| |
Qaramada Midoobay oo codsatay deeq lacageed oo loogu gar gaaro dadka dhibaateysan ku nool dalka Soomaaliya.
Talaado, 1, Dec, 2009 (HOL) Qoraal laga soo saaray Xafiiska isku daba ridka Arrimaha Baniaa'danimada u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UN-OCHA ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay u baahan tahay deeq lacageed oo gaareysa ku dhawaan $700-Milyan oo doolar taasoo sida qoraalka lagu sheegay in lagu gar gaarayo Sanadka 2010 dadka talaabeysan ee Soomaaliyeed. Sida ay sheegtay UN-OCHA Sanadka 2010 waxaa gar gaar Baniaa'dimo u baahnaan doono dad lagu qiyaasay ilaa 350-Milyan oo ruux kuwaa oo ay la soo darseen dhibaato isugu jirta Colaadaha ka socda gudaha dalka, Abaaro, iyo Caafimaad la'aan soo foodsaartay dadka intiisa badan, waxaana ay Hay'addu ay sheegtay in arrimuhu ka sii dareen wixii ka danbeeyay horaantii Sanadkan oo dagaalo ka dhacay Caasimada iyo qeybo ka mid ah Goballada dalka Soomaaliya ay sababeen in ay sii kordhaan dadka barakacayaasha ah ee ka baxsanaya dagaalada. Sidoo kale waxaa ay lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay UN-OCHA in macaluushu qeyb ka tahay dhibaatada heysta Malaayiinta Soomaalida ah ee gar gaarka loo dalbayo, gaar ahaan Caruurta oo qaarkood u dhimanaya macaluusha haleeshay awgeed. Marka laga soo tago gar gaarka iyo deeqaha la sheegay in lacagtaasi lagu bixinayo ayaa haddana dhinaca kale waxaa Qoraalka ku xusan in sidoo kale lacagtaasi wax looga qaban doono dhinacyada Nadaafada iyo sidii ay dadku u heli la haayeen Biyo Nadiif ah oo ay cabaan simarkaa loo soo yareeyo Caafimaad la'aanta laga dhaxlo meelaha qaar biyaha dadku cabo. Lacagta ay dalbatay Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay'adda u qaabilsan dhinaca arrimaha Baniaa'danimada ee UN-OCHA ayaa la lee yahay waxaa ay 19% ka hooseysaa lacagtaa ay dalbatay Qaramada Midoobay Sanadkan 2009, xili dhibaatada ka taagan dalka ay sii korortay. Inkastoo Qaramada Midoobay iyo Hay'addaha u qaabilsan arrimaha Baniaa'dinimada intooda badan ku mashquulsan yihiin raadinta lacago lagu sheegay in lagu quudinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ayaa haddana waxaa hubaal ah dadka u baahan gar gaarka aysan helin gacantii loo baahnaa, halka deeq bixiyayaasha iyo hay'addaha Samafalku ku mashquulsan yihiin sidii ay u xisaabin la haayeen lacago Malaayiin ah oo loogu tala galay dadka dhibaatadu daashatay ee ku nool dalka Soomaaliya. Dhawaan ayeey aheyd markii Ururka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin uu sheegay in uu mamnuucay howlihii ay ka waday gudaha Dalka Soomaaliya Hay'adda Cunada Aduun ee WFP, kadib markii Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin sheegeen in Hay'addu caqabad ku tahay beeraleyda Soomaaliyeed. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com

|
|
 |
|
|
|
 |
SOSCA oo qabatay xafladii sanadguuradii 8 sideedaad.
- SOSCA
01/12/2009 10:40 PM EST
Waxaa xalay oo bishu aheyd Nov 23, 2009 Sosca qabatay xafladii shanadeedka. Xafladaas oo lagu qabtay Days Inn ku yaal Weston. Toronto .
|
Eritrea denies aiding Somalia's Islamist rebels
- Reuters
01/12/2009 4:18 PM EST
UNITED NATIONS (Reuters) - Eritrea's U.N. envoy denied that his country has been supporting Islamist rebels intent on toppling neighboring Somalia's fragile government and said there was no reason to sanction Asmara.
|
Somali asylum seeker stays in immigration jail
- SignOnSandiego
01/12/2009 4:09 PM EST
FEDERAL COURT — A federal judge dismissed a bid yesterday from lawyers for a Somali man seeking asylum to force the government to show why keeping him in an immigration jail is necessary.
|
United Nations World Food Programme organize a free SMS training course in Dubai, UAE
-
01/12/2009 10:09 AM EST
PR Log (Press Release) – Nov 30, 2009 – While increased Safety Measures is Crucial across the Expanding GCC Aviation sectors, the United Nations World Food Programme Safety Aviation Office (UAE) carries on regular Safety
|
Somali sea gangs lure investors at pirate lair
- Reuters
01/12/2009 10:00 AM EST
HARADHEERE, Somalia (Reuters) - In Somalia's main pirate lair of Haradheere, the sea gangs have set up a cooperative to fund their hijackings offshore, a sort of stock exchange meets criminal syndicate.
|
EU: Hijacked oil tanker was outside corridor
- AP
01/12/2009 9:51 AM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — An oil tanker bound for the United States that was hijacked by Somali pirates was traveling outside a recommended maritime corridor, the commander of the EU Naval Force said Tuesday.
|
Edmonton: Autopsy set for homicide victim
- Sun Media
01/12/2009 2:00 AM EST
An autopsy has been set for Tuesday morning to determine the identity and cause of death of the city's latest homicide victim, who was found dead at the wheel of a car yesterday afternoon.
|
Hijacked ship with cargo of oil heads for Somalia
- AP
30/11/2009 11:53 PM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — A U.S.-bound supertanker carrying $20 million in crude oil was heading toward the Somali coast Monday after being hijacked by pirates.
|
Edmonton: Trio seen fleeing scene of shooting
- EdmontonJournal
30/11/2009 11:32 PM EST
EDMONTON — A man was found dead behind the wheel of a parked car Sunday after gunshots rang out behind a row of businesses near downtown.
|
Somali Journalists launch action plan to counter the oppression of the media
- NUSOJ
30/11/2009 11:01 PM EST
Somali media and journalist associations decided on a cooperative action plan to counter the growing oppression of the media in Somalia. In 2009 six Somali journalists have been killed, others were detained, several stations were closed or taken over by armed groups.
|
Youths Return Amid Probe Into Kenyan Military Recruiting
- VOA
30/11/2009 10:42 PM EST
Dozens of ethnic-Somali youths in northeastern Kenya, have returned home amid a parliamentary inquiry into allegations they were recruited by the Kenyan military and taken to a military training camp under false pretenses.
|
|
| |
| |
Contact : webmaster@hiiraan.com |
 |
| |
|
|