Sabti, August 01, 2009(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Magaalada muqdisho ayaa wuxuu si aqlabiyad leh u diiday heshiiskii is-fahamka ahaa ee dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya.
347 mudane kulankii uu maanta ku yeeshay xaruntiisa KMG ah ee Gobolka Banaadir ayaa 334 mudane oo ka mid ah waxay diidmo ugu codeeyeen heshiiskaas, waxayna sheegeen in heshiiskaas uu ahaa mid aan u cuntameynin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Waxaa jiray tiro yar oo Xildhibaano ah oo ku dooday in heshiiskaas guddi loo saaro ama lagu celiyo Xukuumadda Soomaaliya, hayeeshee waxaa Xildhibaannadaas ka cod badiyay Xildhibaanno heshiiskaas ka soo horjeestay oo u arkay sida ay sheegeen mid xadgudub ku ah Soomaaliya.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Salaad Cali Jeelle iyo Xildhibaan Buraale ayaa shalay mar ay ka qeybqaadanayeen barnaamijka hadal heynta todobaadka ee ka baxa Idaacadda Horn Afrik waxay sheegeen in heshiiska dhexmaray labada Xukuumadood uu yahay mid aan ka gudbi doonin Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya