Sabti, August 01, 2009(HOL): Waxaa saaka ka dhacay barxada weyn ee magaalada Garowe, caasimada Puntland, iyo magaalooyinka Puntland xafladii sanadguurada 11aad ee Puntland.
Xaflada GAROWE oo ah laba qeybood ayaa si toos ah looga daawanayey Warbaahinta Horseed Media qeybteeda WEB-TV, ayadoo sidoo kale laga dhageysanayey idaacada Horseed ee 89.2FM.
Socodkii Barxada Garowe
Qeybta 1aad ee munaasabadii Garowe ayaa ahayd mid ay cutubyo iyo dad socod ku mareen bartamaha Garowe.
Qeybtii 1aad munaasabada oo ka dhacday barxada weyn ee magaalada Garowe, ayaa waxaa halkaa socod kumaray dad aad u budan oo koox koox u socday, kuwaasi oo isugu jiray, Ardayda iskuulada, ururada bulshada, shaqaalaha dowlada, dadka soo baro kacay, ayagoo ay sidoo kale halkaasi mareen ciidamada Dowlada oo ay ugu horeeyeen ciidamada Asluubta, oo ay ku xigeen kuwa Booliiska iyo Daraawiishta.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo xubnaha Dowlada Puntland ayaa salaan ka qaatay cutubyada ciidamada ee halkaasi socodka ku maray.
Tareebuunkii Golis Telecom
Shirkada Golis ayaa si weyn uga qeyb qaadatay munaasabada, ayadoo shirkada GOLIS ay dhistay tareebuunkii barxada Garowe ee mas’uuliyiin ka dul daawanayeen damaashaadka iyo socodka ka dhacay barxada weyn ee magaalada Garowe
Kadib socodka halkaasi lagu maray waxaa khudbado halkaasi kasoo jeediyey mas’uuliyiinta dowlada Puntland, oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, iyo xubno kale oo kamid ah golaha Wasiirada.
Dhamaan sawirada iyo muuqaalka Xaflada hada soo gaba gabowday intuu uu dhaafay, waxay wakhti dhaw ka daalacan doonaan Horseed Media websitekeeda, haduu eebo idmo.
Xafladii PDRC
Qeybta labaad ayaa ah mid ka dhacday xarunta doonta xarunta PDRC ee magaalada Garowe, ayaa waxaa isugu yimid marti sharaf ka kala socota Issimada, Maamulada Gobalada, Hay’adaha caalamiga ah iyo Madaxda sar sare ee Dowlada Puntland.
Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen hay’ada cilmi baarista ee Puntland ee PDRC, ayaa waxaa si toos ah ugala socoteen Idaacada Horseed Media, iyo Web-tv-ga.
Xafladan ayaa ayadu ahayd mid ka duwan tii ka dhacday subixii hore barxada Garowe, waxayna ahayd mid khudbado ay kusoo jeediyeen xubno kala gedisan oo madasha lagu marti qaaday.
Waxaa goobtaasi dadkii ka hadlay kamid ahaa; Abwaano oo dadkii halkaasi yimid soo dhaweeyey isla markaana kusoo bandhigay goobta hadalo boogaadin ah oo ku aadan munaasabada.
Waxaa sidoo kale khudbado halkaasi kasoo jeediyey Guddigii Agaasinka munaasabada maalinta 1da Agoosto, iyo Wasiirka Dowlada Wanaaga oo ka hadlay bilowgii abaabulka qaban qaabinta xuska maalinta 1da Agoosta, oo ay sheegeen in amarkaasi baxsay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire, oo xiligaasi ahaa kusimaha Madaxweynaha.
Waxaa xubnaha halkaasi ka hadlay kamid ahaa Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali, oo ka hadlay hawlaha Baarlamaanka.
Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo ah madaxa hay’ada cilmi baarista ee Puntland PDRC, ayaa halkaasi khudbad kasoo jeediyey uga hadlay arrimaha dowlada Puntland laga sugayo oo ay kamid tahay Maamul wanaaga iyo waliba hirgelinta Dastuurka Puntland oo ay kamid yihiin, sameynta aftidii iyo xisbiyada siyaasadeed ee Puntland, oo uu Md.Shuuke sheegay inay yihiin arrimaha muhiimka ah ee horyaal dowlada iney fuliso.
Issimada Puntland oo uu hadlay Garaad Cabdullahi Cali Ciid ayaa halkaasi mahadnaq ugu soo jeediyey shacabka, asagoona kala dar daarmay dowlada Puntland inay ka shaqeyso sidii maamul u noqon lahaa mid tayeysan, isla markaana loo soo celin lahaa amniga gobalada oo dhan.
Ugu danbeyntii waxaa halkaasi Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo u mahadnaqay dhamaan shacabka iyo maamulka iyo ciidamada sidii ay uga qeyb qaateen soo agaasinka xuska maalinta 1da agoosto.
Isha Warka:
Horseed Media
Garowe, Puntland