Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008


Xukuumadda Somaliland oo mar kale ku baaqday 3 Maalmood oo Soon ah iyo isu-soo bax kale oo Roob-doon ah

Isniin, 17 March 2008 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku baaqday in dalka oo dhan laga sameeyo isu soo bax ballaadhan oo roob-doon ah iyo saddex maalmood oo Soon ah, kadib markii abaarta dalka ka jirtaa ay sii daba-dheeraatay, isla markaana ay ku baahdey qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, mudane Sheekh Maxamuud Suufi Muxumad iyo Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha, mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin) oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la sii wado ducada Roob-doonta iyo Dembi-dhaafka Allaah la weydiisanayo, Illaahay ummadda uga dulqaado dhibaatada Abaarta iyo Biyo la’aanta oo ay sheegeen inay dalka oo dhan saamaysay, isla markaana ay daba-dheeraatay.

Labada Wasiir waxay sheegeen in Golaha Xukuumaddu hore u go’aamiyey in sameeyo roob-doon iyo Alla-bari, taas oo ay sheegeen in la bilaabay, ducada Qunuudduna ay ka socoto masaajiddada, balse, loo baahan yahay in la sii wado ilaa Roobku da’ayo.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ugu horrayn shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa dadka ugu baaqay inay soomaan Saddex maalmood oo ka bilaabanaysa Salaasada, isla markaana maalinta Saddexaad oo ku beegan Khamiistana la isugu soo bixi doono Fagaarayaasha, halkaas oo lagu tukan doono salaad Roob-doon ah, laguna ducaysan doono, isaga oo dadweynaha magaalada Hargeysa ku adkeeyey in Khamiista, 9:00 subaxnimo ay isugu soo baxaan Fagaaraha Beerta Xorriyadda. “Ha loo dhega-nuglaado arrintaa, maxaa yeellay dhibaatadii way inagu ballaadhatay oo Bari iyo Galbeedba waa laga sheegayaa roob la’aan, abaartiina waxaad mooddaa inay caam noqotay,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Markaa si qalbigeennu meel ugu wada dhaco oo aynu meel isugu wadanimaadno oo halkaa Illaahay ku wada barino, sidaas baynu yeelaynaa oo inoo ballan ah.”  Waxaanu sheegay in isu soo baxa Khamiista iyo Soomku ay dhammaystir u yihiin isu soo bixi hore ee Roob-doonta ahaa ee lagu qabtay Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa, 06 March.

Waxana uu dadka guud ahaan ku waaniyey inay toobad keennaan oo Illaahay u noqdaan, si dhibaatada uu uga dulqaado.

 Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin) ayaa isaguna ka warbixiyey xaaladda guud ee Abaaraha dalka ka jira iyo tallaabooyinka xukuumaddu doonayso inay wax kaga qabato. “Sidaad ogtihiin waxa jirta abaar ba’an oo bariga shishe ka soo bilaabantay, Galbeedkana u soo baahdey, gobolada oo dhanna laga soo cabanayo in abaar, biyo la’aan, xaaluf dhulkii ka jira iyo xanuunoba inay jiraan,” ayuu yidhi Xasan Macallin.

Waxana uu intaas ku daray inuu jiro go’aan Golaha Wasiirradu qaatay oo ah in Illaahay la baryo, maadaama dhibaatadu ay tahay mid ballaadhan oo Illaahay oo keliya uu qaadi karo. Isla markaana waxa uu sheegay in wixii la qaban karayona la qabanayo oo haddaba ay dowladda iyo hay;aduhu u baxeen dhulka abaaruhu ka jiraan, min Gobolka Sanaag, ilaa Waqooyiga Hargeysa, iyada oo la soo eegayo ayuu yidhi inta ay dhibaatadu le’eg tahay, dhulka la isugu guurey iyo waxa laga qaban karo.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland.

 

Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo

3/17/2008 12:31 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Shirkii Muqdisho uga socday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo Go’aanno laga soo saaray

3/17/2008 12:12 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Shir shalay iyo maanta gelinkii hore uga socday Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa gunaanadkii shirkaas waxaa ka soo baxay go’aanno ku saabsan dib u heshiisiinta iyo sugidda Nabadgelyada Muqdisho.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor

3/17/2008 6:44 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka waaberigii gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo horay loogala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Afgooye oo lagu toogtay gudaha Degmadaas

3/17/2008 6:41 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay toogteen ku xigeenkii Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Degmada Afgooye, kaasi oo lagu magacaabi Jiray C/qaadir Jibriil Cali.

Sicir bararkii ugu ba’naa ee ku yimaada Raashinka iyo Shidaalka oo ka taagan Magaalada Muqdisho

3/17/2008 5:49 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne oo Xalay lagu dilay Deegaanka Ceel Dheer ee Degmada Guriceel

3/17/2008 5:48 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Gudoomiyihii hore ee Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale ayaa heenimadii xalay waxaa ay kooxo hubeysan ku dileen Deegaanka Ceel-dheer oo 5km u jira Degmadda Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud kadib markii kooxo hubeysan ay kala tageen Mas'uulka gaarigii uu la socday.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Sh/hoose oo beeniyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

3/17/2008 5:46 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Guddoomiye Degmada Huriwaa oo sheegay in uusan hoos-tegin Maamulka Gobolka Banaadir

3/17/2008 5:45 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Degmadiisa uusan hoos-tegin maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay degmadiisa ka go’day Gobolkaas.

Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay xallinta khilaafaadka Guddiga Doorashooyinka

3/17/2008 5:43 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.




Nine Somalis killed in land clashes -AFP

3/17/2008 7:11 PM EST
MOGADISHU (AFP) — At least nine people were killed and 18 wounded in central Somalia when two clans fought Monday over land, hospital and local officials said.

Puntland O&G industry to Receive Significant Benefit From Visit to Australia by Ministry Representatives -Oil Voice

3/17/2008 10:42 AM EST
The emerging oil and gas industry in the autonomous state of Puntland, northern Somalia, is set to receive a significant boost as a result of a one month visit to Western Australia by three ministry representatives of the Puntland Government.

AU is Gradually Growing Teeth to Bite Errant Leaders -The East African Standard

3/17/2008 10:41 AM EST
Long perceived as a toothless bulldog, the African Union (AU) appears to be finally shedding this tag in response to attempts by some African leaders to undermine democracy on the continent.

SOMALIA: New IRIN podcast of Somali drama series -IRIN

3/17/2008 10:27 AM EST
NAIROBI, 17 March 2008 (IRIN Radio) - "Lama Huraan" is a gripping story set in the fictitious Somali village of Tub Ano, where villagers try to rebuild amid the turmoil of conflict, displacement and poverty.

Somaliland President and the US Military Base in Berbera -HOL

3/17/2008 9:40 AM EST
The President of the breakaway Republic of Somaliland Mr. Dahir Riyale kahin declared that he he has invited the Americans to use Berbera port as a military base, pointing out that the Americans used to have a base there previously. President Riyale told that he would welcome America and wished success in their elections.

Terror made in Somalia: Why Kenya is in the line of fire -Nation Media

3/17/2008 9:35 AM EST
THE BORDER BETWEEN KENYA and Somalia is a long strip of land. Somalia has a long history of chaos and civil war. Kenya, on the other hand, is trying to maintain its national security against constant threats of terrorism spilling over from its neighbour.

UNHCR proposes another refugee camp for Yemen -Yemen Times

3/17/2008 8:57 AM EST
SANAA, March 16 — A UN official said on Thursday that Yemen will still receive an influx of African immigrants for many years to come, whether or not there is political stability in the horn of Africa.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter