4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Sports: Cayaarihii Xagaaga Sweden oo toban jirsaday
fiogf49gjkf0d

Talaado, May 06, 2008

Shir sanadeedkii cayaaraha heerka koowaad ee Swedan ayaa furmay maanta oo ay taariiqdu tahay 3 da may 2008, Shirka ayaa ka dhacay xaafada sida weyn ay u degan yihiin soomaalida sweden ee Rinkeby goobta lagu magacaabo Folketshus i Rinkeby ( Guriga Umada).

Kulankaan oo ay goob joog kawada ahaayeen dhamaan kooxaha kasoo qeyb gala Cayaaraha heerka koowaad ee Swedan oo isugu jiray kooxaha cayaara kubada cagta iyo kuwa koleyga, sidoo kale marti sharaf qiima weyn ku leh isbortiga Soomaaliyeed hadiii ay noqon lahayd cayaartooydii hore, masśuliyiin hore iyo kuwa hada maamul ka haya ururada ugu weyn isbortiga ee umadda Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah intaa ka dibna waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha cayaaraha heerka koowaad ee Swedan mudane M Hamdi shek Ahmed,
mudane Hamdi waxa ugu horeyntii uu mahadnaq iyo soo dhoweyn u jeediyey dhamaan kasoo qeyb galayaashii shir weynaha ururka, kadibna waxa uu xusay in sanadkaan aay cayaaraha si wadajir ah uwada qabanaayaan cayaraha xagaaga ee heerka 1aad ururada SKIF & SSUF, waxuuna qeybiyey ajendahii shirka, isagoo ka codsaday in qofkii haya fikarado ay ku darikaraan ajendaha, gabagabadii waa la ansixiyey ajendaha shirka oo noqday sidatan.

1-Soo dhoweyn iyo quraac
2- Warbixin boliska Rinkeby xagga amaanka iyo wada shaqeynta
3- Warbixin guddiga olombikada soomaaliyeed
3- Warbixin taariiqda Cayaaraha xagaaga heerka koowaad
4- Warbixin ururka SSUF iyo wada shaqeynta cayaaraha H1aad
5- warbixinada isbortiga wadamada yurub ay kooxaha soo jeediyaan
6 qado iyo salaad
7- qorituurka iyo sharciga lagu dhaqayo cayaaraha
8- booqasho garoonka Knutby bollplan ee Rinkeby
8- cayaaar saaxiibtinimo masśuliyiinta dibedda iyo kuwa gudaha
9- Casho sharaf iyo cayaar hidaha iyo dhaqanka goobta (Odenplan)

Warbixinta boliska:
Waxaa lagu soo dhoweeyey goobta mudane Göran Ström oo ah taliyaha boliska xafada Rinkeby oo ka hadlayey wada shaqeyntii sanadkii hore ay wada lahaayeen ururka cayaraha iyo boliska waxyaabihii ka qabsoomay iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeyntaas, mudane Göran waxa uu kaloo ka hadlay muhiimada amaanka iyo wada shaqeyn ay si joogta ah ula leeyihiin soomaalida rinkeby iyo masaajidada soomaalida maamusho ee Rinkeby, intaa ka dib ayaa waxa uu u rajeeyey isla markaana  ugu hambalyeeyey ururka cayaarha heerka koowaad wada shaweyntii sanadkii hore sida ay u hirgashay isla markaana ka codsaday in sanadkaan la laba laabo maadaamo ay cayaaraha ka dhacayaan xaafadan Rinkeby oo soomalidu tahay qowmiyada  ugu badan ama majority.


Warbixinta olombikada Soomaaliyeed:
Mudane Abdulahi Ahmed tarabi oo ah xoghayaha guddiga olombikada soomaaliyeed ayaa ka war bixiyey ujeedada iyo wax qabadka olombikada Soomaaliyeed. Mudane Tarabi waxa uu ka hadlay xiriirka olombikada la leeyahay ururada soomaaliyeed ee ka dhisan gudaha wadanka iyo dibeddiisaba, waxa uu hambalyo usoo jeediyey ururka somali diaspora oo bishii mars 2008 u kaxeeyey wadanka jabuuti 45 dhalinyaro oo isugu jira kubada cagta iyo koleyga dhalinyaradaas oo kawada tagay wadamada yurub. Waxa uu ugu hambalyeeyey waxqabadkoodii isla markaana ka codsaday in lagu daro cayaaro kale isagoo tusaale usoo qaatay cayaaraha fudud.

