Isniin, June 01, 2009(HOL): Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu geystay dhimashada 5 ruux iyo dhaawac 20 ruux ka badan, kuwaasi oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamayay.
Dagaalka oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Xoogag kala taabacsan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo dhinac kale ah ayaa wuxuu xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Siinaay iyo Afarta Jardiino iyo Xaafado u dhow Saldhigga Booliska Yaaqshiid.
Intii uu socday dagaalkaas ayay Ciidamada Dowladda ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan-ku-heynta Saldhigga Booliska Yaaqshiid, kaasi oo ay horay gacanta ugu hayeen Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Xildhibaan Xuseen Carraale, Maareeyaha Dekedda Muqdisho iyo saraakiil Ciidan ayaa saaka waxay booqdeen Saldhigga Booliska Yaaqshiid, waxayna mahadcelin u jeediyeen Ciidamada Dowladda ee Saldhiggaas la wareegay iyo weliba dadka deegaanka ah oo ay sheegeen in ay gacan-siiyeen Ciidamada Dowladda.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Shaawey iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa waxay seddexduba sheegeen in ay Ciidamada Dowladda la wareegeen gacan-ku-heynta Degmada Yaaqshiid, inkastoo la xaqiijiyay in ay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda ay weli ku sugan yihiin Xaafado ka tirsan Degmadaas.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada Xisbul Islaam iyo Xarkada Al-Shabaab oo ku saabsan sheegada mas’uuliyiintan dowladda ka tirsan ee ku saabsan in ay gacan-ku-heynta degmada Yaaqshiid la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Xaalka Magaalada Muqdisho weli ma xasiloona, waxaana mararka qaarkood la maqlayaa rasaas ay dhinacyada dagaallamaya isku weydaarsanayaan xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere, Wardhiigley iyo Yaaqshiid.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco wararkeena dambe haddii uu Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya