|
|
Degmada Beledweyne oo markii ugu horeysay loo sameeyay Maamul Islaami ah
Isniin, January 12, 2009(HOL): Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Xasan Shiikh ayaa Xarunta Xafiiska Maamulka Goballka Hiiraan waxaa uu kaga dhawaaqay Magacyada Maamul Islaami ah oo loo sameeyay Degmada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan. Xasan Shiikh oo uu dhinaciisa fadhiyo Shiikh C/raxmaan Ibaraahim Macow ayaa sheegay in wada tashi iyo kulmo dheer oo uu Maamulku galay kadib leysla gartay in la dhiso Maamul ka arrimiya howlaha Degmada. Xasan Shiikh waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Beledweyne loo magacaabay Shiikh Aadan Ibaarhim Cusmaan, Ku-xigeen Axmed Cuumiye Ducaalle, Taliyaha Ciidamada Shiikh Cabdi Max'ed Cusmaan, halka Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada loo magacaabay C/raxmaan Cilmi Buruko oo ka tirsanaan jiray Maamulladii is-xig-xigay oo ay Dowladda Federaalku u soo magacaawday Goballka Hiiraan. Marka la eego dhismaha Maamulka cusub ee lagaga dhawaaqay Degmada Beledweyne ayaa muujinaya wada jirka Maxkamadaha Islaamiga iyo waliba Koox Diimeedka Jabhad Islaami oo ka wada tirsan Maamulka, sidoo kale waxaa dadka si weyn u soo jiitay shakhsiga loo xushay in uu noqdo Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada C/raxmaan Buruko, oo labo jeer Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada ka soo noqday Maamulladii is-xig-xigay ee Yuusuf Dabageed iyo Xuseen Muxumed Maalin (Ayax) isla markaana si weyn u weerari jiray nidaamka Maxkamaduhu ku dhisan yihiin. Sidoo kale Maamulka looga dhawaaqay Degmada Beledweyne ayaa soo afjaraya dhismaha Maamullada dhammaan Degmooyinka Goballka Hiiraan, maadaama Degmooyinka Buula-burte, Jalalaqsi, iyo Maxaas, kol hore looga dhawaaqay Maamulo Islaami ah . C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyn, Somalia
 |
 |
 |
|
|
|
1/12/2009 9:31 AM EST
|
|
Isniin, January 12, 2009(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu duqeeyay madaafiic ka soo dhaceysay dhinaca Xarunta Villa Somalia, waxayna madaafiicdaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. |
|
|
1/12/2009 9:30 AM EST
|
|
Isniin, January 12, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha KMG ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay dib ugu noqdeen Magaalada Muqdisho. |
|
|
1/12/2009 9:28 AM EST
|
|
Isniin, January 12, 2009(HOL): Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay Shukri Maxamed Cabdi oo buro ay dhabarka kaga taallo, isla markaana dalka gudahiisa wax looga qaban waayay. |
|
|
1/12/2009 2:51 AM EST
|
|
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxa xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay doonayay in ay ka baxaan fariisimo ay Muqdisho leeyihiin dagaal lagu joojiyay. |
|
|
1/12/2009 2:49 AM EST
|
|
Isniin, January 12, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu duleedka Degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda. |
|
|
1/12/2009 2:48 AM EST
|
|
Isniin, January 12, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka degan, iyadoo xalayna ay ku jirtay bandow ay ku soo rogeen xoogagga Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Degmadaas gacanta ku haya. |
|
|
1/12/2009 2:47 AM EST
|
|
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxwaynihii hore ee DGPl General Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo isugu xafiiska ku wareejiyay madaxwayne Faroole ayaa durbadiiba loo magaacaabay la taliyaha xukuumadda cusub dhanka baarista shidaalka iyo khayraadka ku jira gudaha DGPL. |
|
|
1/12/2009 2:46 AM EST
|
|
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxweynaha cusub ee Dalka Ghana Mr. John Atta Mills ayaa u ballanqaaday Midowga Afrika in Dalkiisa uu si deg deg ah uga fiirsanayo in uu Ciidamo u diro Soomaaliya. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
1/12/2009 11:41 PM EST
|
|
newsinsideThe African Union (AU) has sharply condemned Monday's attacks on the residence of Somalia's Prime Minister which reportedly left at least 13 people dead. Prime Minister Nur Hassan Hussein was in the palace when Islamic insurgents fired mortar rounds on the home in the Somali capital, Mogadishu. |
|
|
1/12/2009 12:18 PM EST
|
|
KHARTOUM (AFP) - Sudan's most iconic opposition leader who has inspired Islamist movements across the world on Monday warned the country was at risk of becoming worse than Somalia should central authority break down. |
|
|
1/12/2009 10:17 AM EST
|
|
NAIROBI (AFP) — Kenyan Foreign Minister Moses Wetangula on Monday condemned the payment of a ransom to free a Saudi tanker from Somali pirates and insisted his country would pay nothing to free a Ukrainian ship carrying weapons to Kenya. |
|
|
1/12/2009 10:14 AM EST
|
|
MOGADISHU (Reuters) - Shells hit a crowded Mogadishu market and nearby residential area on Monday, killing at least 11 people in fighting between Islamist insurgents and Ethiopian-backed government forces. |
|
|
1/12/2009 10:02 AM EST
|
|
Mogadishu, Somalia (HOL) - The newly elected President of Ghana Mr. John Atta Mills has told the African Union (AU) that his country is seriously considering sending a peacekeeping force to Somalia. |
|
|
1/12/2009 9:39 AM EST
|
|
JOHANNESBURG (IRIN) - Ready-to-eat blended food has revolutionised the treatment of children who are acutely malnourished. In a pilot project, the UN Children's Agency (UNICEF) will use a similar product not to treat, but to prevent malnutrition in conflict- and drought-ridden Somalia. |
|
|
1/12/2009 9:35 AM EST
|
|
NAIROBI, 12 January 2009 (IRIN) - Thousands of families displaced in recent fighting in central Somalia are in dire need of food and water, according to the Elman Human Rights Organisation (EHRO), based in Mogadishu. |
|
|
1/12/2009 8:04 AM EST
|
|
The wife of an engineer held hostage onboard the hijacked supertanker Syrius Star, has spoken of the family's relief at his release. |
|
|
1/12/2009 7:58 AM EST
|
|
NAIROBI (AFP) — The captain of an arms-laden Ukrainian cargo ship hijacked by Somali pirates appealed Monday for its Israeli owner to engage in direct talks with its captors and end its crew's 15-week ordeal. |
|
|
1/12/2009 7:52 AM EST
|
|
MANILA, Jan. 12 (Xinhua) -- Fifty-four Filipino seamen remain in the hands of their ransom-seeking Somali captors after 36 of their colleagues were freed over the weekend, the Philippine Department of Foreign Affairs said on Monday. |
|
|
1/12/2009 12:29 AM EST
|
|
Four days a week in a classroom on the city’s north end, the Somali-Canadian Cultural Society uses school work to point its youth towards a brighter future, away from the bloodshed that has taken four of its young men in recent months. |
|
|
1/12/2009 12:14 AM EST
|
|
Somalis are celebrating reports of the defeat of the Islamic fundamentalist group al-Shabab after several members of their fighters were killed Sunday in fierce clashes in central Somalia. |
|
|
1/12/2009 12:07 AM EST
|
|
Uganda will play host to Kenya in Tuesday's final of the East and Central Africa Senior Challenge (Cecafa) Cup after both teams won their semi-finals on Sunday. |
|
|
|