Thursday, July 02, 2009
Maanta oo ah 1da bisha luuliyo, 2009, waxa 49 jirsatay Xornimadii Ummaadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waa maalin taariikhi ah oo qiimo wayn ku leh sooyaalka Soomaaliyeed ,waa maalintii israaca labadii Gobol ee ka xoroobay Gumeystiyayaashii reer Yurub. Waxa la odhan karaa Gobonimada ummadda Soomaaliyeed waxaa ugu horeysay 26kii Juun, 1960kii markii beerta xurriyadda ee magaalada Hargeysa laga saaray calankii ummadda Soomaaliyeed ee ay mudada dheer sugaysay, waa maalintii ugu horreysay ee dadka Soomaaliyeed ay indhaha saaraan sida uu u egyahay calankoodu .
Taariikhda Calanka Soomaaliyeed haddii aan dib u eegno, habaynimadii 11kii Oktoobar 1954kii dadweeynaha ku nool magaalaad Muqdishow ma seexan qofkastaana wuxuu doonayey in aan looga hormarin aragtida calanka Soomaaliyeed oo la surayey saqdii dhexe waxaana saacaddu markii aay ahayd 00.00 saqdii dhexe calankii Soomaaliya uu bilaabay in uu ka dhex muuqdo calamadii talyaaniga iyo kii jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa. .Dhacdadaasi waxaay ahayd guul weyn iyo mirihii ugu horreeyey ee halgankii uu soo galay xisbigii SYL oo horseedka u ahaa qarannimada iyo midnimaad Ummadda Soomaaliyeed. Xisbiga SYL oo ugu horreyn markii la asaasay 15kii May 1943kii la oran jiray SYC "Somali Youth Club" kaddibna u xuubsiibatay xisbi siyaasi ah oo ku shaacay dhammaan Soomaaliya oo dhan loona baxshay SYL (Somali Youth League) Xisbigaasi wuxuu awood u yeeshay in uu dhidibada u aaso midnimada Soomaaliyeed, gaarsiiyana heer ku dhawaaqidda ama sheegashada qabiilku ay ceeb laga faano ay noqotay waxaana xisbigaas halhays u ahaa heestii u tiriyey abwaan Cali Mire Cawaale 1947kii oo hadda ku nool Gobolka Ohio (USA). “Soomaaliyeey Toosoo”:
Soomaaliyeey Toosoo .Toosoo isku Tiirsada oo
hadba kiina Taagdaran Taageera waligiin.
Waxaan la ooynaayo Ilmadu iiga Qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diido la adoonsadaan ahayeey
Calan yahow tilmaam wacanbuu midabkaagu taam ku yahoo
xiddigtii na tirinaysaa dhexdaa kaaga sii taallee
Sida tira adhiyoo dhaxalaa sided layadin soo tubayoo
ninba toban la meel marayoo cadowgiin idiin taliyee
Tulud geela oo dhacan baad Tarab tarab u dhimaataane
ma dhulkiini oo tagay baan ruuxna Dhagax u tuurayn
Asaasayaashii SYL waxaa geeriyooday Allah ha u naxariistee 12 ka mid ah waxaana ugu dambeeyey Allaah ha u naxariistee Daahir Xaaji Cismaan "Dhegaweeyne" oo dalkan kanada inagula noolaa. Waxaana maanta nool Cali Xassan Cali "Verdura " oo ku nool degmada Qoryooleey Maanta oo kale waxaan marnaba la illoobi karin oo aay waajib tahay in la xuso halyeeygii isagu hal abuuray calanka Soomaaliyeed halyeeygaas oo ahaa Allah u naxariistii Maxamad Cawaale Liibaan (1919-2001).Marxuum Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu ku Geeriyooday magaalada Toronto ee dalkan Kanada .
(Alla ha u Naxaristee Xaaji Aadan Afqalloc oo quus ka muujiyey wadciga taagan wuxuu yidhi: )
Qaranka iyo Xornimadii la helay waa la quursadaye
Wax ku qooqay Niman aan Ogayn Qaabka loo helaye
Qudhooda iyo Maalkaba Raggii Qiiradow Bixiyey
Waa kaa Gidaarada ku quban Qalin Jabkoodiiye
Qabiil iyo dil baa noo kordhiyo Qoys anaa Badane
Qorax noolba boqolaal dhintaa Qayladood Timide
Qudh Kaliyoo xil lagu aaminoo Qiimo laan jirine
Haddii Allaa Qaadiree Qiil inoo bixinin
OO aanu Qaliifyo u sakhirin Qaata Amarkeena
Ninwalboow Xabaashada Qodo Nololi waa Quuse
Qolaba calankeedu waa cayn: ereyadii Xuseen Aw Faarax Dubbad, codkii Cabdullaahi Qarshe “Qoloba calankeedu waa cayn:
Qolaba Calankeedu waa cayn
Innaga Keenu waa Cirkoo kale
Aan Caadna lahayn ee Cashaqayeey
Waxa kale oo xusid mudan Allaha u naxariistee Cabdullahi Suldaan Tima cadde oo qawmiyadiisa Soomaalinimo aan qoraal lagu soo koobi Karin, maansooyinkii calanka iyo xuriyadda ummadda Soomaaliyeed uu ka tiriyey gabayo iyo geeraaro badan oo uu ka mid ahaa: “Kaana siib kana saar”
Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansooSiigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoonLaygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joognoGabaygu waygu sugnaayee Haddii aan SarsarriigoAma aan surmaseejo Amaba aan sixi waayoAma aan ka salguuro Amaba laygu saluugoSoomaalida i maqlaysaay I su'aala hadhow Ilaahaan waxba seegine Subaciisa QuraankiyoSabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciimaRabbiigii kala seerayow` Markay suurtu dhawaaqdo e La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidkaMaalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay Rabbigayow naga saamax Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaneyCalankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynowSeermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayooSiigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayneKii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaayexiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurrnayeeSarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno eKaana siib Kanna saar
Waxa kale oo Tima cadde isagoo ka hadlaya DUGSI MA LEH QABYAALADI Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaadayDadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahayeSoomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeedaDusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisaDegmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeedaNimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaaneDadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaaneBal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saarayWixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheedaOoy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiisoDadka kama yaraateene ways dabar jaraysaayeDubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiiseGoortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateeneDubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareedeDariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeyeDarajada Ilaahay ninkii doonayaa hela eNin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowyeDugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadkaDibaddaan ka joognaa sharciga daacadda IlaaheDanbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareedeDugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joognoOoy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinnaWallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaaneDugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Waxaad moodaa wuxuu Cabdullaahi waaga ka hadlayey inay maanta joogto, hasayeeshee
Ilaahay (SWT) waxaan ka baryeynaa inuu ummadeenna dhexdeeda is afgarad iyo is qaddarin
uu dhex dhigo Inshaa Allaah.Soomaaliya Ha midoowdo Soomaaliya ha is raacdoMohamed Hussein Hadi (Somali Resource & Heritage Center)