World Remit
 
February-09-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008

 

Shirkii Muqdisho uga socday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo Go’aanno laga soo saaray  


Isniin, March 17, 2008(HOL): Shir shalay iyo maanta gelinkii hore uga socday Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa  gunaanadkii shirkaas waxaa ka soo baxay go’aanno ku saabsan dib u heshiisiinta iyo sugidda Nabadgelyada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii uu shirkaas soo gebageboobay waxaa uu qabtay shir jaraa’id oo uu ku faah-faahiyay waxyaabihii shirkaas looga hadlay, wuxuuna sheegay in shirka ay ka soo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen in Ciidamada Nabadgelyada Qaranka ay ka shaqeeyaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida shacabka, isla markaana ay u soo noqon lahaayeen Dadkii Muqdisho ka barakacay.

Sidoo kalena, Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in la isla gartay in ay Ciidamada fududeeyaan dib u heshiisiinta, isla markaana aysan caqabad ku noqon dadka Dib u heshiisiinta ku howlan, isagoo si gaar ah u faray Ciidamada in ay noqdaan kuwo leh sumcad ciidan oo aysan dadka ka cararin marka ay arkaan.

Xubnaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayuu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde  sheegay in iyana la isla gartay inay xor u yihiin dhaqdhaqaaqyadooda, isagoo Odayaashaasna ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Nabadeynta iyo dadaalka dib u heshiisiinta ah ee socda.

Wuxuu baaq u diray Ra’iisal Wasaaraha ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay ka qeybqaataan nabadeynta iyo dibu heshiisiinta, isla markaana ay bixiyaan canshuuraha ay Dowladda uga baahan tahay, si markaas loo sugo ammaankooda.

Go’aannada ka soo baxay Shirkii shalay iyo maanta iyo gelinkii hore u socday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa waxay yihiin kuwo haddii la dhaqangeliyo ay wax badan iska bedelayaan dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan tacaddiyo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayaan dadka shacabka ah iyo weliba Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo qaarkood horay xabsiyo loo dhigay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxaa la dhowrayaa sida ay u dhaqangalaan Go’aannada ka soo baxay shirkii Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kaasi oo ku soo beegmay iyadoo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ay sheegeen in ay Muqdisho isaga baxeen kadib markii ay ka war heleen in si gaar ah loo raadsanayo, sidoo kalena shirkan ayaa ku soo beegmay iyadoo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Waddooyinka laga galo Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Isgoysyada Howl-wadaag iyo Aadan Cadde ay in muddo ah u xayiran yihiin dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Ganacsiga ee Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo
17/03/2008 12:31 PM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Xukuumadda Somaliland oo mar kale ku baaqday 3 Maalmood oo Soon ah iyo isu-soo bax kale oo Roob-doon ah
17/03/2008 12:11 PM EST

Isniin, 17 March 2008 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku baaqday in dalka oo dhan laga sameeyo isu soo bax ballaadhan oo roob-doon ah iyo saddex maalmood oo Soon ah, kadib markii abaarta dalka ka jirtaa ay sii daba-dheeraatay, isla markaana ay ku baahdey qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor
17/03/2008 6:44 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka waaberigii gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo horay loogala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Afgooye oo lagu toogtay gudaha Degmadaas
17/03/2008 6:41 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay toogteen ku xigeenkii Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Degmada Afgooye, kaasi oo lagu magacaabi Jiray C/qaadir Jibriil Cali.
Sicir bararkii ugu ba’naa ee ku yimaada Raashinka iyo Shidaalka oo ka taagan Magaalada Muqdisho
17/03/2008 5:49 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama.
Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne oo Xalay lagu dilay Deegaanka Ceel Dheer ee Degmada Guriceel
17/03/2008 5:48 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Gudoomiyihii hore ee Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale ayaa heenimadii xalay waxaa ay kooxo hubeysan ku dileen Deegaanka Ceel-dheer oo 5km u jira Degmadda Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud kadib markii kooxo hubeysan ay kala tageen Mas'uulka gaarigii uu la socday.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Sh/hoose oo beeniyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
17/03/2008 5:46 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Guddoomiye Degmada Huriwaa oo sheegay in uusan hoos-tegin Maamulka Gobolka Banaadir
17/03/2008 5:45 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Degmadiisa uusan hoos-tegin maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay degmadiisa ka go’day Gobolkaas.
Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay xallinta khilaafaadka Guddiga Doorashooyinka
17/03/2008 5:43 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.

 
Nine Somalis killed in land clashes  -AFP  

17/03/2008 7:11 PM EST  
MOGADISHU (AFP) — At least nine people were killed and 18 wounded in central Somalia when two clans fought Monday over land, hospital and local officials said.

Puntland O&G industry to Receive Significant Benefit From Visit to Australia by Ministry Representatives  -Oil Voice  

17/03/2008 10:42 AM EST  
The emerging oil and gas industry in the autonomous state of Puntland, northern Somalia, is set to receive a significant boost as a result of a one month visit to Western Australia by three ministry representatives of the Puntland Government.

AU is Gradually Growing Teeth to Bite Errant Leaders  -The East African Standard  

17/03/2008 10:41 AM EST  
Long perceived as a toothless bulldog, the African Union (AU) appears to be finally shedding this tag in response to attempts by some African leaders to undermine democracy on the continent.

SOMALIA: New IRIN podcast of Somali drama series  -IRIN  

17/03/2008 10:27 AM EST  
NAIROBI, 17 March 2008 (IRIN Radio) - "Lama Huraan" is a gripping story set in the fictitious Somali village of Tub Ano, where villagers try to rebuild amid the turmoil of conflict, displacement and poverty.

Somaliland President and the US Military Base in Berbera  -HOL  

17/03/2008 9:40 AM EST  
The President of the breakaway Republic of Somaliland Mr. Dahir Riyale kahin declared that he he has invited the Americans to use Berbera port as a military base, pointing out that the Americans used to have a base there previously. President Riyale told that he would welcome America and wished success in their elections.

Terror made in Somalia: Why Kenya is in the line of fire  -Nation Media  

17/03/2008 9:35 AM EST  
THE BORDER BETWEEN KENYA and Somalia is a long strip of land. Somalia has a long history of chaos and civil war. Kenya, on the other hand, is trying to maintain its national security against constant threats of terrorism spilling over from its neighbour.

UNHCR proposes another refugee camp for Yemen  -Yemen Times  

17/03/2008 8:57 AM EST  
SANAA, March 16 — A UN official said on Thursday that Yemen will still receive an influx of African immigrants for many years to come, whether or not there is political stability in the horn of Africa.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com