Talaado, December 01, 2009(HOL): Afhayeenka kooxda Xisbul Islaam Sheekh Max'ed Cismaan Caruus oo shir jaraa'id u qabtay saxaafadda Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in ururkooda uu kordhin doono dagaallada ay uga horjeedaan Dowladda Somalia iyo AMISOM.
"Markaan aragnay dhaqdhaqaaqyada ay Muqdisho ka sameynayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia waxaan go'aansannay inaan adkeyno weeraraada aan ku qaadno saldhigyadooda" ayuu yiri Sheekh Max'ed Caruus.
Mas'uulkan ayaa sheegay in go'aankooda uu daba socdo saldhigyo ay ciidanka Dowladda ee lagu soo tababaray dalka Jabuuti saldhigga uga dhigteen Warshadii Kabka Milateriga ee waddada warshadaha, taasoo uu sheegay inaysan ogolaanayn.
"Ciidamada halkaas ka dajiyay waxaa loogu talogalay in lagu dhibaayeen shacabka, inaguna waxaan difaanaynaa shacabka, waana nagu khasban tahay inaan go'aan aan ku kordhinayno weeraradeena qaadano" ayuu yiri Afhayeenka Xisbul Islaam.
Afhayeenku wuxuu shacabka ka dalbaday inay qayb ka qaataan dagaallada ay kaga horjeedaaan dowladda iyo ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in qorshahoodu uu yahay inay ka saaraan Magaalada Muqdisho.
Su'aalo ay ka mid ahaayeen ay saxaafaddu weydiisay Sheekh Max'ed Cismaan Caruus in ciidamadoodu ay ka baxeen aagag ay Muqdisho kaga sugnaayeen, ayaa ku tilmaamay hadalkaas mid been ah oo ay faafisay idaacadda Dowladda Somalia.
Maxamed Xaaji Xuseen
mohxaaji@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya