|
|
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Xabsiga dhigay Shaqsiyaad la sheegay inay lid ku yihiin Nabadgelyada
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Xabisgga dhigay in ka badan 6 Ruux oo qaar kood ka yimid dhinaca Gobaladda dhaxe kuwaa oo sidda uu maamulku sheegay lid ku ah Nabad-galyadda guud ee Gobalka Hiiraan kadib markii aysidda la sheegay Ciidamadu dabagal ku sameeyeen. Sidda uu HOL u sheegay Madax danbi baarista Ciidamadda Baliiska Gobalka Hiiraan Max'ed Max'uud Garaar Ciidamadda Nabad-galyadda Maamulka Gobalka oo baryahanba waday howl-galo lagu soconayo dhaq-dhaqaaqyadda ka jira gudaha Gobalka Hiiraan ayaa ugu danbeytii ku guuleystay in ay xabsigga dhigaan shaqsiyaad sidda uu sheegay ka shaqeynayay howlo la doonayay in lagu carqaladeeyo Amaanka. Garaar waxaa uu intaa ku daray in ka hor inta aan la soo xiray shaqsiyaadkan siweyn loogu guur-galay wax yaabaha ay ka hayaan gudaha Gobalka, iyo waliba hadii ay jiraan arimo iyagga u gaar ah oo ay halkan u joogaan, lakiin ugu danbeytii waxaa la ogaaday ayuu yiri in wadaan falal ka dhan ah jiritaanka Maamulka. Inkastoo horay loo sheegay in Maamulku si adag ula dhaqmi doono cid kasta oo lagu helo in ay ka shaqeyneyso arimo ka dhan ah Nabad-galyadda, ayaa haddana waxaa xusid mudan in dadka la soo xir xiro aan la soo taagin wax Maxkamad ah si loogu cadeeyo eedeymaha loo heysto, HOL ayaa weydiisay Garaar sababta shaqsigga la soo xiro markiiba loogu gudbiyo xabisigga isagga oo aan la soo marin wax Maxkamadda ah waxaa uu yiri "" Sikastaba ha'aateen waxaa hubaal ah ugu danbeytii maamulku qaadayo dacwadda eedeysanayaasha mana dhici karto in qof aan danbi laheyn xabsigga laysagga hayo,'' Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Haggar (Dabageed) ayaa horay u sheegay in dhibaatadda ka taagan Gobalka Hiiraan laga oo abaabulo qaar ka mid ah Deegaanadda Gobaladda dhexe, waxaana uu intaa ku daray in Maamulku ka warqabo in ay jiraan shaqsiyaad la shaqeeya oo ku sugan gudaha Gobalka. Magaaladda Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan marka lagga soo tago howl-galadda mar walba lagu soo qab qabto shaqsiyaad siyaabo kala duwan loo soo eedeeyo ayaa dhanka kale waxaa dadka shacabka ah dhibaato weyn ku haya kooxo Burcad ah dhac u geysta kuwaa oo dadka qaarkii kuu sheegayaan in mar marka qaar ay ku labisan yihiin dareyska Ciidamadda. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyn, Somalia
 |
 |
 |
|
|
|
3/19/2008 11:06 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, isla markaana wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal ka soo yeeray Mareykanka oo ahaa in Ururkooda lagu daray Liiska Argagixisada ayaa wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin hadalka ka soo yeeray Mareykanka. |
|
|
3/19/2008 11:04 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Kadib dagaal socday muddo saacado ah ayaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha waxaa lagala wareegay fariisin ay halkaas ku lahaayeen. |
|
|
3/19/2008 11:03 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta ku hanjabay mar uu la hadlayay Xildhibaannada Baarlamaanka in uu is-casili doono haddii aaney mudanayaasha bedelin qaab dhaqankooda. |
|
|
3/19/2008 11:02 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Abaarihii 5tii galabnimo ee shalay ayay soo weerareen Tuugo Koofur African ah ganacsade Soomaliyeed oo Dukaan ku lahaa Tuulo lagu magacaabo Oronge Form oo hoos timada Magalada Vereenining oo ka tirsan Gobolka Gauteng. |
|
|
3/19/2008 6:53 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Haddii aad ku taqiinay inuu wax badan kaa qosliyo, haatan ma jiro qosolkii aad ku tiqiin jilaaga C/llaahi Amiir Rooble(Ow Kuu-kuu) waxa uuna ku xanuunsan yahay hoygiisa ku yaala Ex-Fiyoore, kaasi oo uusan meelna uga dhaqaaqin tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee xanaaneyn jirtay Fannaaniinta Soomaaliyeed. |
|
|
3/19/2008 6:47 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Dad ka careysan sicir barar maalmahan ka taagan magaalada Mqudisho ayaa waxay maanta boobeen Raashin u rarnaa Ganacsato Reer Muqdisho ah, kadib markii gaari uu Raashinkaas saarnaa ay Dadkaas ku qamaameen. |
|
|
3/19/2008 5:16 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sakaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday. |
|
|
3/19/2008 5:13 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa shaaca ka qaaday in ay suurtagal tahay in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro dalka Soomaaliya oo muddo 17 sano ka badan ay xaaladdiisa tahay mid saldhigan la’. |
|
|
3/19/2008 5:02 AM EST
|
|
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Warka ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda ee dowladda Mareykanka oo loogu tala galay saxaafadda ayaa sheegay in Kooxda Al shabaab ee waddanka Somalia lagu daray liiska Ururada argagaxisada ee caalamka. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
3/19/2008 6:14 PM EST
|
|
MOGADISHU, Somalia: Islamic militants in Somalia welcomed being added to the U.S. list of foreign terrorist organizations, saying Wednesday they only wished the designation had come sooner. |
|
|
3/19/2008 11:36 AM EST
|
|
Mogadishu - Fighting between insurgents and government troops rocked the Somali capital Mogadishu Wednesday, leaving at least 12 people killed, officials said, in ongoing clashes that have killed thousands since January 2007. |
|
|
3/19/2008 11:30 AM EST
|
|
I WAS lucky enough to spend a few days in the United Arab Emirate’s capital Abu Dhabi recently.And among soaking up the 35degree sun and trying to find somewhere to watch the Everton game, I befriended our Somalian tour guide Anwar. |
|
|
3/19/2008 11:23 AM EST
|
|
MOGADISHU, March 19 (Reuters) - Battles erupted in Somalia's capital on Wednesday between Islamist rebels and Ethiopian troops backing the government a day after the United Nations said it was still too dangerous to send peacekeepers there. |
|
|
3/19/2008 9:37 AM EST
|
|
SEATTLE, Washington March 16 (HOL): A Somali-American running to become the fourth president of the Somali region of Puntland held a campaign rally in Seattle, Washington, on Saturday, March 15, 2008. |
|
|
3/19/2008 3:33 AM EST
|
|
ampala, Uganda - FOUR heads of state arrived yesterday to attend the official opening of the Gadaffi National Mosque and thanksgiving prayers. |
|
|
3/19/2008 3:20 AM EST
|
|
D NATIONS (AP) — Secretary-General Ban Ki-moon urged the international community Tuesday to build the foundations for peace in Somalia by strengthening U.N. political efforts and deploying a new 8,000-strong multinational force. |
|
|
3/19/2008 3:13 AM EST
|
|
The United States government has classified al-Shabaab, an Islamic militant group based in Somalia, as a terrorist organization. This comes after the group reportedly committed various acts of terrorism, including beheading three government soldiers during an ambush on a checkpoint outside the capital, Mogadishu and praising Osama Bin Laden in the process. |
|
|
|