Isniin, June 01, 2009(HOL): Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka oo xalay bilowday ayaa wuxuu ilaa saaka ka socdaa nawaaxiga Saldhigga Booliska Yaaqshiid, Fagax iyo qeybo ka mid ah Waddada 30-ka, waxayna halkaas dhinacyada dagaallamaya isku weydaarsanayaan hub fudud iyo mid culus.
Dagaalkan waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus iyo Axmed Shiikh Muxyaddiin (Axmed Laashin) oo ah horjoogaha Xoogag Dowladda ka soo horjeeda oo ku sugan Saldhigga Booliska Yaaqshiid.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa sheegay in dagaalkaas uu bilowday kadib markii xoogagga ka soo horjeeda Dowladda ee ku sugan Saldhigga Degmada Yaaqshiid ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ciidamadooda ku sugnaayeen, halka horjoogaha Xoogagga Dowladda ka soo horjeeda Axmed Shiikh Muxyaddiin-na uu sheegay in uu dagaalka bilowday kaddib markii ay ka war heleen weerar uga soo socda dhinaca Dowladda, kadibna ay weerar ku qaadeen halkii uu weerarka uga soo socday.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Saldhigga Degmada Yaaqshiid-na waxay sheegayaan in ay saldhiggaas la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyadoo xoogaggii dowladda ka soo horjeedayna ay halkaas isaga baxeen.
Xaafadaha uu dagaalkan ka socdo ee Degmada Yaaqshiid oo ay horay dagaallo kale uga dhaceen ayaa waxay dhawaanahan ahaayeen kuwo deggan, waxayna deganaantaas timid kaddib markii Odayaal iyo Culumaa’udiin xaafadahaas ku sugan ay ku guuleysteen in ay dagaalkaas joojiyaan.
Wixii ku soo kordha dagaalka ka socda Degmada Yaaqshiid halkan kala soco haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya