Sabti, August 01, 2009(HOL): Hoggaamiye ka tirsan Al-Qaacidda oo lagu magacaabo Abuu Yaxya Al-Libi ayaa baaq u diray xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in ay la dagaallamaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee gacanta siinaya.
Hoggaamiyahan oo Cajalad Video ah oo uu soo duubay la soo geliyay Internetka, isla markaana filimka uu soo duubay oo 40 daqiiqo soconaya cinwaan uga dhigay “Daruurihii Xagaaga Soomaaliya oo baaba’ay” ayaa wuxuu kula taliyay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya in ay dagaalka sii wadaan.
Wuxuu kaloo ugu baaqay in aysan ka laaban jihaadka ay ku jiraan, ayna sal uga dhigaan jihaadkooda diinta Islaamka. Wuxuu kaloo ugu baaqay xoogagga la dagaallamaya dowaldda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom in aysan dagaalkooda ka dhigin mid wadaniyeed, isla markaana ay ku soo dhaweeyaan Soomaaliya dagaalyahannada dibadda uga imaanaya.
Ugu dambeyntiina, Abuu Yaxya Al-Libi wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda uu leeyahay dagaal ka dhan ah Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay ku fashilantay qorshe uu reer galbeedka wato oo ahaa in dalalka Muslimka ah ee caalamka laga sameeyo dowlado u shaqeeya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya