May-21-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009
Madaafiic Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha

Isniin, January 12, 2009(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu duqeeyay madaafiic ka soo dhaceysay dhinaca Xarunta Villa Somalia, waxayna madaafiicdaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Madaafiicda lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay geysatay khasaare dhimasho ah oo ku dhow 10 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha.

Intii aan Suuqa madaafiic lagu duqeynin ayaa waxaa jiray madaafiic lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada, kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay ka dambeysay garaacista Suuqa Bakaaraha loo geystay.

Madaafiic ka gudubtay Xarunta Villa Somalia ayaa waxay ku dhaceen Barxaddii Yaasiin iyo meel u dhow Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamar-weyne, hayeeshee madaafiic inta la ogyahay cidna waxba kuma noqon.

Mar kasta oo Xarunta Madaxtooyada madaafiic lagu tuuro ayaa waxaa Suuqa Bakaaraha ku dhaca madaafiic jawaab ah, kuwaasi oo geysta khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo madaafiic lagu weeraro Xarunta Madaxtooyada, kadibna madaafiic jawaab ah oo ka soo dhacday ay geysato khasaare dhimasho iyo dhaawac ah isugu jira, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale Suuqa loo duqeeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia



12/01/2009 9:30 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha KMG ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay dib ugu noqdeen Magaalada Muqdisho.

12/01/2009 9:28 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay Shukri Maxamed Cabdi oo buro ay dhabarka kaga taallo, isla markaana dalka gudahiisa wax looga qaban waayay.

12/01/2009 2:51 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxa xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay doonayay in ay ka baxaan fariisimo ay Muqdisho leeyihiin dagaal lagu joojiyay.

12/01/2009 2:49 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu duleedka Degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda.

12/01/2009 2:48 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka degan, iyadoo xalayna ay ku jirtay bandow ay ku soo rogeen xoogagga Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Degmadaas gacanta ku haya.

12/01/2009 2:48 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Xasan Shiikh ayaa Xarunta Xafiiska Maamulka Goballka Hiiraan waxaa uu kaga dhawaaqay Magacyada Maamul Islaami ah oo loo sameeyay Degmada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan.

12/01/2009 2:47 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxwaynihii hore ee DGPl General Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo isugu xafiiska ku wareejiyay madaxwayne Faroole ayaa durbadiiba loo magaacaabay la taliyaha xukuumadda cusub dhanka baarista shidaalka iyo khayraadka ku jira gudaha DGPL.

12/01/2009 2:46 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxweynaha cusub ee Dalka Ghana Mr. John Atta Mills ayaa u ballanqaaday Midowga Afrika in Dalkiisa uu si deg deg ah uga fiirsanayo in uu Ciidamo u diro Soomaaliya.