaa goor dhaweyd wuxuu ka dhacay nawaaxiga Buundooyinka Xamar Jajab, iyadoo uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah iyo ciidamo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxan oo loola dan lahaa ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa khasaare ka soo gaaray dad rayid ah oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la soo weriyay in sidoo kale ciidamada ay waxyeello soo gaartay. Qof rayid ah ayaa la sheegay in uu qaraxa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.
Markii uu qaraxaas dhacay kaddib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dad isugu soo xoomay halka uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxan ka dhacay nawaaxiga Buundooyinka Degmada Xamar Jajab waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo shalay qarax kale oo lala beegsaday ciidamada Dowladda uu ka dhacay nawaaxiga Dugsigii 21-ka Oktoobar, inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo uu qaraxaas geystay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa indhawaalaba waxaa ka dhacayay falal amni darro ah oo isugu jira dagaallo, qaraxyo iyo dilal, kuwaasi oo waxyeellada ugu badan ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxayna falalkaas magaalada ka dhigeen mid ay inta badan dadkii deganaa ka barakaceen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya