World Remit
 
February-13-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Talaado, Sept 30, 2008

 

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Gobolka Hiiraan ay wada hadal ku baxeen  


Talaado, September 30, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka fadhigiisu yahay Dalka Jibouti ayaa wuxuu warsaxaafadeed ka soo saaray  Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan ka baxay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Isbaheysiga wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay in bixitaanka Ciidamadaas uu ku yimid wada hadal iyo dadaal dheeraad ah oo uu bixiyay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, gaar ahaan Guddigiisa Nabadgelyada.

Waa Allah mahadii haddii uu maanta Gobolka Hiiraan madax banaan yahay culeyskii  ciidamada gumeysigana  laga dulqaaday, dadweynihii barakacayna ay bilaabeen inay guryahoodii dib ugu soo noqdaan si ay noloshoodii caadiga ahayd dib uga bilaabaan halkaasi”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Jibouti.

Isbaheysiga waxaa uu warsaxaafadeedkiisa ku amaanay Xoogagga Muqaawamada ee ku sugan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo uu sheegay in ay u dhabar-adeygeen sidii ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba u badbaadin lahaayeen.

“Gobolka Hiiraan waxa uu u baahan yahay dib u dejinta dadkii barakacay iyo taakuleyntooda ee uma baahna in laga shaqeeyo sidii colaad joogta ah loogu hayn lahaa, sidaasi darteed Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha Gobolka Hiraan iyo madaxadoodaba inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarinta danaha guud, dhegna aysan jalaq u siinin weedha xun ee ka soo yeereysa kuwa aan xilkaska ahayn” ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Sidoo kalena Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu baaq u diray Hay’adaha Samafalka haddii ay ahaan lahaayeen kuwa Wadaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah, wuxuuna ka codsaday in ay gargaar la gaaraan Bulshada Soomaaliya ee ku dhibaateysan Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Hiiraan, si ay uga soo kabsadaan burburkii gaaray xiligii Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen gudaha Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntiina, Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Maxamed Siyaad (Indha Cadde) uu shaaciyay in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Magaalada Beledweyne ay ku baxeen awood ay ka arkeen Xoogagga Muqaawamada, isla markaana aysan wada hadal ku bixin.

Salaad Iidow  Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Sidee looga Ciiday Magaalooyinka Somaliland?
30/09/2008 9:21 PM EST

Talaado, 30 September 2008 (HOL): Guud ahaan Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta la Ciiday dalal badan oo Caalamka Islaamka ka tirsan, kuwaas oo ay xalay u bilatay Bisha Shuwaal. Iyada oo meelo kala duwan looga Ciiday siyaabo kala duwan.
Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo oo burburiyay Dhismaha Kaniisad ku ooli jirtay Magaaladaas
30/09/2008 9:00 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu maanta burburiyay Dhismaha Kaniisad ku taalay bartamaha Magaalada Kismaayo.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo ku kala qeybsamay Munaasabadda Ciidda Soon-fur
30/09/2008 8:41 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay ku kala qeybsameen Ciidda Soon-fur, waxayna u kala baxeen kuwo Ciiday iyo kuwo Sooman oo sheegaya in ay maalinta berri ah ciidi doonaan.
Dowladda Itoobiya oo ku baaqday in Ciidamo ka socda UN-ka la geeyo Soomaaliya
30/09/2008 8:40 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu Soomaaliya u diro Ciidamo nabad-ilaaliyayaal ah oo wax ka qabta dhibaatada nabad la’aaneed ee ka taagan Soomaaliya.
Magaalada Beledweyne oo si weyn looga ciiday
30/09/2008 8:40 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee Xaruta u ah Gobalka Hiiraan ayaa si aan horay loo arag waxaa looga oogay Munaasabada Ciidul-fidriga, iyada oo Kumanaan dad weynaha Magaalada ah isugu soo baxeen Barxad weyn oo ku taala Ex.xaruntii hore ee Ciidamada Xoogagga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo (Lama-galaay).
Sidee looga ciiday Magaalooyinka Puntland?
30/09/2008 8:38 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Waxaa Maanta si wayn looga Ciiday meelo badan oo ka mid ah Magaalooyinka ugu waa wayn ee Puntland, sida Magaalada Boosaaso ,Garowe iyo Gaalkacyo, iyadoo shacabku ay muujinayeen damaashaadyo ku aadan Ciidan oo ahayd mid ay muddo sugayeen.
Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo
30/09/2008 8:37 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in gudaha magaaladaas uu ka dhacay qarax aad u weyn oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 
Sidee Soomaalidu u Ciiday - Sept 30, 2008  -HOL  

30/09/2008 8:33 PM EST  
Sidoo looga ciiday meelo ka mid adduunka

IGAD Summons Transitional Federal Institutions to Nairobi: Communiqué  -IGAD  

30/09/2008 7:18 PM EST  
The Extra-ordinary meeting of the IGAD Council of Ministers held at the Ethiopian diplomatic mission in New York on 24th September 2008 adopted the following communiqué.

Pirates say they celebrated Muslim holiday on ship  -AP  

30/09/2008 6:15 PM EST  
MOGADISHU, Somalia (AP) — Somali pirates said Tuesday they celebrated a Muslim holiday aboard a hijacked freighter and denied reports that three comrades were killed in a shootout on the vessel, which is being closely watched by a half-dozen U.S. warships.

Somali Islamists destroy old church at end of Ramadan  -AFP  

30/09/2008 2:32 PM EST  
MOGADISHU (AFP) — Somali Islamists on Tuesday destroyed a decrepit church in the country's southern port town after prayers marking the end of Ramadan, witnesses said.

Immigrant Groups Receive $1.8 Million to Create Media about Community Health  -NewRoutes  

30/09/2008 1:12 PM EST  
MADISON, Wis., Sep 30, 2008 (BUSINESS WIRE) -- A new model for improving the health of immigrants in the United States using media created by immigrants was announced today by New Routes to Community Health, a program of the Robert Wood Johnson Foundation and the Benton Foundation

Somali pirates on ship deny report of shootout  -AP  

30/09/2008 11:45 AM EST  
Pirates holding a Ukrainian ship laden with tanks and weapons claimed Tuesday they were celebrating the Muslim feast of Eid al-Fitr despite being surrounded by American warships and helicopters. They also denied a report of a shootout aboard the seized ship.

USAID Announces New Emergency Food Aid Contribution to Somalia  -USAID  

30/09/2008 11:36 AM EST  
The United States Agency for International Development (USAID) announces a contribution of over 47,000 metric tons (MT) of food aid to help the approximately 3.2 million people in need of assistance in Somalia.

Somali government to be moved to Kenya  -PressTV  

30/09/2008 11:26 AM EST  
Somalia's Transitional Federal Government (TFG) will reportedly be relocated to the Kenyan capital of Nairobi amid a surge in violence.

Somali man slain at mall packed with shoppers  -Star Tribune  

30/09/2008 11:20 AM EST  
A young man was shot to death Monday night outside a mall in south Minneapolis that was packed with shoppers on the eve of a major religious holiday in the Somali Muslim community.

Somali pirates remain at large on Ukrainian cargo ship  -CBC  

30/09/2008 11:13 AM EST  
Somali pirates who seized a Ukrainian ship laden with military hardware last week remained at large on Tuesday, even as they denied reports that three of their own were killed in a shootout aboard the ship.

Bomb kills 6 in Somali town housing parliament  -Reuters  

30/09/2008 11:07 AM EST  
BAIDOA, Somalia (Reuters) - A bomb aimed at police exploded in the town housing Somalia's parliament on Tuesday, killing six civilians and injuring 13 people, witnesses said. Civilians have taken the brunt of Somalia's civil war, with nearly 10,000 killed since Islamist insurgents began attacking the government and its Ethiopian army allies in early 2007.

Somali pirates die in Ukraine ship shootout  -Reuters  

30/09/2008 11:05 AM EST  
NAIROBI (Reuters) - Rival Somali pirates arguing over what to do with a hijacked Ukrainian ship and its cargo of 33 tanks engaged in a shootout on board, killing three of their number, a maritime group said on Tuesday.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com