Isniin, June 01, 2009(HOL): Wararka lag helayo Degmada Garbahaarreey ee Xarunta Gobolkaasi Gedo ayaa sheegaya in Amarro lagu soo rogay.amarradan oo ka soo baxay Maamulka islaamiga ah ee magaalada Garbahaaarreey ayaa waxaa Degmadaasi gabi ahaanba laga mamnuucay in goobaha ganacsiga ay furnaadaan xiliyada Salaadda, in ay Dhalinyarada u jartaan timaha si aan sunnada waafaqsaneyn iyo in aysan dumarka qaadan karin dhar jirkooda sawiraya.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Shabaabul-Mujaahiddiin oo lagu magacaabo Sh Bare Maxamed Faarax (Bare Qooje) ayaa sida ku xusan wareegtadaani waxa uu uga digay shacabka ku dhaqan degmada Garbahaarreey in ay jabiyaan Amarradaani loona baahan yahay in ay u hogaansamaan ku dhaqanka Qodobadani.
Amarakaan ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa uu imaanayaa xili ay horay maamullada Islaamiga ah ee ka jira qeybo ka mid ah gobolkaani Gedo ay horay uga soo saareen magaalooyinka Baardheere iyo Ceel-waaq amarro la mid ah kuwa hadda lagu soo ragay Degmada Garbahaarreey ee Xarunta u ah Gobolka Gedo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee waa markii ugu horreysay oo amarro ceynkaan oo kale ah lagu soo rogo dadka ku dhaqan Degmada Garbahaarreey iyadoo horay loogu soo rogay Magaalooyin ka tirsan gobolkai Gedo.
Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya