Nin Soomaali ah oo 18 Waddan oo Dunida ah Baabuur ku soo maray oo soo gaadhay Hargeysa

Isniin, June 01, 2009(HOL): Maxamed Muuse Yuusuf (Makhtal) oo u dhashay Somaliland, isla markaana Gaadhi ku soo maray 18 dal oo Dunida ah, ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa.halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Muwaadinkaasi oo muddo shan bilood iyo Todoba maalmood ah ku soo maray gaadhigiisa gaarka ah 18 dal, oo uu ka bilaabay magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, France, Belguim, Germany,Sucuudiga, Masar iyo dalal kale, waxa duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa ku qaabilay Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud (Jiciir). Maxamed Muuse Yuusuf, oo saxaafada halkaasi ugu waramayay ayaa u mahad naqay maayarka Hargeysa iyo Saxaafada Somaliland oo uu xusay inay si diiran u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Waxaad ku mahadsan tihiin inaad aad iyo aad iigu soo dhaweyseen inaan dalkayga imaado dhib kasta iyo wax kasta oo aan soo marayba, waxaanan hawshan u galay in dhalinyarada dalku ay iyaguna albaab walba u gaaraacaan qadiyada Somaliland.waxaan filayaa dad iga mujaahidsan ayaa jira, balse aniga sidan ayay iga qabsatay.ictiraafka Somaliland ma aha wax la caaridi karo.”
Mr. Makhtal oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray, “Dad intaasi oo malyuun ah xaqoodii in ma jirtaan la yidhaahdaa waa baadil.” Maxamed Muuse, wuxuu madaxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ku eedeeyay inuu yahay inaanay ka go’nayn in uu si siman Wararka uga tebiyo geyiga Soomaalidu degto, waxaanu sheegay in Somaliland aanu si toos ah Wararka uga tebinin. “Taasna waxa ka markhaati ah inaan Anigu war sadex jeer u duubay Anigoo Urdun Jooga, oo Aamina Muuse Weheliye iga duubtay, marna ay inanta kale iga duubtay ayaa jiray oo aan la sii dayn.” Ayuu yidhi Maxamed.
Maxamed Muuse, wuxuu sheegay in dalalkii uu soo maray uu kala hadlay qadiyada ictiraafka Somaliland. Makhtal oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay jireen dhibaatooyin uu kala kulmay mudadii uu socdaalkaasi dheer ku gudo jiray, waxaanu yidhi “Dhibaatooyin badani way jireen waxaase iigu darnaa tii aan kala kulmay safaarada Itoobiya ee ku taala dalka Jabuuti oo ii diiday inaan dalkooda galo, waxaanay igu yidhaahdeen gaadhigani geli maayo dalkayaga.”
Waxa kale oo uu u mahad naqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Wasiirka Warfaafinta, Taliyaha Sirdoonka iyo Taraafiga Jabuuti oo uu xusay inay si wanaagsan ula shaqaynayeen mudadii uu dalkooda ku sugnaa.
Muwaadinkaasi waxa kale oo uu sheegay inuu arrin nasiib daro ah kala kulamay Boorame, halkaasi oo uu carabaabay in loo diiday inuu la kulmo madaxdii Gobolkaasi, marka laga reebo Maayarka oo Hargeysa ku soo maqnaa.


Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland
Dadweyne Biyo-la’aan ka Mudaharaaday & Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka hadlay

Isniin, 1 June 2009 (HOL): Dadweyne ka cabanaya biyo-la’aan ba’an oo soo wajahday, ayaa shalay isu-soo-bax salmi ah isugu baxay Xaafadda Kaalinta siddeedaad ee Degmada Maxamuud Haybe ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, kuwaas oo eedayn u jeediyay Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa oo ay dusha u saareen eedda Biyo-la’aanta soo food-saartay. Waxaanay sheegeen in Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu iska dhego tiray cabashooyin ay hore ugu gudbiyeen.
Dadweynahan shalay isu-soo-baxa ka qayb qaatay oo ku dhawaaqayay hal-ku-dhegyo liddi ku ah Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, ayaa sheegay in Isu-soo-baxoodan aanay dareenkooda ugu ban-dhigayn Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ay sheegeen in ay horeba cabasho ugu gudbiyeen, balse ay dareenkooda u muujinayaan Maamulka sare ee Dawladda dhexe. Waxaanay Maareeyaha ku eedeeyeen in uu Xaafaddooda Biyaha ka xidhay. Isla markaana aan si siman Biyaha ugu sii daynin Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Eng. Khaliif Cabdilaahi ayaa mar wax laga waydiiyay cabashada dadweynahan iyo sida uu u arko eedaynta loo jeediyay, waxa uu sheegay in ay Biyo-yaraan ka jirto magaalada Hargeysa, isla markaana aanay ahayn wax cusub. Balse, wuxuu beeniyay cabashada ka soo yeedhay dadweynaha shalay isu-soo-baxa sameeyay ee Xaafadda Kaalinta Siddeedaad ee degmada Maxamuud Haybe. “Dadweynaha cabanayay waxay cabashoodu la xidhiidhay iyaga dhexdooda, Xaafadaha Magaaladu biyaha waxaanu ugu furnaa kaltan oo habeenba xaafad ayaa cabta oo waa habeen-dhaaf. Markaa xaafaddan waxa ka dhex jira ficiltan dhexdooda ah oo Xaafada Qudhac-dheer ayay ka cabanayaan oo ay leeyihiin biyihii ayay naga xidheen, markaa xaafadaha Buurta saaran ayaa ka cabanaya, balse Anagu waanu u furnaa biyahan oo xagayaga ma aha." Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa. waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Iyaga dhexdooda ayaan xaafadaasi cabanaysay waxba isku ogolayn, markaa haddii ay faraha kala baxaan oo ay Anaga noo daayaan waxaanu ugu qeybinaynaa si cadaalad ah".
Dadweynaha Xaafaddan shalay isu-soo-baxa samaysay ee ka cabayay Biyo-la’aantu maaha kuwii ugu horeeyay ee cabasho noocan oo kale ah sameeya, hase ahaatee, hore waxa u jiray Xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa oo sidan oo kale cabasho uga soo gudbiyay biyo-la’aan. Arrintan Biyo-la’aanta ayaa ah mid ay badi Xaafadaha Hargeysa ka cawdaan, gaar ahaan kuwa ku yaala meelaha taagga iyo Buuraha ahi.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland
Magacyada Dad tiro badan oo Shil Baabuur ugu waxyeeloobay Hargeysa
Isniin, 1 June 2009 (HOL): 22 qof oo qaarkood xaaladoodu halis tahay, ayaa ku dhaawacmay ka dib markii uu gaadhigii ay saareen la gedoomay.
Baabuurkan gedoomay oo ah nooca loo yaqaano Dhayne, waxa uu abaaro 3:00 galabnimo ee shalay ku dhacay dalcada jidka dheer ee Madaarka, gaar ahaan agagaarka Hotelka Ambassador ee Koonfurta Caasimada Hargeysa, wuxuuna ku socday degmada Bali-gubadle. Iyadoo dhamaan dadkii ku waxyeeloobay Shilkaas la dhigay Cusbatalka Guud ee Hargeysa, isla markaana daawayn kala duwan halkaas loogu sameeyay.
