4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 1 , 2008
Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay in duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusamareeb uu ku geeriyooday Aadan Xaashi Ceyrow

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur)
Khamiis, May 01, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa xaqiijiyay in duqeyn ay xalay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb ay ku geeriyoodeen Aadan Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar oo labaduba ka mid ahaa dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in marxuumiintaas ay ku geeriyoodeen Guri ay ku jireen oo ay Diyaaradaha Mareykanka madaafiic ku garaaceen, wuxuuna caddeeyay in ay labadaas maxruum shahiideen, isla markaana ay geeriyoodeen iyagoo jihaad ku jiray.

“Haddii uu shahiiday Macallin Aadan Xaashi Ceyrow waxaa jooga Ardaydii uu soo wax baray iyo raggii ay shaqada ku ballameen, waana sii socon doonaa jihaadka lagu xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu intaas ku daray in ay  u aar-gudi doonaan Aadan  Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxumed Maxamuud Cumar, isagoo sheegay in ay dad badan oo hadda ku farxaya geerida marxuumiintaas ay halaag ku dambeyn doonaan.

Duqeynta ay labadaas marxuum ku geeriyoodeen ayaa sidoo kalena waxaa ay sababtay dhimasho soo gaartay dad kale oo 10 ruux ka badan iyo weliba dhaawac soo gaaray dad ka dhawaa halka ay duqeynta ka dhacday, iyadoo xiliga duqeyntaas dhacdayna ay ahayd aroor hore oo saaka ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee duqeynta ay ku dhinteen raggaas ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo warbixin ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu sheegay in dalal Afrika ku yaala oo ay Soomaaliya ka mid tahay ay ka jirto khatar ay ku hayaan Kooxo ka tirsan Shabakadda Al-Qaacidda, iyadoo ka sii horna ay Dowladda Mareykanka ku dartay Liiska Argagixisada Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia