Arbaco, December 02, 2009(HOL): Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu Caawa ka dhacay Xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Boosaaso oo kaabiga ku haysa Nawaaxiga Xalwo Kismaayo 2, halkaas oo ahayd meel ay Dad isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ka daawanayeen Filim.
Qaraxan ayaa inta laga warhayo waxaa ku dhintay hal Qof, waxaana ku dhaawacmay 15 qof oo Itoobiyaan,Ormo u badan, halka inta kalena ay ahayeen Soomaali, waxaana markiiba goobtaasi gaaray Ciidamada Amaanka Puntland oo baaritaano ka bilaabay meelaha aan ka fogayn halkaasi dadkii ku sugnaa.
Majirto ilaa hada cid loo xiray Qaraxaasi, laakiin waxaa jira baaritaano ay wadaan Ciidamada halkaasi gaaray, waxaana loo qaaday dadkii halkaasi ku dhaawacamay Cusbataalka wayn ee Magaalada Boosaaso, halkaasi oolagu daaweynayo dadkii halkaasi ku soo dhawacmay.
Meesha uu qaraxani ka dhacay oo luuq ahayd ayaan u suura galin Ciidamada Amaanka in ay Durbadiiba ka warhelaan halka uu Qarxu ka dhacay oo ay moodeen in uu ahaa meel kale, balse ay ka warheleen in ay tahay meel ay wax yar uu dhafeen intii uu Qaruxu ka dhicin halkaasi, markaasi oo ay Roonda ahaan ku marayay Xaafadaasi.
Waxaan ilaa hadan laga warhayn sababta Qaraxaasi loola eegtay dadka halkssi dhalada ku daawanayay, balse dadka halkaasi ka agdhawaa ayaa mid kamid ah oo ay watbaahintu wax ka su'aashay qaabkii qaraxaasi8 u dhacay sheegay in uu ahaa Bam Gacmeed sida uu u maleeyay,laakiin waxaa la kala saari la yahay ilaa hada in uu Qaraxaasi ahaa mid gacanta laga tuuray iyo in uu kaa mid lagu aasay halkaasi, maadaama uu aad u xoog badanaa sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Wariyayaasha Magaaladaasi oo goobta gaaray.
Qaraxan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo Habeenadan aad loo adkeeyay amaanka Magaalooyinka Puntland sida Garoowe, Gaalkacayo,Qardho iyo Booaaso oo uu Cawa Qaraxani ka dhacay.
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
maxamedroyter@hiiraan.com
Garowe, Soomaaliya