Mudane Tarabi waxa uu sheegay in wadamo badan ay ka faaideysteen  cayaartooyda u dhashay wadamadooda kuna nool qurbaha, kama dambeystii waxa uu
ka hadlay wada shaqeynta olombikada isagoo sheegay in ujeedada olombikada ay tahay inay la shaqeeyaan dhamaan ururada iyo shaqsiyaadka u diyaarka ah horumarinta isbortiga soomaaliyeed.

warbixin taariiqda cayaaraha xagaaga.

Gudoomiyaha ururka cayaaraha xagaaga heerka koowaad mudane M Hamdi shek Ahmed ayaa ka warbixiyey taariikhda cayaaraha heerka koowaad oo sanadkaan 2008 da oo toban (10 )jirsaday, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay isla markaana ku xusay goobta shirka AAbihii Isboortiska Soomaaliyeed Nuur xuseen Cabdi (Nuur jeenyo). OO wanaagii uu sameeyay darteed loogu magacdaray Koobka 10 guurada Cayaaraha Xagaaga Heerka 1aad ee sanadkan ( Basket iyo Fotbalba) Intaa ka dib waxa uu ka hadlay taariiqda cayaraha xagaaga oo uu ka hadlay waqtigii uu bilaawday iyo siduu ku bilaawday dhaqdhaqaaqa isbortiga Swedan, waxa uu soo bandhigay sawiro muujinayey lixdii kooxood ee lagu bilaabay tartanka kuwaas oo kala ahaa sadex kooxood oo dibedda ah iyo sadex kooxood oo gudaha Sweden ah, waxayna kala ahaayeen kooxaha Benadir IF, Gothenburg iyo al barakaat oo kawada dhisnaa sweden iyo wadamada Canada, Finland iyo England oo iyagana kawada dhisnaa dibedda sweden, waxaa halkaa lagu soo bandhigay oo kale sida ay horyalada u kala qaateen iyo garoonkii lagu aasaasay sida uu u ekaa 1999 iyo maanta oo ah 2008 sida uu e g yahay

Kubada Koleyga

Waxaa kaloo halkaas looga hadlay cayaarihii heerka koowaad ee kubada kolayga ee Swedan oo 2 jirsaday. Waxaana goobjoog ka ahaa Uqeybsanaha Cayaaraha Heerka 1aad ee Basketbolka Presidet New Generation Sport & Culture Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabiqani Jeenyo) Maxamed Muqtaar Sheikh. Xasan gela. C/lahi Celmi Ereg (Xaaji) waxaa sanadkaan ka soo qeyb galayo ciyaartoy aad u da´yar oo mustaqbal ku leh K/kolayga.kooxaha ka soo qeybgalayo waxay kala yihiin  SWEDEN, AMERICA,CANADA,UK,waxaa kaloo kasoo qeybgalidoono Ciyaartoydii hore ee magaca ku lahaa K/kolayga iyo Musuuliyiin sar sare ee wasaaradda isboortiga iyo xiriirka olompikada Soomaaliyeed.

Warbixin ururka SSUF:

Waxaa kaloo halkaasi khudbad qiimo iyo qaayo leh ka soo jeediyey mudane Ahmed Xasan oo ka socda ururka SSUF,wuxuuna dadweynihii iyo kooxihii halkaasi isugu yimid u soo bandhigey waxqabadka ururka SSUF inta uu dhisnaa iyo howlaha uu ururku doonayo in uu wax ka qabto mustaqbalka. Mudane Ahmed Xasan wuxuu kaloo ku dheeraaday qaabka ay labada urur uga wadasheynayaan cayaaraha heerka koowaad ee Sweden iyo qaabkii ay labada urur isku kaashan lahaayeen.wuxuu kaloo halkaasi kula dardaarmay kooxaha cayaaraha ka soo qeybgalaya sidii ay nabadgelyada u ilaalin lahaayeen looguna sameen lahaa dhalinyarada barnaamijyo ku saabsan diinta,dhaqanka iwm


warbixin kooxaha ka qeyb gala tartanka:

waxaa la gaaray waqtigii ay kooxaha ka warbixin lahaayeen isbortiga wadamada ay ka yimaadeen iyo kooxahooda, mid mid ayey uga warbixeen kooxahooda dhamaan 12 ka kooxood ee joogtay shirweynaha, waxaa kaloo joogay shir weynaha laba masśul oo ka kala socday wadamada Germany iyo Poland, labadaas masśul oo kala ahaa Jeyte iyo Gabayre ayaa ka war bixiyey soomalida degan labadaa wadan ee yurub iyo horumarka
dhanka isbortiga waxa ay kusoo gabagabeeyeen misna ku casumeen inay kala soo qeyb galaan tartamo ka dhaca wadamadaas oo ay ugu magac dareen todobaadka Soomaalida. Mudane jeyte oo ahaa cayaartooy hore u cayari jiray nadiga Madbacada (MBC) ayaa aad ugu farxay isla markaana uga mahadnaqay guddiga cayaaraha waqtigooda qaaliga ah oo ay u hureen inay bulshada soomaaliyeed meel isugu keenaan.
Inagoo halkan ku soo koobi karin dhamaan dadkii meesha ka hadlay ayaa waxaan oran karnaa waxa ay kala ahaayeen xaji farax, Khaliif Cali Qoslaaye, Bashiir Jeenyo, Hassan Hagi (Hassan Geele).......

Booqashada garoonka:
Guddiga Qabanqaabada cayaraha heerka 1aad oo uu gudoomiye u yahay mudane M Hamdi ayaa waxa uu usoo hogaanshay madaxda naadiyada iyo marti sharaftii shirka jogtay dhanka garoonka kubadda cagta ee Knutby bollplan halkaas oo uu ka dhici doono tartanka kubada cagta,
mudane Hamdi waxa uu kusoo wareejiyey wafdiga garoonka gudahiisa iyo dibediisa, qaas ahaan qolka dhar badalashada iyo tarabuunka, intaa ka dib ayuu mudane Hamdi waxa uu ku wareejiyey hadlakii  Gudoomiyaha Farsamada Mudane Abuukar Dhabareey iyo masuulka garoonka mudane Ibrahim galbeyte oo ah xoghayaha guud ee ururka Benadir IF waxa aay ka hadleen taariikhda garoonka waqtigii 1999 ilaa iminka Ibrahim Galbeyte waxa uu ka hadlay in cayaaraha xagaaga lagu bilaabay Garoonkan oo ciid ama jaay ahaa sanadkii 1999,
Sanadkii 2001 ayaa ururka BenadirIF iyo urur kale oo ajnabi ah kawada shaqeeyeen si wada jir ah in ay gacanta ku dhigaan isla markaana masśuliyadeeda qaadaan sidii garoonka knutby uu u noqon lahaa garoon  ay ka faaiideystaan dhamaan qowmiyadaha kala duwan ee ku nool stockholm, sanadkii 2002 ayey ku guuleysteen in ururka benadir uu keeno cayaraha xagaaga siyaasiin waqtigaas isu sharaxayey duqa magalada stockholm waxayna ka codsadeen in garoonka loo hagaajiyo loogana dhigo caws ama katiifad....
sandkii 2006 ayey heleen ogolaashahii ugu horeeyey in garoonka dib loo hagajin doono, muddo sanad iyo bar ayuu socday dhismahiisa, waxaana garoonka
dhismahiisa dhamaaday oktober 2007, waxay mahad gaar ah u soo jeediyeen dhamaan dadkii kala shaqeeyey 2001 mar ay gacantooda ku dhiseen qeybta dhar badalashada, dadkaas oo goobta laga xusay cabdulqadir damey, abdiqani calim, amiin baarud, feysal fuad iyo ibrahim galbeyte.

Qorituurkii waxuu udhacay sida tan


Guruub A                                                     Grupp B                                      Grupp C

Benadir ( Swed)                    Gothenberg                     Jeenyo (Swedan)

Muqdisho ( Streatham)         Nabada (London)          Horseed ( London)

Shugar Team ( UK )              West 12                           Hilaac ( Norwey)

Finland                                     Denmark                         Holland (MBC)


Waxaa warbixintaan si wadajir ah noogu soo diray
Max'ed Muqtaar
Ibraahim Galbeyte
Stockholm, Sweden