Kayse Maxamed Muxumed oo ka mid ah hawlwadeenada qaybta Gargaarka degdega ee Cusbatalka Hargeysa, ayaa xaqiijiyay in 22 qof ku dhaawacmeen dhacdadaas, kuwaasoo uu sheegay in qaarkood ku jiraan xaalad Miyir-doonsoon ah, iyadoo dadkaa dhaawaca ah ay ku jiraan Caruur yaryar iyo dad waayeel ahi. Isla markaana waxa uu sheegay in dadkaas oo dhaawacyadoodu kala duwan yihiin ay magacyadoodu kala yihiin sidan;
.JPG)
Maxamed Cabdisamad Maxamuud, 35 jir
Axmed Iidaan Aw-Shafeec 22 jir
Faadumo Maxamuud Nuur 40 jir
Cabdillaahi Maxamed Cabdi 50 jir
Ugbaad Cabdillaahi Yuusuf 18 jir
Cabdillaahi Aadan Ibraahim 16 jir
Dool Ciise Ibraahim 58 jir
Jaamac Maxamuud Hurre 11 jir
Safiya Axmed Xasan 25 jir
Barwaaqo Khadar Mahad 3-jir
Cumar Ismaaciil Cabdi 60-jir
Caasha Siciid Daahir 50-jir
Xasan Maxamed Aw-Daahir 23-jir
Cali Maxamed Axmed 12-jir
Muxumed Xasan Ibraahim 60-jir
Saado Daahir Ibraahim 30-jir
Xaliimo Muuse Aw Muxumed 35-jir
Maryan Yuusuf Cali 60-jir
Cabdi Cumar Xaashi 30-jir
Cabdi Xaashi Jaamac 28-jir
21-Khadar Gamadiid 14-jir.
Inkasta oo aanay ahayn dadkii ugu horeeyay ee waxyeello ka soo gaadho Shil baabuur, kuwaas oo caadiyan ka dhaca Magaalada Hargeysa, haddana waa tiradii ugu badnayd ee dhibaato ka soo gaadho Shil baabuur muddooyinkii u dambeeyay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland
Nin Itoobiyaan ah oo ku dhintay Rasaas Askari Boolis ahi ku furay Gaadhi Hargeysa u soo socday
Isniin, 1 June 2009 (HOL): Hal qof ayaa dhintay ka dib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Wajaale uu Rasaas ku furay Gaadhi ka mid ah Baabuurta u kala gooshta Magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale.
Inkasta oo aanay Xukuumaddu si rasmi ah uga hadal arrintan, haddana siday ii xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Wajaale, hal qof ayaa dhintay ka dib markii Askari ka mid ah Askarta mid ka mid ah Kaantaroollada dhinaca bari ee Magaalada Wajaale uu Rasaas ku furay Gaadhi ka mid ah Baabuurta Rakaabka qaada ee u kala goosha Hargeysa iyo Wajaale. Askarigan ayaa la sheegay in uu amar ku siiyay Darawalkii Baabuurka in uu Gaadhiga joojiyo, balse aanay taasi dhicin. Intaa ka dibna uu Rasaas ku furay, halkaana uu ku dhintay Nin Oromo ah oo ka mid ahaa Rakaabkii Gaadhigaa saarnaa.
Ninka dhintay ee Itoobiyaanka ah ayaa Wararku waxay sheegayaan in lagu magacaabi jiray Kamaal Xuseen Aadan, isla markaana Maydkiisa la keenay Magaalada Gabiley oo la filayo in maanta lagu aaso. Halka Darawalkii Gaadhiga iyo Askarigii falka geystayba ay wararku sheegeen in ay hadda ku xidhan yihiin Magaalada Gabiley. Isla markaana waxa socota baadhista Kiiskan. Hase ahaatee, ma jiraan Warar sheegaya wax kale oo khasaare ah oo ka dhashay Rasaastan.
Maaha markii u horraysay ee sidan oo kale Askari ka tirsan Ciidamada Amniga ee Somaliland uu Rasaas ugu furo Gaadhi dad shacab ahi saaran yihiin, hase ahaatee, waxa jiray Kiisas kuwan la mid ah oo ka dhacay Magaalooyinka dalka, gaar ahaan Magaalo-madaxda Hargeysa oo Kiisas isu dhaw oo noocan oo kale ahi ka dhaceen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland