SomaliVOA
 
February-13-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Talaado, Sept 30, 2008

 

Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo  


Talaado, September 30, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in gudaha magaaladaas uu ka dhacay qarax aad u weyn oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ka dhacay bartamaha Magaalada Baydhabo ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu geystay dhimashada canug yar , halka uu sababay in ay dhaawacmaan dad gaaraya 4 ruux, kuwaasi oo isugu jiray Dad rayid ah iyo Ciidamo Boolis ah oo qaraxaas lala beegsaday.

Qaraxaas ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo saaka u dabaal-degayay Munaasabadda Ciidda Soon-fur, kuwaasi oo markii uu qaraxa dhacay kadib guryahooda ku kala cararay.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxaas kadib waxay tageen goobtii qaraxa ka dhacay, waxayna ku dhaqaaqeen baaritaanno ay ku sameeyeen guryihii iyo goobihii ganacsiga ee ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago uu ahaa mid xooggan oo dhawaqiisa laga maqlayay guud ahaan Xaafadaha Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkan waxaa soo xumaanayay ammaankeeda, waxaana ka dhacayay dilal, Qaraxyo iyo weerarro lagu qaado guryaha Xildhibaannada Dowladda iyo weliba fariisimada Ciidamada Dowladda ee ku yaala gudaha Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntiina Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay tahay fariisinka KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxaa ku yaala xafiisyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Sidee looga Ciiday Magaalooyinka Somaliland?
30/09/2008 9:21 PM EST

Talaado, 30 September 2008 (HOL): Guud ahaan Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta la Ciiday dalal badan oo Caalamka Islaamka ka tirsan, kuwaas oo ay xalay u bilatay Bisha Shuwaal. Iyada oo meelo kala duwan looga Ciiday siyaabo kala duwan.
Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo oo burburiyay Dhismaha Kaniisad ku ooli jirtay Magaaladaas
30/09/2008 9:00 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu maanta burburiyay Dhismaha Kaniisad ku taalay bartamaha Magaalada Kismaayo.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo ku kala qeybsamay Munaasabadda Ciidda Soon-fur
30/09/2008 8:41 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay ku kala qeybsameen Ciidda Soon-fur, waxayna u kala baxeen kuwo Ciiday iyo kuwo Sooman oo sheegaya in ay maalinta berri ah ciidi doonaan.
Dowladda Itoobiya oo ku baaqday in Ciidamo ka socda UN-ka la geeyo Soomaaliya
30/09/2008 8:40 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu Soomaaliya u diro Ciidamo nabad-ilaaliyayaal ah oo wax ka qabta dhibaatada nabad la’aaneed ee ka taagan Soomaaliya.
Magaalada Beledweyne oo si weyn looga ciiday
30/09/2008 8:40 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee Xaruta u ah Gobalka Hiiraan ayaa si aan horay loo arag waxaa looga oogay Munaasabada Ciidul-fidriga, iyada oo Kumanaan dad weynaha Magaalada ah isugu soo baxeen Barxad weyn oo ku taala Ex.xaruntii hore ee Ciidamada Xoogagga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo (Lama-galaay).
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Gobolka Hiiraan ay wada hadal ku baxeen
30/09/2008 8:39 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka fadhigiisu yahay Dalka Jibouti ayaa wuxuu warsaxaafadeed ka soo saaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan ka baxay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Sidee looga ciiday Magaalooyinka Puntland?
30/09/2008 8:38 AM EST

Talaado, September 30, 2008(HOL): Waxaa Maanta si wayn looga Ciiday meelo badan oo ka mid ah Magaalooyinka ugu waa wayn ee Puntland, sida Magaalada Boosaaso ,Garowe iyo Gaalkacyo, iyadoo shacabku ay muujinayeen damaashaadyo ku aadan Ciidan oo ahayd mid ay muddo sugayeen.

 
Sidee Soomaalidu u Ciiday - Sept 30, 2008  -HOL  

30/09/2008 8:33 PM EST  
Sidoo looga ciiday meelo ka mid adduunka

IGAD Summons Transitional Federal Institutions to Nairobi: Communiqué  -IGAD  

30/09/2008 7:18 PM EST  
The Extra-ordinary meeting of the IGAD Council of Ministers held at the Ethiopian diplomatic mission in New York on 24th September 2008 adopted the following communiqué.

Pirates say they celebrated Muslim holiday on ship  -AP  

30/09/2008 6:15 PM EST  
MOGADISHU, Somalia (AP) — Somali pirates said Tuesday they celebrated a Muslim holiday aboard a hijacked freighter and denied reports that three comrades were killed in a shootout on the vessel, which is being closely watched by a half-dozen U.S. warships.

Somali Islamists destroy old church at end of Ramadan  -AFP  

30/09/2008 2:32 PM EST  
MOGADISHU (AFP) — Somali Islamists on Tuesday destroyed a decrepit church in the country's southern port town after prayers marking the end of Ramadan, witnesses said.

Immigrant Groups Receive $1.8 Million to Create Media about Community Health  -NewRoutes  

30/09/2008 1:12 PM EST  
MADISON, Wis., Sep 30, 2008 (BUSINESS WIRE) -- A new model for improving the health of immigrants in the United States using media created by immigrants was announced today by New Routes to Community Health, a program of the Robert Wood Johnson Foundation and the Benton Foundation

Somali pirates on ship deny report of shootout  -AP  

30/09/2008 11:45 AM EST  
Pirates holding a Ukrainian ship laden with tanks and weapons claimed Tuesday they were celebrating the Muslim feast of Eid al-Fitr despite being surrounded by American warships and helicopters. They also denied a report of a shootout aboard the seized ship.

USAID Announces New Emergency Food Aid Contribution to Somalia  -USAID  

30/09/2008 11:36 AM EST  
The United States Agency for International Development (USAID) announces a contribution of over 47,000 metric tons (MT) of food aid to help the approximately 3.2 million people in need of assistance in Somalia.

Somali government to be moved to Kenya  -PressTV  

30/09/2008 11:26 AM EST  
Somalia's Transitional Federal Government (TFG) will reportedly be relocated to the Kenyan capital of Nairobi amid a surge in violence.

Somali man slain at mall packed with shoppers  -Star Tribune  

30/09/2008 11:20 AM EST  
A young man was shot to death Monday night outside a mall in south Minneapolis that was packed with shoppers on the eve of a major religious holiday in the Somali Muslim community.

Somali pirates remain at large on Ukrainian cargo ship  -CBC  

30/09/2008 11:13 AM EST  
Somali pirates who seized a Ukrainian ship laden with military hardware last week remained at large on Tuesday, even as they denied reports that three of their own were killed in a shootout aboard the ship.

Bomb kills 6 in Somali town housing parliament  -Reuters  

30/09/2008 11:07 AM EST  
BAIDOA, Somalia (Reuters) - A bomb aimed at police exploded in the town housing Somalia's parliament on Tuesday, killing six civilians and injuring 13 people, witnesses said. Civilians have taken the brunt of Somalia's civil war, with nearly 10,000 killed since Islamist insurgents began attacking the government and its Ethiopian army allies in early 2007.

Somali pirates die in Ukraine ship shootout  -Reuters  

30/09/2008 11:05 AM EST  
NAIROBI (Reuters) - Rival Somali pirates arguing over what to do with a hijacked Ukrainian ship and its cargo of 33 tanks engaged in a shootout on board, killing three of their number, a maritime group said on Tuesday.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com