| |
Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor
Isniin, March 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka waaberigii gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo horay loogala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in markii ay gaareen Degmada Diinsoor ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha Degmada, iyagoo sidoo kalena howlgallo ka sameeyay gudaha Degmada, isla markaana kaxeystay mid ka mid ah Oday Dhaqameedyada sida weyn looga yaqaano Degmadaas, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay la aadeen Ciidamada Itoobiyaanka. Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa waxaa gacan ku heynteeda dhawaan la wareegay Xoogag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa AlShabaab, kuwaasi oo uu horkacayay Afhayeenka Alshabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo weliba dharaar cad bartamaha Degmada Diinsoor ugu qudbeeyay dadka Degmadaas. Markii ay Xoogagga Alshabaab la wareegeen gacan ku heynta Degmada Diinsoor ayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo weliba mas’uuliyiintii Degmadaas ku sugnaa halkaas isaga baxeen iyagoo u baqoolay dhinaca Degmada Baydhabo oo weli fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Lama oga in ay Ciidamadan Itoobiyaanka ah ku sii negaan doonaan Degmada Diinsoor iyo in ay isaga bixi doonaan, waxaase jirta cabsi ay Dadka Degmadaas ka qabaan inay dhaco dagaal dhexmara Ciidamada Itoobiyaanka ah ee saaka soo gaaray iyo weliba Xoogaggii Shabaabka oo ay dhici karto in ay weerar ku soo qaadaan Ciidamada Itoobiyaanka. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xoogagga la dagaalama Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa waxay bilaabeen in ay weerarro ku qaadaan, isla markaana ay waqti kooban qabsadaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku yaala Gobollada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo
17/03/2008 12:31 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay xallinta khilaafaadka Guddiga Doorashooyinka
17/03/2008 5:43 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.
|
|

|
|
 |
|
|
|
 |
Nine Somalis killed in land clashes
- AFP
17/03/2008 7:11 PM EST
MOGADISHU (AFP) — At least nine people were killed and 18 wounded in central Somalia when two clans fought Monday over land, hospital and local officials said.
|
Puntland O&G industry to Receive Significant Benefit From Visit to Australia by Ministry Representatives
- Oil Voice
17/03/2008 10:42 AM EST
The emerging oil and gas industry in the autonomous state of Puntland, northern Somalia, is set to receive a significant boost as a result of a one month visit to Western Australia by three ministry representatives of the Puntland Government.
|
AU is Gradually Growing Teeth to Bite Errant Leaders
- The East African Standard
17/03/2008 10:41 AM EST
Long perceived as a toothless bulldog, the African Union (AU) appears to be finally shedding this tag in response to attempts by some African leaders to undermine democracy on the continent.
|
SOMALIA: New IRIN podcast of Somali drama series
- IRIN
17/03/2008 10:27 AM EST
NAIROBI, 17 March 2008 (IRIN Radio) - "Lama Huraan" is a gripping story set in the fictitious Somali village of Tub Ano, where villagers try to rebuild amid the turmoil of conflict, displacement and poverty.
|
Somaliland President and the US Military Base in Berbera
- HOL
17/03/2008 9:40 AM EST
The President of the breakaway Republic of Somaliland Mr. Dahir Riyale kahin declared that he he has invited the Americans to use Berbera port as a military base, pointing out that the Americans used to have a base there previously. President Riyale told that he would welcome America and wished success in their elections.
|
Terror made in Somalia: Why Kenya is in the line of fire
- Nation Media
17/03/2008 9:35 AM EST
THE BORDER BETWEEN KENYA and Somalia is a long strip of land. Somalia has a long history of chaos and civil war. Kenya, on the other hand, is trying to maintain its national security against constant threats of terrorism spilling over from its neighbour.
|
UNHCR proposes another refugee camp for Yemen
- Yemen Times
17/03/2008 8:57 AM EST
SANAA, March 16 — A UN official said on Thursday that Yemen will still receive an influx of African immigrants for many years to come, whether or not there is political stability in the horn of Africa.
|
|
| |
| |
Contact : webmaster@hiiraan.com |
 |
| |
|
|