Isniin, June 01, 2009(HOL): Saraakiil ka tirsanaa Maamulka Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo haatan ku sugan Degmada Doolow ayaa sheegay in ay dib u qabsanayaan gobolladaas.
Col. Warfaa Shiikh Aadan oo Saraakiishan ka mid ah ayaa sheegay in ay ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay oo ay dib ugu qabsanayaan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay kala wareegeen Xoogag kala taabacsan Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.
“Haddii aan nimaado Gobolladaas naguma qaadaneyso labo todobaad in aan ka saarno kooxaha ku sugan oo sida uu yiri dhibaato weyn ku haya dadka Gobolladaas ku dhaqan”ayuu yiri Col. Warfaa Shiikh Aadan.
Col. Warfaa oo la weydiiyay halka ay ka keenayaan awoodda ay dib ugu qabsanayaan gobolladaas ayaa sheegay in ay taageero ka heystaan shacabka ku dhaqan Gobolladaas iyo Xoogag Ahlu Sunna ah oo iyana gobolladaas laga soo saaray.
Hadalka uu sii daayay Sarkaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan si weyn loo hadal hayo in maamullo laga saaray Gobollada Jubbooyinka, Bay iyo Bakool iyo Hiiraan oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku soo wajahan yihiin gobolladaas, iyadoo taasi uu sii dheer yahay hadal uu sii daayay Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in si ay dalka ugu saaraan kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay abaabulayaan sida uu u yiri shacabka ku dhaqan Gobollada Gedo, Bay iyo Bakool iyo Hiiraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya