
Sabti, August 01, 2009(HOL): Abaaro Baahsan oo saameyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada ayaa ka jira Guud ahaan Gobolka Gedo oo kamid ah Gobollada Koonfurta Wadanka Soomaaliya iyadoo ay Duunyadu Bilowday in ay u dhimato Dhibaatooyin ka kasoo gaaraya Abaarahaasi ka jira Gobolka Gedo.
Dadka ku dhaqan Gobolka Gedo oo u badan Xoolaleyda Reer miyi ah ayaa bilaabay in ay u barakacaan Gobollo ka baxsan Gobolka Gedo si ay Xoolahooda ugu helaan Baad ay Cunaan iyo Biyo ay Cabaan kaddib markii la waayay Roobabkii Guga oo aan gabi ahaanba ka Da’in gobolka Gedo Sanadkan.
Waxaana ay Dadku hayaan dheer u galeen Gobollada Bay iyo Bakool iyo Jubooyinka oo gabi ahaantoodba kamid ah gobollada la dariska ah Gobolka Gedo, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Xoolo u badan Lo’ oo looga tagay Waddooyinka, iyadoo xooluhu ay u dhimanayaan Oonka iyo Haraadka kasoo gaaraya Abaaraha Halkaasi ka jira kadib markii ay ka dheeraadeen Deegaannadii Biyaha laga cabi jiray.
Waxaa gaaray Xoolaley reer miyi ah oo fara badan Gobollada Bay iyo Bakool Maalmihii lasoo dhaafay markii ay Gobolladaasi ka da’een Roobab Xooggan oo kuwa Xagaaga ah, waxaana Dadkani ay ka barakaceen gobolka Gedo ee ay abaaraha xooggan ku dhufteen.
Sidoo kale Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ku soo qulqulayay Xoolo fara badan iyo dad reer guuraa ah oo ka imaanaya dhinaca gobolka Gedo kuwaasi oo u soo raacay gobollada Jubbooyinka Roobabkii Gu’ga oo siweyn uga da’ay, waxaana agagaarka Magaalada Kismaayo lagu arkayaa Xoolaha Geela oo ka soo guuray Dhinaca gobolka Gedo kaasi oo daaqsin u yimid agagaarka Magaalada Kismaayo ee Xarunta J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya