Talaado, December 01, 2009(HOL): Ugu yaraan 8-qof ayaa ku dhintay 10-kalena way ku dhaawacmeen dagaallo saakay ku dhexmaray wadada washadaha ciidamada Dowladda Somalia iyo xoogag taabacsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Saraakiil u hadlay labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalladaas, wuxuuna dhinac walba sheegtay inuu khasaare u geystay dhincii kale, iyadoo dadkii lagu dilay dagaalka iyo kuwii ku dhaawacmay ay intooda badan ahaayeen kooxaha dagaalku u dhexeeyay.
"Kooxaha naga soo horjeeda ayaa dagaal gaadmo ah nagu soo qaaday, inaguna waan iska difaacnay, dhankeenna waxaa naga dhaawacmay hal askari, kooxdii nasoo weerartayna waxaan ka dilnay 4-qof" ayuu yiri Daahir Cali Farey oo ah taliyaha ciidamada dowladda ee saakay dagaalka galay.
Xarrakatul shabaabul Mujaahidiin ayaa dhankooda ka sheegtay dagaalka guulo, iyadoo saraakiil u hadlay ay sheegeen inay qabsadeen saldhiggii ay ciidamada Dowladdu ku sugnaayeen, kaasoo ay dhawaan dageen, ayna iskood uga baxeen.
"Dagaalka waxaan bilownay markii aan dareennay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM bilaabeen, waxaana ku dilnay 12-askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda" ayay yiraahdeen saraakiisha u hadlay Al-shabaab oo aan ismacaabin.
Ciidamada AMISOM oo saldhig ku leh Kulliyadii hore ee Jaalle siyaad oo aan wax badan u jirin saldhigga ciidanka dowladda ee la weeraray ayaa kaga qaybgalay dagaalka madaafiic intooda badan ku dhacay deegaano ku dhow halkii lagu dagaalamay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
mohxaaji@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya