Isniin, March 17, 2008(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay toogteen ku xigeenkii Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Degmada Afgooye, kaasi oo lagu magacaabi Jiray C/qaadir Jibriil Cali.
Taliye ku xigeenka ayaa lagu toogtay Bartamaha Suuqa Qaadka ee Xaafadda Dhagax-tuur ee Degmada Afgooye, waxaana la sheegay in ay toogashadiisa ka dambeeyeen seddex dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo baxsaday kadib markii ay dilka geysteen.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa daqiiqado kadib markii uu dilka dhacay soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo degmadaas ku sugan, kuwaasi oo meydkii marxuumka u qaaday Xaafadda Dhagax-tuur ee degmada Afgooye.
Sarkaalkan maanta la toogtay ayaa waxaa uu haa sarkaal kaligiis ku soo haray Taliska Nabad-sugidda Degmada Afgooye kadib markii la dilay Taliyihii Nabad-sugiida Degmada, kaasi oo ay isna rag hubeysan toogteen 22-kii bishii hore ee aynu ka soo gudubnay.
Dilka loo geystay Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Afgooye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay loogu dilay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo ay jireen kuwo aan Dowladda ka tirsaneyn oo la dilay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo
17/03/2008 12:31 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay xallinta khilaafaadka Guddiga Doorashooyinka
17/03/2008 5:43 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.
|
|