Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2008


Dad badan oo ku geeriyooday Duqeyn galabta loo geystay Suuqa Bakaaraha

Isniin, October 06, 2008(HOL): In ka badan 15 ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay tiro kale oo intaas ka badan-na dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii maanta gelinkii dambe la duqeeyay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhamaantood rayid ahaa ayaa waxaa ku dul-habsaday madaafiic xooggan oo la sheegay in ay ka soo dhaceysay dhinaca Xarunta Villa Somalia oo intii aaney madaafiicda ka soo dhicin lagu weeraray madaafiic hoobiyayaal ah.

Xiliga ay duqeyntan dhaceysay ayaa waxay ahayd goor ay dadkii Suuqa Bakaaraha ku ganacsanayay iyo kuwii u dukaameysi tegay ay guryahooda u sii hoyanayeen, taasina ayaana la rumeysan yahay in ay keentay dhimashada tirada badan, bacdamaa ay dadka ka soo baxeen goobahooda ganacsiga oo badankood ay yihiin kuwo aaney madaafiicda badankood ka dusi karin.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen madaafiic hoobiyayaal ah oo lagu garaacay Xarunta Villa Somalia, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay markii ugu horeysay meel aad u fog ka soo duqeeyeen Xarunta Villa Somalia, wuxuuna sarkaalkan iska fogeeyay in madaafiicda ay tuureen ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeynta ay Ciidamadeeda ka geysteen Suuqa Bakaaraha iyo weliba duqeyntii loo geystay Xarunta Madaxtooyada.

Suuqa Bakaaraha ayaa dhawaanahan wuxuu noqday mid lagu hoobiyo madaafiicda goobta kadib marka madaafiic lagu weeraro Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana tan iyo intii ay duqeynta bilaabatay ku dhintay Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa dad 100 ruux ka badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Sarkaal u shaqeeya Qaramada Midoobay oo Ajnabi ah oo lagu dhaawacay Duleedka Magaalada Marka

10/6/2008 12:54 PM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Sarkaal u shaqeeya Hay’adda UNPF ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku dhaawacmay inta u dhaxeysa Deegaanka Shalaambood iyo Degmada Marka.

Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo si kulul u canbaareeyay hanjabaadyo loo jeediyay qaar ka mid ah Hay'adaha Samafalka

10/6/2008 10:12 AM EST
Isniin, 6, 10, 2008 (HOL) Kulan aan caadi aheyn oo ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa waxaa looga wada hadlay hanjabaadyo sida ay sheegeen loo soo jeediyay hay'adaha Care iyo IMC ee ka howlgala qeybo ka mid ah Gobalka.

Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed oo hub-ka-dhigis ku sameeyay Caruur badan oo la askareeyay

10/6/2008 9:30 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Urur la magac baxay Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Deegaanka Baladul-Amiin ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu hub-ka-dhigis ugu sameyn lahaa Caruur badan oo Soomaaliyeed oo la askareeyay.

Maxamed Dheere oo Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda

10/6/2008 6:14 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Guddomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ka hadlay xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, hadal uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo daciifnimo uu sheegay in ay la yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan oo ku laabtay Soomaaliya

10/6/2008 6:12 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan, isla markaana aad u hubeysan ayaa la soo sheegayaa in ay ka soo tallaabeen xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Gobolka Gedo.

Guri uu Baydhabo ka degan yahay Sarkaal u shaqeeya Hay’adda ICRC oo xalay la weeraray, hal qofna lagu dilay

10/6/2008 6:11 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay waxay weerar bambo gacmeed loo adeegsaday ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Yusuuf Xasan Mursal oo ah u qeybsanaha Hay’adda ICRC ee Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo sheegay in ay la dagaallami doonaan Kooxaha Garoonka Diyaaradaha ka weerara gudaha Degmadaas

10/6/2008 6:10 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in ay la dagaallami doonaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gudaha degmadaas madaafiicda uga tuura Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Guddiga Amniga Gobolka Nugaal oo ka warbixiyay xaaladda Amaan ee Gobolkaasi

10/6/2008 6:09 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Guddiga Amniga Magaalada Garowe ayaa markii ugu horaysay ka warbixiyay waxqabadkooda Seddexdii Bilood ee la soo dhaafay oo ay wadeen hawlo wax looga qabanayo amniga Gobolkaasi.




Somalia needs strong army - Museveni -New Vision

10/6/2008 5:15 PM EST
PRESIDENT Yoweri Museveni has urged the international community to assist the interim-government of Somalia to build a strong army.

Mortars kill 15 more in Mogadishu, 50 NGOs appeal -Reuters

10/6/2008 4:15 PM EST
MOGADISHU, Oct 6 (Reuters) - Mortar attacks in Somalia's capital killed 15 more people on Monday and 50 aid agencies appealed against "horrendous" violence as Islamist insurgents battle the government and its Ethiopian military backers.

NGOs Call for More International Attention to Somalia Crisis -VOA

10/6/2008 4:11 PM EST
A group of more than 50 organizations providing humanitarian assistance in Somalia called for increased international attention to the situation in the country. As Derek Kilner reports from VOA's East Africa bureau in Nairobi, the groups assert that nearly half the country's population is now in need of emergency aid.

Hijacker Somali Pirates: We'll Fight to the Death Before Surrendering to U.S., Russia -Sky News

10/6/2008 12:20 PM EST
MOGADISHU, Somalia — A group of Somali pirates who have hijacked a tanker loaded with military supplies say they will fight to the death before giving in to Russian and U.S. authorities.

Aid agencies decry humanitarian crisis in Somalia -Xinhua

10/6/2008 10:25 AM EST
NAIROBI, Oct. 6 (Xinhua) -- Over 50 aid agencies working in Somalia on Monday decried the rapidly deteriorating humanitarian crisis unfolding in Somalia and called on warring parties to cease-fire to allow unhindered relief supplies to the affected populations.

More violence in Mogadishu, growing concern for civilians -MISNA

10/6/2008 10:11 AM EST
Violent fighting continued throughout the weekend in Mogadishu between insurgents and Somali and Ethiopian troops. Unidentified gunmen attacked the offices of an aid group in the outskirts of the capital, stealing computers and other office material.

Pirates Square Up To US And Russia -SkyNews

10/6/2008 6:54 AM EST
The superpowers have been unable to end the stand-off and remain concerned that the ship's cargo of 33 tanks and other weapons could fall into enemy hands.

Governance improving in most of Africa: survey -Reuters

10/6/2008 6:33 AM EST
ADDIS ABABA (Reuters) - Governance has improved in almost two-thirds of the countries in sub-Saharan Africa, according to an index published on Monday.

Ethiopia sacks head of Somali regional state -APA

10/6/2008 6:22 AM EST
Addis Ababa, Ethiopia (APA) - Ethiopia has sacked the president of the Somali regional state, which is one of the country’s nine regional states bordering Somalia, APA learns here Sunday.

Austrailia: Racisim is rampant -Voice Online

10/6/2008 6:10 AM EST
NEW study says that racism is rampant in Australia, with one in 10 Australians thinking one race is superior to another.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter