Isniin, June 01, 2009(HOL): Afhayeenka KMG ah ee Maxkamadaha Islaamka ee ku biiray Dowladda Soomaaliya C/risaaq Maxamed Qeyloy ayaa sheegay in wax laga qaban doono dhac iyo dhibaato ay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ka geystaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Xaawo Taako.
“Cabashooyinkaas waa na soo gaareen, haddii Alle idmo-na wax ayay dowladda ka qaban doontaa, waayo meel islama gasho in la yiraahdo Dowladda waxay qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo in ciidankeeda uu dadka dhaco”ayuu yiri C/risaaq Maxamed Qeyloy.
Afhayeenkan u hadlay Maxkamadaha Islaamka ee Dowladda ku biiray waxaa uu intaas ku daray Ciidamada dhibaatooyinkaas geysta lagu wargeliyay talisyooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in si dhaqsi ah wax looga qaban doono cabashada ka soo yeereysa dadka ku nool inta u dhaxeysa labadaas Isgoys iyo weliba kuwa ku socdaala.
Inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Xaawo Taako waxaa lagu arkaa Ciidamo tiro badan oo ku labisan dharka Tuutaha, kuwaasi oo iyagoo aan qaab ciidan u nidaamsaneyn geedaha hoostooda koox-koox u fadhiya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya laga cabto tan iyo markii Jibouti lagu soo ballaariyay dowladda hadda dalka ka jirta, hayeeshee waxaa joogto ahaa cabashooyin laga sheegan jiray Ciidamada Dowladdii hore ee TFG-da, kuwaasi oo dadka dil, dhac iyo handadaad u geysan jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya