May-21-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2009
Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo dib ula wareegay gacan ku heynta Saldhigga Booliska Yaaqshiid

Isniin, June 01, 2009(HOL): Kaddib dagaal culus oo galabta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa waxay ugu suurtagashay xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya in ay la wareegaan gacan-ku-heynta Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid.

Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Mahdi ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in ay Xoogaggooda la wareegeen gacan-ku-heynta Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid, wuxuuna caddeeyay in Ciidamadii Dowladda ee saldhiggaas ku sugnaa ay halkaas ka ceyriyeen.

“Xaafadaha u dhow Saldhigga Yaaqshiid waa xasiloon tahay, haddana waxaa ku sugan Mujaahidiinta, dadkana si caadi ah ay dhaqdhaqaaqyadooda u bilaabi karaan”ayuu yiri Shiikh Xasan oo sheegay in ay saldhiggaas xalay weerar ku soo qaadeen sida uu u yiri maleeshiyooyin ka amar qaadanayay hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya.

Saaka ayay ahayd markii ay gacan-ku-heynta Saldhiggaas la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ay ka amar qaadanayeen Maareeyaha Dekedda Muqdisho Inj. Cabdi Jiinow Calasow.

Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmooyinka Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid ayaa waxay yihiin kuwo marba qolo la ceyrsanayo oo meel laga qabsanayo, waxayna taasi sii fogeysay rajo ay dad badan oo shacab ah ka qabeen in ay guryahooda ku soo laabtaan.

Xaalka Magaalada Muqdisho weli ma xasiloona, waxaana mararka qaarkood la maqlayaa rasaas ay dhinacyada dagaallamaya isku weydaarsanayaan xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere, Wardhiigley iyo Yaaqshiid.

Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco wararkeena dambe haddii uu Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

 



01/06/2009 7:46 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Wararka lag helayo Degmada Garbahaarreey ee Xarunta Gobolkaasi Gedo ayaa sheegaya in Amarro lagu soo rogay.amarradan oo ka soo baxay Maamulka islaamiga ah ee magaalada Garbahaaarreey ayaa waxaa Degmadaasi gabi ahaanba laga mamnuucay in goobaha ganacsiga ay furnaadaan xiliyada Salaadda, in ay Dhalinyarada u jartaan timaha si aan sunnada waafaqsaneyn iyo in aysan dumarka qaadan karin dhar jirkooda sawiraya.

01/06/2009 7:31 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu geystay dhimashada 5 ruux iyo dhaawac 20 ruux ka badan, kuwaasi oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamayay.

01/06/2009 6:21 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda Dowlada Soomaaliya oo howlo shaqo ujooga Dalkan K/Africa ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Koofur Afrika, isagoo u soo bandhigay Qorshaha Jaaliyadaha Dibadda ay ka dooneyso Dowladdiisu iyo in ay damacsan yihiin in ay wada shaqeyn yeshaan dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Dunida dacalladeeda iyo Dowladda Midnimada Qaran.

01/06/2009 6:19 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Maxamed Muuse Yuusuf (Makhtal) oo u dhashay Somaliland, isla markaana Gaadhi ku soo maray 18 dal oo Dunida ah, ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa.halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

01/06/2009 5:16 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamada Booliska Dowladda Soomaliya, kaasi oo marayay inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Tre Piano.

01/06/2009 3:07 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Labo ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay rasaas ay Ciidamada Nabad-gelyada Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ku fureen gaari ay la socdeen dad rayid ah habeennimadii xalay kaddib markii sida la sheegay darawalkii waday gaariga uu dhagaha ka fureystay ammar ay Ciidamada Nabad-galyadu ku siiyeen in uu is taago.

01/06/2009 2:59 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

01/06/2009 2:58 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Saraakiil ka tirsanaa Maamulka Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo haatan ku sugan Degmada Doolow ayaa sheegay in ay dib u qabsanayaan gobolladaas.

01/06/2009 2:57 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Afhayeenka KMG ah ee Maxkamadaha Islaamka ee ku biiray Dowladda Soomaaliya C/risaaq Maxamed Qeyloy ayaa sheegay in wax laga qaban doono dhac iyo dhibaato ay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ka geystaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Xaawo Taako.