SomaliVOA
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2009

 

Magaalada Muqdisho oo maanta laga xusay maalinta AIDS-ka Adduunka (DAAWO SAWIRRO)  



Talaado, December 01, 2009(HOL): Munaasabad lagu xusayay Maalinta AIDS-ka Adduunka oo maanta ku beegan oo ay soo agaasimeen 11-urur oo ka mid ah kuwa la dagaalama faafidda cudurka HIV/AIDS ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Hotelka Shamo oo lagu qabtay xafladdan ayaa lagu xardhay qoraallo looga digayo dadka faafitaanka cudurka AIDS-ka, waxaana xafladda goobjoog ka ahaa dad qaba cudurka oo ka hadlay xilliyadii ay qaadeen iyo xaaladoodu sida ay tahay.

Mas'uuliyiin ay ka mid tahay wasiirrada caafimaadka Somalia Qamar Aadan Cali ayaa kasoo qaybgalay xafladda, waxaana hadal ay jeedisay ay ku sheegtay in dowladdu ay waddo qorshayaal ay xanaaneynayso dadka qaba cudurkan ee ku sugan Somalia.

"Waxaan ku faraxsanahay in hortiinna anigoo ah gabar Soomaaliyeed oo la nool cudurka AIDS-ka, waana wax lagu farxo in maanta ay Somalia ku sugan yihiin dad sheegaya inay cudurka qabaan oo aan qarsanayn, isla markaana ka shaqeeya sidii ay u hakin lahaayeen" ayay tiri Nasteexo Faarax Cilmi oo 22-jir ahayd.

Gabadhan oo oyday markii ay la hadashay dadkii xafladda ka qaybgalay ayaa sheegtay inay la oyday farxad kaddib markii dadku ay aad ugu sacabtumeen, kuna tilmaameen geesiyad sharaf lahe. iyadoo muuqaal ahaan wanaagsanayd.

"Markii ugu horreysay ee cudurkan la iga helay waxay ahayd 2005, waxaana weli ku noolahay farxad iyo raynrayn, dadka waan la dhaqmaa, waan cunaa waana cabaa, mana ihi qof shaki qaba" ayay mar kale Nasteexo tiri.

Dhowr wiil oo iyaguna qaba cudurka ayaa ku sugnaa goobta ay xafladdu ka dhacday, kuwaasoo dadka la sheekeysanayay, wax la cunayay, waxna la cabayay, waxaana ay sheegeen inay la tacaalaan cudurkaan, ayna faraxsan yihiin sida dadka kale.

"Cudurkan waxaan qabay 10-sano, aad ayaanan u caafimaad qabaa, waxaan leenahay urur ka shaqeeya inuusan cudurkan ku faafin Somalia, diyaar ayaanan u nahay in cid walba oo qabta aan soo dhaweyno" ayuu yiri Maxamed Siciid oo isaguna ka mid ahaa dadkii cudurka qabay ee xafladda ka hadlay.

Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in caalamka uu guulo la taaban karo ka gaaray cudurka, iyadoo sannad walba ay u dhiman jireen 25-Milyan, balse uu haatan aad uga hooseeyo, sidoo kale sannad walba waxaa qaadi jirtay cudurkan 2,400-kun oo qof, iyadoo sannadkan hoos loo dhigay.

Guddoomiyaha Ururka ay leeyihiin dadka qaba AIDS-ka ee Somalia C/kariim Max'ed Shariif oo aan isagu qabin cudurka ayaa sheegay in ururkan uu ka kooban 200-qof oo qaba cudurka, ayna ka shaqeeyaan sidii ay sameeyaan wacyigelinno ay dadka fiyow ugu digayaan. 
 
Dhanka kale, ciyaar lagu xusayay maalinta AIDS-ka Adduunka ayaa waxay ka dhacday garoonka Dugsiga sare ee Booliiska, taasoo u dhexeysay Kooxaha Batroolka iyo Dowladda Hoose, waxaana furtay Qamar Aadan Cali iyadoo ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Batroolka.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
mohxaaji@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya




Qarax aad u Xooggan oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunata Ganacsiga Puntland.
01/12/2009 4:12 PM EST

Arbaco, December 02, 2009(HOL): Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu Caawa ka dhacay Xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Boosaaso oo kaabiga ku haysa Nawaaxiga Xalwo Kismaayo 2, halkaas oo ahayd meel ay Dad isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ka daawanayeen Filim.
Qaramada Midoobay oo codsatay deeq lacageed oo loogu gar gaaro dadka dhibaateysan ku nool dalka Soomaaliya.
01/12/2009 9:45 AM EST

Talaado, 1, Dec, 2009 (HOL) Qoraal laga soo saaray Xafiiska isku daba ridka Arrimaha Baniaa'danimada u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UN-OCHA ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobe u baahan tahay deeq lacageed oo gaareysa ku dhawaan $700-Milyan oo doolar taasoo sida qoraalka lagu sheegay in lagu gar gaarayo Sanadka 2010 dadka talaabeysan ee Soomaaliyeed.
Madaxweyaha Soomaaliya oo maanta qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya ku booqday degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley (DAAWO SAWIRRO)
01/12/2009 8:58 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL):Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, isagoo hadallo kala duwan u jeediyay ciidamadii uu la kulmay.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaallo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho
01/12/2009 8:48 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL): Ugu yaraan 8-qof ayaa ku dhintay 10-kalena way ku dhaawacmeen dagaallo saakay ku dhexmaray wadada washadaha ciidamada Dowladda Somalia iyo xoogag taabacsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku sugayo ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho
01/12/2009 8:15 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/salaan Daahir oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doono ammaanka darrada ka jira Magaalada Muqdisho.
Ururka Xisbul Islaam oo sheegay inay kordhin doonaan dagaallada ay ku qaadaan saldhigyada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya
01/12/2009 8:14 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL): Afhayeenka kooxda Xisbul Islaam Sheekh Max'ed Cismaan Caruus oo shir jaraa'id u qabtay saxaafadda Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in ururkooda uu kordhin doono dagaallada ay uga horjeedaan Dowladda Somalia iyo AMISOM.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka
01/12/2009 8:14 AM EST

Talaado, 1 December 2009 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka awgeed War-Murtiyeed uu saaray kaga waramay halkay marayso Xaaladda Cudurkaas ee Somaliland.
Dagaal culus oo saakay waabarigii hore ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho
01/12/2009 2:19 AM EST

Talaado, 1, Dec, 2009 (HOL) Saakay Waabarigii hore ayaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaa laga maqlayay madaafiic culus iyo rasaas ka dhaceysa noocyada hubka oo ay is weydaarsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga ka soo horjeeda.

 
SOSCA oo qabatay xafladii sanadguuradii 8 sideedaad.  -SOSCA  

01/12/2009 10:40 PM EST  
Waxaa xalay oo bishu aheyd Nov 23, 2009 Sosca qabatay xafladii shanadeedka. Xafladaas oo lagu qabtay Days Inn ku yaal Weston. Toronto .

Eritrea denies aiding Somalia's Islamist rebels  -Reuters  

01/12/2009 4:18 PM EST  
UNITED NATIONS (Reuters) - Eritrea's U.N. envoy denied that his country has been supporting Islamist rebels intent on toppling neighboring Somalia's fragile government and said there was no reason to sanction Asmara.

Somali asylum seeker stays in immigration jail  -SignOnSandiego  

01/12/2009 4:09 PM EST  
FEDERAL COURT — A federal judge dismissed a bid yesterday from lawyers for a Somali man seeking asylum to force the government to show why keeping him in an immigration jail is necessary.

United Nations World Food Programme organize a free SMS training course in Dubai, UAE  -  

01/12/2009 10:09 AM EST  
PR Log (Press Release) – Nov 30, 2009 – While increased Safety Measures is Crucial across the Expanding GCC Aviation sectors, the United Nations World Food Programme Safety Aviation Office (UAE) carries on regular Safety

Somali sea gangs lure investors at pirate lair  -Reuters  

01/12/2009 10:00 AM EST  
HARADHEERE, Somalia (Reuters) - In Somalia's main pirate lair of Haradheere, the sea gangs have set up a cooperative to fund their hijackings offshore, a sort of stock exchange meets criminal syndicate.

EU: Hijacked oil tanker was outside corridor  -AP  

01/12/2009 9:51 AM EST  
NAIROBI, Kenya (AP) — An oil tanker bound for the United States that was hijacked by Somali pirates was traveling outside a recommended maritime corridor, the commander of the EU Naval Force said Tuesday.

Edmonton: Autopsy set for homicide victim  -Sun Media  

01/12/2009 2:00 AM EST  
An autopsy has been set for Tuesday morning to determine the identity and cause of death of the city's latest homicide victim, who was found dead at the wheel of a car yesterday afternoon.

Hijacked ship with cargo of oil heads for Somalia  -AP  

30/11/2009 11:53 PM EST  
NAIROBI, Kenya (AP) — A U.S.-bound supertanker carrying $20 million in crude oil was heading toward the Somali coast Monday after being hijacked by pirates.

Edmonton: Trio seen fleeing scene of shooting  -EdmontonJournal  

30/11/2009 11:32 PM EST  
EDMONTON — A man was found dead behind the wheel of a parked car Sunday after gunshots rang out behind a row of businesses near downtown.

Somali Journalists launch action plan to counter the oppression of the media  -NUSOJ  

30/11/2009 11:01 PM EST  
Somali media and journalist associations decided on a cooperative action plan to counter the growing oppression of the media in Somalia. In 2009 six Somali journalists have been killed, others were detained, several stations were closed or taken over by armed groups.

Youths Return Amid Probe Into Kenyan Military Recruiting  -VOA  

30/11/2009 10:42 PM EST  
Dozens of ethnic-Somali youths in northeastern Kenya, have returned home amid a parliamentary inquiry into allegations they were recruited by the Kenyan military and taken to a military training camp under false pretenses.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com