Talaado, December 01, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/salaan Daahir Cabdulle oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doono amaank darrada ka jira Magaalada Muqdisho.
C/salaan Daahir Cabdulle ayaa sheegay in sugidda amaanka ay u kaashan doonaan shacabka Muqdisho iyo urrurada bulshada rayidka, isagoo xusay in saxaafadda ay u soo bandhigi doonaan waxqabadkooda.
"Markii xilka naloo dhiibay waxaan sheegnay in 20-maalmood gudahood aan kusoo bandhigi doono waxqabad muuqda, howshaasna waan wadnaa, inkastoo aan la kulanay caqabado kala duwan" ayuu yiri C/salaan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana guddoomiyaha cusub uu sheegay inay wax ka qaban doonaan, amaanka, caafimaadka iyo shaqo la'aanta.
"Waxaan filaynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan u tusno shacabka Soomaaliyeed wax qabadkeenna, innagoo dadaal badan ku bixin doonna ka mirodhalinta amaanka Gobolka banaadir" ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/risaaq Maxmed Nuur (Eng. Nuune), ayaa dhawaan sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu wax weyn ka bedeli doono xaaladda uu haatan ku sugan yahay Gobolka, isagoo xusay in amni ku soo dabaalidda gobolka uu u mari doono la dagaalanka saboolnimada.
Maxamed Xaaji Xuseen
mohxaaji@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya