Hiiraan online - News and information about Somalia
Home Email Print  

 


page counter
 

 

London: Munaasabadda Maalinta Xornimada Soomaaliya  

Xaflad lagu xusayay sanadguuradii 49-aad ee kazoo wareegtay markii Dalka Somalia uu xornimada ka qaatay gumaysigii Talyaaniga iyo Israacii Labadii Gobol ee loo yaqiinay British Somaliland iyo Italian Somaliland  ayaa Habeenkii xalay ahaa lagu qabtay Magaaladda London.
 
Xafladaasi oo si wanaagsan loo agaasimay waxaa kasoo qaybgalay 100 Laal Soomaali ah iyo Masuuliyiin Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Nuur Xasan Xuseen Nuur cadde, Halgamaa Cabdiqaadir Cali Boolaay iyo Oday Xirsi.


Waxaa soo diyaariyey Ibrahim Baafo
 
Sidoo kale waxaa Xafladaasi kazoo qaybgalay fanaaniin, wariyayaal oo dhamaantood halkaasi u yimid in ay muujiyaan Muhimadda gaarka ah ee maalinkaasi ay leedahay , dhanka kale waxaa goobta soo buux dhaafiyay Oadayaal, Haween, dhalinyaro iyo caruur intaba, kuwaasi oo ay ka muuqatay farxad iyo dareen Soomaaliyeed.
 
Nuur Cadde ayaa halkaasi mar uu ka hadlay waxaa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay in dhalinyarda Soomaaliyeedi ay ugu istaagaan sidii dalka Somalia loogu soo dabaali lahaa nabad iyo dib u heshiisiin isagoo tusaale usoo qaadanayay Ururkii SYL kadibna ku dhiiri galiyay dadka soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay sharaftoodii usoo ceshan lahaayeen.


Waxaa soo diyaariyei: Ibrahim Baafo

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cabdiqaadir Boolaay iyo Oday Xirsi oo ka sheekeeyay Halgankii ay Ururka SYL usoo galeen helitaankii xoryadii Soomaaliya. Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa iyana kamid ahaa Xasan Xundubey iyo Yaasiin Bulsho.
 
Goobtaasi ayaa lagusoo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah oo dadkii daawanayay ay aad usoo dhaweeyeen kuna tilmaameen in ay ahayd mid aad ay ugu riyaaqeen. Waxaa halkaasi laga qaaday Heeso wadani ah iyo kuwo ka hadlaya calanka.
 
Hiiraan Online
Ridwaan Haji Abdiwali, London.


 



INTERNET CAFE CALLING CARDS SIM CARDS SCANNING COLOUR PRINTING PASSPORT PHOTOS PHOTOCOPYING DIGITAL PRINTING MONEY TRANSFER WESTERN UNION
MANCHESTER | MANCHESTER |  United Kingdom
Somali & Ethiopian Food
-Cunto macaan
-Nadaafad sare
-Shaqaale carbisan
-Qabo,Quraac iyo Casho
Toronto | Ontario |  Canada
Premium Listings powered by Somali411.com
3 comment(s)
More comments
 Stick loooooooooooool

For some reason, I can’t see any of the photos.
Nomy is 4 foot 6 with a bulging belly and bald head.
Make sure the kids don’t freak out when you invite me for a tea.

 

Nomadic ku meeyay adiga? Ma ninkaa saddex qaydka xiran
baad tahay?

Gaabow baan xusuustaa, markaa hadee ninkii gaaban ee
London joogaba Nomadic1 baan ugu wacayaa ee ka war hay lol
 Ibrahim aad baa umahad santahay. waa xaflad heer saraa. waxaan kaa cod sanayaa inaad inta kadhimana noosoo galisid.



Hiiraan Online 

 

Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 1999-2009 Hiiraan Online