Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2009


Dagaallada iyo saameynta ay ku yeeshaan dhalinyarada loo adeegsado

Isniin,. 15, June 2009 (HOL):  Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa dhawaan waxay seminar ku saabsan Dagaallada iyo saameynta ay ku yeeshaan dhalinyarada loo adeegsado waxay ku qabatay Xarunta shirarka Istarliin ee Magaalada Muqdisho.

Seminaarkan oo socday intii u dhaxeysay 7-dii iyo 8-dii bishan ayaa markii uu soo gebageboobay waxa ay Hay’adda soo saartay warbixin ku saabsan dhibaatada dhalinyarada ka soo gaareysa u adeegsiga dagaallada, waxayna warbixinta u qorneyd sidan:


Dagaalda sokeeyo ee ka dhacay Soomalia 1990 ma aysan ahayn oo kaliya in uu bururay adeegyada bulshada ee muhimka ahaa, balse waxaa kale uu baabi’yey nolosha iyo mustaqbalka kumaan kun oo carruur iyo dhallinyaro ah oo ahaan lahaa kuwa wax tar u leh bulshadoda.  Carrurta Soomaaliyeed intooda badan ma helaan xuquuqda aasaasiga- Xaqa ay u leeyeehiin in ay helaan waxbarasho, xaqa ay u leeyihiin in ay helaan caafimaad, xaqa ay u leyihiin in ay leeyihiin biyo nadiif ah iyo xaqa ay u leeyihiin in laga dhowro shaqaaqada, dandarrada, faquuqidda iyo dhiigmiiradka.

In kasta heerka burburka soo gaaray dhaqan bulshadeedka uu yahay mid aan horay loo arag, haddana dhallinyarda iyo da’ yarta waa kuwa uu saamaynta xoog leh ku yeeshay siyaabo kala geddisan:

Marka kowaad, dhallinyarada waxay waayeen fursadihii ay ku heli lahaayeen waxbarasho iyo adeegyadii kale ee noloshoodu u baahnayd.  Hadaba maqnaanshaha fursadaha horumarineed, waxay gayeysiisay in ay in ay yimaadaan xaalado kordhinaya in halis u yihiin in ay ku dhacaan khataro,  ama ay waayaan xaaladihii ka dhowri lahaa in aysan ku dhicin mashaakilada oo ay ka mid yihiin isticmaalka maandooriyaal iyo akhlaaq xumi khariban. 

Marka labaad, ayada oo laga faa’iidaysanaya xalaadad ba’an oo ay ku sugan yihiin, ayaa dhallinyarda la marin habaabiyo oo maskaxda laga beddelo oo lagu cabbeeyo afkaar khariban oo siyaasadeed ama diimeed si ay uga qaybtaan colaada hubeysan.  In carruurta loo isticmaalo dagaalada in ay tahay arrin ka soo horjeeda sharciyada caalamiga ee xuquuqda bini’aadamba, diinta Islaamic, iyo dhaqanka Soomaaliyeed.  

Marka seddexaad, da’ yarta Soomaaliyeed ee gabdho iyo wiilalba weligood ma aysan arkin nolol caadi ah, balse waxa kaliya oo ay arkeen waa sharci la’aan, fowdo iyo shaqaaqo aan kala go’ lahayn taas oo keeni karta in adkaato badbaadintooda.  In badan oo carruurta iyo da’ yar ka tirsan ayaa ku agoontoobeen, ama ku-bara kacay oo ugu dambayntii dhaxalsiisa in ay ku noolaadaan dariiqyada oo uu ka soo gaaro gabood fal, tacadi iyo dhiigmiirad.   

Marka afaradaad, tiro fara badan oo dhallinyaro ah ayaa la baxsaday noloshooda ayaga oo isticmaalaya safar dhul ama bad oo aad khatar ah ayaga oo ka raadinaya fursado nololeed dalalka dariska (Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Yeman) iyo dalalka Yurub iyo Waooyiga Ameerika.  Arrintan waxay keentaa in dhallinyaro fara badan ku dhintaan, kuwa gaarana dalalka dariska ah ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan iyo xaalada ba’an  

In kasta oo aan la isku raacsanayn qeexida waxa loo yaqaan dhallinyarada waxaan qaadanayn sharaxaada ka salaysan xeerka Dhowrdida Xaquuqda Carruurta oo ah sidan:

sida uu  ku qoran yahay Heshiiska  ku saabsan Xaquuqda Caruurta / ama Barbbaarta soo koreysa, waxa Shirka guud ee Qaramada madoobey ee la qabtey  20kii November,1989. waxaa Dowlagaha ka mid ah Qaramada midoobey ay isku raaceen marka laga reebo laba wadan oo kala ah ( Somalia & Ameerikaanka) in wixii ka yar Da’da 18 sanodood uu yahay  Carruur.

Sidaas darted, ujeedada qornadan waxay Xoogga  saareysaa saameeynta colaada Hubeysan ay gaarsiiyo maka loo isticmaalo carrurta iyo dhalinyarada  kooxo uga faa’iidaysanya dan siyaasadeed ama diineeed .

Haddaan in yar dib milicsano dhibaatada aadka saamaynta culus ee dhallinyarada ka soo gaartay dagaalada sookeeye ee ka dhacay dalal badan oo ah kuwa loo yaqaan dalalka so koraya ee qaarada Afrika, Asia, iyo Latin Amerika Laga soo bilaabo sedeetanmaadkii (1980s ilaa haddan 2009) oo ahaa dhallinyarada kuwo si Xoog badan loo adeegsado ka qayb qaadashada dagaaladii jabhadeynta, siyaasadeed ama diideed oo dhaxalsiiyo dhallinyarada arrimahan:

Faqri, Coduro iyo Gaboobdfalyo aad u baaxad weyn

In ta u dhexeysa 1989 ilaa 2000 waxaa dhacay 111 Dagaal,   todobo kaliya ayaa ahaa dagaalo dhexmara dowlado, inta kale waxay ahaayeen dagaalo sokeeyo oo keenay burbur baahsan oo carruur iyo da’ yar fara badan loo adeegsaday, saameeyn culus ku reebtay Dhalinyarada

Tiro ka badan 1 bilyan qofood ayaa ah kuwo dadoodu u dhaxayso 15 ilaa 24; oo ah qiyaas ahaan shan meelood tirada dadka adduunyada.  85% waxay ku nool yihiin dalaka soo koraya oo ah meelaha dagaalada sokeeye ay ka dhacayaan

Kala bar tirada dhinyarada addunka ku nool waa kuwa ay haysato shaqo la’aan

In ka badan 300,000 oo carruur iyo barbaarta soo koreysa oo da’dooda u dhexeysa 13 -18 ee aduunka ayaa  laga dhigey  askar carruureed

2 milion oo caruur iyo da’ ayaa ayaa u dhimatey 10 kii sano ee u dambeeyey sababo dagaal

6 milion oo caruur ahna way ku naafoobay dagalaas sokeeye

1 milion oo caruur ah ay ku agootoobay oo waayey daryeel iyo koritaan hagaagsan

12 milion  carrur iyo da’ yar ayey dagaaladu ka dhigeen hooy la’aan

10 milion oo carruur iyo dhallinyar ah kuwo ka dhaxlay jiro maskaxeed iyo dhimir nafsiyeed baahsan oo ay keeneen dagaalada

Iyo dhibaatooyin fara badan oo kale

Hadaba aan isweydiinee maxey had iyo jeer dhalinta yar yar badanaaba ay ugu qaybqaataan Dagaalada?

In aysan jirin fursado horumarineed oo ay dhallinyaradu  kaga badabadin lahaa in ay ka qayb qaadashada colaadaha hubeysan sida waxabarashada,aqoon xirfadeed oo ay wax ku kasbadaan, shaqo la’aan iyo maqnaanshaha nolosha aasaasiga.

Ayada oo aysan jirin addegyada bulshada oo ka xanibi lahaa in ay la duufsado ka dibna ka qayb qaataan colaada hubaysan

In koox xag jir diimeed ama oo dhallinyarada ku marinhabaabiyey fakrkro ku saleeysan ujeedooyin ama diimeed aan dhab ahayn.
 
Yuu xil ka saaran yahay xil ka saran yahay badbaadinta carrurta iyo dhallinyarada loo adeegsado colaadan hubaysan ee ka socota Soomaliya?

Marxada u adeegsiga carruurta iyo dhallinyarada ka qayb qaadashada colaada hubaysan waa midi ugu xumayd ee soo marta intii dagaalada sokeeye ka socdeen ayada oo dhallinyarada lagu marin habaabiyey afkaar diimeed aan dhab ahayn ay wadaan dad fulinaayo ujeedooyin qalaad oo aan udanaynin ummada Soomaaliyeed.

Dhallinyarada Naftooda

Dhallinyarada fara ku tiriska ah oo fahamsan dhibaatooyinka haysta dhallinyarda iyo carruurta is abaabulaan ka hawl galaan galaan walaalahood la da’ah in uga digaan marin habaabin khariban loo adeegsanayo, iskuna dayaan in ay qaadaan wax allaale wixii suuragal ay kaga soo bixin lahaayeen kuwa dhex jira hawlahan.  Waa in ay dhallinyarada hesha hoggan midaysan oo noqda codkii u hadli lahaa dhibaatada haysata dhallinyarada .  Dabcan, ma sahlana wax qabashada duruufaha jira awgeed, balse waa lagama maarmaan in dhallinyarada qaataan doorkooda oo ku aadan baadiyenta dhalinyarda.   

Waalidiinta/Bulshada

Waalidiinta Carruurta, Odayaasha dhaqanka , culumada Diinta, Aqoon yahanada, ururada  Habeenka, ururada Dhalinyada, waa in ay  Door Muhiim ah ka  qaataan sidii loo samatabixin lahaa Xaalada hadda haysata dhalinyarada Soomaaliyed.

Dowladda

Waa waajib in dowlada Soomaaliyeed ay xil weyn iska saarto sidii carrurta iyo dhalliyarada looga badbaadin baadiyenta ujeeda xunta ah oo aan dhaqan diimeed aan dhab ahayn ku salaysan.  Waa in ay si joogta ah qaadaan baraajin joogta oo u noqota ka hortaga mabda’ baadiyeynta dhallinyarada oo lagu qasbayo in ay colaada hubeysan.  Ayada kaashanaysa caalamka, ay muhimad xoog leh siiso sidii loogu abuuri lahaa fursado horumarineed o ka celiya dhallinyarada marin habaabinta xooga ugu socota.  

Hadaba waa maxay Xalka ugu wanaagsan ee Lagu badbaadinkaro dhaliyarada soomaliyeedd:

Waalidka carrurta ayaa  masuuliyada ugu horeysa qaadaya in wiilkiisa uu la socda xaalkiisa iyo dhaqankiisa iyo in uu kormeer guud ama isha ku hayo si aan loo marin habaabin wiilkiisa.

In loo abuuro xarumo dhaqan cellin iyo waxbasrasho lacag la;aan ah
Waa In laga dhaadhiciyo dhalinyarada xoogoodu in uu yahay mid wax lagu dhiso ama lagu dumiyo lagana buraarijiyo in AAkhiro iyo aduunba faa’iido in aan laga helayn cooladaha iyo dagaalada ka socda soomaaliya.
Waa In laga dhaadhiciyo loona  dhiso lmustagbalka Dhalinyarada soomaaliyeed

Waa In laga caawio xag dhaqaale taas oo micnaheedu tahay ganacsi yar  yar loo abuuro oo ay uga  baxaan dhibaatada saameeyta culus ku yeelatey Dhilinyarada soomaaliyeed

Waa in la baro xirfado farsamo oo ay ku kasbadaan nolol Maalmeedkooda

Waa in loo sameeya seminaaro iyo doodu lagu wacyi Gelinayo Dhaalinyarada somaliyed iyadoo Saxaafada xorta ah ee somaliya ay qaadato qayb muhiim ah, sida Idaacadaha, Wargeysyada, Website-yada, Local and International TV-yada.

Cali Shiikh Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa)
Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman

 

Midowga Yurub oo 2010 gaarsiiyay waqtiga ay Ciidamadiisa joogayaan Xeebaha Soomaaliya

6/15/2009 9:59 AM EST
Isniin, June 15, 2009(HOL): Dalalka Midowga Yurub ayaa ciidamada ka jooga xeebaha Soomaaliya waxay u kordhiyeen waqtiga ay halkaas joogayaan, iyagoo mudada ay joogayaanna gaarsiiyay ilaa sanadka 2010.

Magacyada dad ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhalatay Guri lagu muransan yahay

6/15/2009 9:58 AM EST
Isniin, 15 June 2009 (HOL): Inta la ogyahay laba qof ayaa dhaawacmay ka dib markii shalay sida la sheegay ay rasaas laysku waydaarsaday khilaaf ka dhashay Guri lahaanshihiisa lagu muransan yahay oo ku yaala mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada Hargeysa.

Midowga Afrika oo ballaariyay howlgalka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya

6/15/2009 9:57 AM EST
Isniin, June 15, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa maanta muddo 7 bilood ah ku kordhiyay waqtiga ay Ciidamadiisa sii joogayaan Soomaaliya.

Dad loo haysto tuhunka Qaraxyadii 29 Oct. ee Hargeysa oo Maxkamadda mar kale la hor keenay & natiijada dhegaysiga dacwadda

6/15/2009 9:57 AM EST
Isniin, 15 June 2009 (HOL)11 qof oo ka mid ah dadkii loo xidh-xidhay eedaymo la xidhiidha Qaraxyadii Magaalada Hargeysa lala beegsaday 29-kii October ee sanadkii tegay, ayaa shalay mar kale la hor keenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Xaruntii Golaha Shacabka Soomaaliya oo loo dayactirayo Baarlamaanka Soomaaliya

6/15/2009 5:54 AM EST
Isniin, June 15, 2009(HOL):Baarlamaanka ayaa loo dayactirayaa xaruntii golasha Shacabka kaddib markii xaruntii KMG ahayd ee Gaadiidka Booliska uu uga soo guuray nabadgelyo darro aawgeed.

Qarax ka dhacay Degmada Xamar Jajab

6/15/2009 5:53 AM EST
Isniin, June 15, 2009(HOL): Qarax aad u xooggan ayaa goor dhaweyd wuxuu ka dhacay nawaaxiga Buundooyinka Xamar Jajab, iyadoo uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah iyo ciidamo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Wasiirka Amaanka Qaranka Soomaaliya oo kormeer ku tagay xeryaha Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan

6/15/2009 5:53 AM EST
Isniin,. 15, June 2009 (HOL): Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya Cumar Xaanshi Aadan ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan waxaa uu kormeer qaatay labo cisho oo ku soo kala bixiyay xeryaha ay ku jiraan Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka ee hoos taga Dowladda Soomaaliya.




Stable Somaliland in the shadow of lawless Somalia -WorldFocus

6/15/2009 8:07 PM EST
Somaliland, a break-away region of north-western Somalia, has gone unrecognized by the international community since it declared independence 18 years ago.

AU Special Representative applauds Somali Government on landmark achievements -AMISOM

6/15/2009 12:19 PM EST
Monday June 15th, 2009: The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia Nicolas Bwakira has applauded the Somali President Sharif Sheikh Ahmed and his Transitional Federal Government (TFG) for making significant progress towards peace and stability in less than six months in office

Cops to meet about Somali business threats -sapa

6/15/2009 11:32 AM EST
Police are holding a meeting on Monday afternoon with business owners in Guguletu in the Western Cape after threats were made against Somali shopkeepers.

122,000 Somalis displaced in current wave of violence -Xinhua

6/15/2009 11:28 AM EST
NAIROBI, June 15 (Xinhua) -- The UN refugee agency (UNHCR) said the number of Somalis displaced in the current wave of violence in Mogadishu has reached 122,000 since street battles erupted on May 8.

Mobile phone banking for Somalia -BBC

6/15/2009 11:20 AM EST
A new system of making payments by mobile phones has been launched in the northern Somali region of Somaliland.

Ethiopia plans new rail system -BBC

6/15/2009 1:56 AM EST
The Ethiopian government has confirmed it plans to build an extensive railway system, despite some of the world's most challenging terrain.

UN food is stolen from the starving in Somalia fake camp fraud -

6/15/2009 1:47 AM EST
One of the UN’s largest international relief efforts is under investigation after it emerged that thousands of sacks of food aid were being diverted from starving refugees and openly sold for profit.

Minneapolis assembly sends message to Obama on immigration reform -DailyPlanet

6/15/2009 1:42 AM EST
In their own words Three young women told their stories, each ending with a plea to President Obama for immigration reform and family reunification. A fourth young activist, Lalo Zamudio, was unable to attend the rally, so a church member read the prepared statement. Click on the name or photo to read the whole story. Qweyonnoh Parker I am a 17-year-old, pretty normal American teenager with one horrific exception – my mother is threatened with deportation every year along with thousands of Liberians on Temporary Protected Status, after living her legally and contributing to Minnesota’s economy for nearly two decades. Curej Bered I was very young, and was forced to leave my entire family behind in a country in chaos; my mother, my father, all my brothers and sisters. Irene Rodriguez It is a big mistake deporting parents from their children. I know how bad it is because it happened to my family. Lalo Zamudio (testimony read by church member, because of illness in family) Last November, my family and I went to the immigration offices with my Mom because she had received her work permit and she was planning to apply for her Residency papers. “It’s only fair to expect the party that won the election to carry out its commitment,” Congressmember Luis Gutierrez told a cheering crowd in south Minneapolis. “When it came to raising the minimum wage, we didn’t wait for Republicans,” said Gutierrez, “and we shouldn’t wait for Republicans for comprehensive immigration reform.”

The pirate kings of Puntland -Al-Jazeera

6/15/2009 1:34 AM EST
They don't wear eye-patches or peg legs and you won't find any parrots perched on their shoulders, but they are no less pirates for that.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter