World Remit
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2009

 

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka  


Talaado, 1 December 2009 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka awgeed War-Murtiyeed uu saaray kaga waramay halkay marayso Xaaladda Cudurkaas ee Somaliland.

Maalinta AIDS-ka dunida oo ku beegnayd maanta oo 1 December, ayaa maanta laga xusay guud ahaan Magaalooyinka Somaliland. Sidaa darteed, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa War-Murtiyeed uu soo saaray kaga waramay arrimo la xidhiidha Cudurkan iyo ku-talogalka Xukuumaddiisa ee xakamaynta Cudurkan.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxweyne Rayaale Siciid Caddaani Mooge oo la xidhiidha Qoraalka Madaxweynaha, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Madaxwaynaha JSL  Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Maanta  Soo saaray War Murtiyeed ku saabsan Munaasabada Maalinta AIDSka Aduunka ee 1/12/2009.

Madaxweynuhu isaga oo ka hadlaaya Cudurkaa afaada ee AIDS-ka, waxa uu yidhi,Sida lawada ogsoon  yahay Cudurka AIDS-ku waxa loo aqoonsadey aafo culus oo heer caalami ah oo aan ku ekayn xuduuda, Midab, caqiido, jinsi iyo da, gaar ah balse wada saameeyay (haba kala darnaadeene)guud ahaan bulshooyinka ku dhaqan wadamada kala duwan ee dunida ee aynu sida joogtada ah macaamilka iyo isu-socodka ula wadaagno.

Madaxweynuhu Isagoo si faah-faahsan uga hadlaaya xanuunka AIDS-ka ,sida  loogaala dagaalami lahaa Somaliland iyo talaabooyinka Xukumadu ay ka qaaday ka hortaga Aafadaas AIDS-ka waxa uu intaas raaciyay.

Tan iyo markii dalka Somaliland laga dareemay jiritaanka cudurka HIV/AIDS-ka waxay xukumada Somaliland dedaal u gashay welina ugu jirtaa xakamaynta cudurkaas. Iyadoo lagu dhaqaaqay  talaabooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Ururinta xogo- caafimaad ooku salaysan xaqiiqooyin dejinta siyaasada qaran, barnaamij iyo qorshe hawleedyo muddaysan oo wax lagaga qabanayo  masiibadaas, soo jeedinta baaaqyo taageero lagaga raadinayo deeq-bixiyayaashu iyo barnaamijyo wacyigalineed oo dadweynaha loogaga digaayo halista cudurka intaas ka sakow, waxay xukumaddu abuurtay ha’ad qaran oo u gaar ah hogaaminta iyo isuduwidda barnaamijyada kala duwan ee cudurka lagula tacaalayo .

Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo intaas kudaray.

“Dedaalka Xukumaddu ku dhaqaaqday,iyadoo kaashanayasa bulshada rayidka ah iyo taageerada ha’addaha caalamiga ah qaarkood waxay suurta galay in lagu guulaysto Arrimaha ay ka mid yihiin tababaridda shaqaalaha ka hawlgala goobaha adeegyada caafimaadka, qaalabaynta iyo hurumarinta Shaybaadhada cusbitaalada, furidda xarumo daawayn ,talo-siin iyo daryeel oo lagu diyaariyay adeeg caafimaad iyo daawooyin kala duwan oo lacag la’aan ahiyo wacyigelinta guud ee mar walba dadweynaha loo jeediy. Saas oo ay tahay, hadaba, dawladda Somaliland marnaba ka daalimayso la-dagaalanka cudurka HIV/AIDS KA waxaanay qaadaysa talaabo kasta oo ay kaga badbaadinayso bulshadda Somaliland.

Gebagabadii waxa uu Madaxweynuhu ku booriyay Shacbiga Reer Somaliland gaar ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada in si hagar la aan ah uga qayb qaataan hawlgalada lagula tacaalaayo faafida cudurka HIV/AIDS-ka isla markaasna naxariis iyo soo dhawaayn ay  umuujiyaan, gargaarna u fidiyaan dadka xanuunku helay ee bulshada ka midka ah.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland




Qarax aad u Xooggan oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunata Ganacsiga Puntland.
01/12/2009 4:12 PM EST

Arbaco, December 02, 2009(HOL): Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu Caawa ka dhacay Xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Boosaaso oo kaabiga ku haysa Nawaaxiga Xalwo Kismaayo 2, halkaas oo ahayd meel ay Dad isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ka daawanayeen Filim.
Magaalada Muqdisho oo maanta laga xusay maalinta AIDS-ka Adduunka (DAAWO SAWIRRO)
01/12/2009 9:52 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL): Munaasabad lagu xusayay Maalinta AIDS-ka Adduunka oo maanta ku beegan oo ay soo agaasimeen 11-urur oo ka mid ah kuwa la dagaalama faafidda cudurka HIV/AIDS ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Qaramada Midoobay oo codsatay deeq lacageed oo loogu gar gaaro dadka dhibaateysan ku nool dalka Soomaaliya.
01/12/2009 9:45 AM EST

Talaado, 1, Dec, 2009 (HOL) Qoraal laga soo saaray Xafiiska isku daba ridka Arrimaha Baniaa'danimada u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UN-OCHA ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobe u baahan tahay deeq lacageed oo gaareysa ku dhawaan $700-Milyan oo doolar taasoo sida qoraalka lagu sheegay in lagu gar gaarayo Sanadka 2010 dadka talaabeysan ee Soomaaliyeed.
Madaxweyaha Soomaaliya oo maanta qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya ku booqday degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley (DAAWO SAWIRRO)
01/12/2009 8:58 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL):Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, isagoo hadallo kala duwan u jeediyay ciidamadii uu la kulmay.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaallo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho
01/12/2009 8:48 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL): Ugu yaraan 8-qof ayaa ku dhintay 10-kalena way ku dhaawacmeen dagaallo saakay ku dhexmaray wadada washadaha ciidamada Dowladda Somalia iyo xoogag taabacsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku sugayo ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho
01/12/2009 8:15 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/salaan Daahir oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doono ammaanka darrada ka jira Magaalada Muqdisho.
Ururka Xisbul Islaam oo sheegay inay kordhin doonaan dagaallada ay ku qaadaan saldhigyada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya
01/12/2009 8:14 AM EST

Talaado, December 01, 2009(HOL): Afhayeenka kooxda Xisbul Islaam Sheekh Max'ed Cismaan Caruus oo shir jaraa'id u qabtay saxaafadda Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in ururkooda uu kordhin doono dagaallada ay uga horjeedaan Dowladda Somalia iyo AMISOM.
Dagaal culus oo saakay waabarigii hore ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho
01/12/2009 2:19 AM EST

Talaado, 1, Dec, 2009 (HOL) Saakay Waabarigii hore ayaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaa laga maqlayay madaafiic culus iyo rasaas ka dhaceysa noocyada hubka oo ay is weydaarsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga ka soo horjeeda.

 
SOSCA oo qabatay xafladii sanadguuradii 8 sideedaad.  -SOSCA  

01/12/2009 10:40 PM EST  
Waxaa xalay oo bishu aheyd Nov 23, 2009 Sosca qabatay xafladii shanadeedka. Xafladaas oo lagu qabtay Days Inn ku yaal Weston. Toronto .

Eritrea denies aiding Somalia's Islamist rebels  -Reuters  

01/12/2009 4:18 PM EST  
UNITED NATIONS (Reuters) - Eritrea's U.N. envoy denied that his country has been supporting Islamist rebels intent on toppling neighboring Somalia's fragile government and said there was no reason to sanction Asmara.

Somali asylum seeker stays in immigration jail  -SignOnSandiego  

01/12/2009 4:09 PM EST  
FEDERAL COURT — A federal judge dismissed a bid yesterday from lawyers for a Somali man seeking asylum to force the government to show why keeping him in an immigration jail is necessary.

United Nations World Food Programme organize a free SMS training course in Dubai, UAE  -  

01/12/2009 10:09 AM EST  
PR Log (Press Release) – Nov 30, 2009 – While increased Safety Measures is Crucial across the Expanding GCC Aviation sectors, the United Nations World Food Programme Safety Aviation Office (UAE) carries on regular Safety

Somali sea gangs lure investors at pirate lair  -Reuters  

01/12/2009 10:00 AM EST  
HARADHEERE, Somalia (Reuters) - In Somalia's main pirate lair of Haradheere, the sea gangs have set up a cooperative to fund their hijackings offshore, a sort of stock exchange meets criminal syndicate.

EU: Hijacked oil tanker was outside corridor  -AP  

01/12/2009 9:51 AM EST  
NAIROBI, Kenya (AP) — An oil tanker bound for the United States that was hijacked by Somali pirates was traveling outside a recommended maritime corridor, the commander of the EU Naval Force said Tuesday.

Edmonton: Autopsy set for homicide victim  -Sun Media  

01/12/2009 2:00 AM EST  
An autopsy has been set for Tuesday morning to determine the identity and cause of death of the city's latest homicide victim, who was found dead at the wheel of a car yesterday afternoon.

Hijacked ship with cargo of oil heads for Somalia  -AP  

30/11/2009 11:53 PM EST  
NAIROBI, Kenya (AP) — A U.S.-bound supertanker carrying $20 million in crude oil was heading toward the Somali coast Monday after being hijacked by pirates.

Edmonton: Trio seen fleeing scene of shooting  -EdmontonJournal  

30/11/2009 11:32 PM EST  
EDMONTON — A man was found dead behind the wheel of a parked car Sunday after gunshots rang out behind a row of businesses near downtown.

Somali Journalists launch action plan to counter the oppression of the media  -NUSOJ  

30/11/2009 11:01 PM EST  
Somali media and journalist associations decided on a cooperative action plan to counter the growing oppression of the media in Somalia. In 2009 six Somali journalists have been killed, others were detained, several stations were closed or taken over by armed groups.

Youths Return Amid Probe Into Kenyan Military Recruiting  -VOA  

30/11/2009 10:42 PM EST  
Dozens of ethnic-Somali youths in northeastern Kenya, have returned home amid a parliamentary inquiry into allegations they were recruited by the Kenyan military and taken to a military training camp under false pretenses.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com