World Remit
 
February-09-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008

 

Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne oo Xalay lagu dilay Deegaanka Ceel Dheer ee Degmada Guriceel  


Isniin,  March 17, 2008(HOL): Gudoomiyihii hore ee Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale ayaa heenimadii xalay waxaa ay kooxo hubeysan ku dileen Deegaanka Ceel-dheer oo 5km u jira Degmadda Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud kadib markii kooxo hubeysan ay kala tageen Mas'uulka gaarigii uu la socday.
 
Sidda uu HOL u sheegay Cilmi Yare oo ahaa darawlkii waday Gaariga uu la socday Axmed Gobay Cawaale kooxaha hubeysan ayaa marka hore dalbaday in la siiyo lacag (5,000,000 ) isagoo intaas ku daray in markii danbe ay ku amar ku bixiyeen in uu gaariga ka soo dego Axmed Gobey Cawaale oo ay rasaas ku fureen.
 
Cilmi Yare waxaa uu intaas raaciyay in markii ay dilka geysteen kadib kooxaha hubeysan isaga tageen goobta iyagoo aan wax baraasho ah geysan,  waxaana uu intaa raaciyay in ay u soo gurmadeen Wax-garad ka yimid Degmadda Gure-ceel oo soo qaaday ayuu yiri Maydka Marxuumka geeriyooday.
 
Axmed Gobey Cawaale oo ka tirsanaan jiray Saraakiisha Ciidamadda Baliiska ayay Dowladda Federaalku u soo Magacaawday in uu Noqdo Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne kadib markii xilkaa laga qaaday Gudoomiyihii ka horeeyay Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) hasae ahaatee muddo kadib ayay hadana Dowladda Federaalku wareegto kaga qaaday Xilka Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale, wixii waqtigaas ka danbeeyayna ma jirin wax xil ah oo uu ka qabtay Maamulka Gobalka Hiiraan.
 
Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhigga Baliiska Degmadda Gure-ceel kuwaasi oo sida wararku sheegayaan doonayay in ay furtaan Nin ku xiran Saldhigga Degmadda Gure-ceel oo loo heysto gaari laga oo dhacay Gobalka Mudug.
 
Ciidamadda Nabad-galyadda Degmadda ayay wararku sheegayaan in kooxaha weerarka soo qaaday kala wareegeen gaarigii ay wateen, waxaana wararku intaa ku darayaan in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday.
 
Marka la eego Xaaladda guud ee Gobolladda Dhexe waxaa la oran karaa ma'aha mid dagan, waxaana si weyn Biliihii aynu soo dhaafnay ugu soo badanayay Kooxo hubeysan oo qaarkood dhibaato u geysta dadka safarka ah ee isticmaala wadada isku xirta Gobaladda dhaxe, iyo waliba kuwa sheegta in ay ka soo horjeedaan jidkooda kooxaha maleeshiyadu dhigtaan laakiin hadana ka geysta meelaha qaar weerarro ay dad ku dhitaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo
17/03/2008 12:31 PM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Shirkii Muqdisho uga socday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo Go’aanno laga soo saaray
17/03/2008 12:12 PM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Shir shalay iyo maanta gelinkii hore uga socday Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa gunaanadkii shirkaas waxaa ka soo baxay go’aanno ku saabsan dib u heshiisiinta iyo sugidda Nabadgelyada Muqdisho.
Xukuumadda Somaliland oo mar kale ku baaqday 3 Maalmood oo Soon ah iyo isu-soo bax kale oo Roob-doon ah
17/03/2008 12:11 PM EST

Isniin, 17 March 2008 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku baaqday in dalka oo dhan laga sameeyo isu soo bax ballaadhan oo roob-doon ah iyo saddex maalmood oo Soon ah, kadib markii abaarta dalka ka jirtaa ay sii daba-dheeraatay, isla markaana ay ku baahdey qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor
17/03/2008 6:44 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka waaberigii gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo horay loogala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Afgooye oo lagu toogtay gudaha Degmadaas
17/03/2008 6:41 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay toogteen ku xigeenkii Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Degmada Afgooye, kaasi oo lagu magacaabi Jiray C/qaadir Jibriil Cali.
Sicir bararkii ugu ba’naa ee ku yimaada Raashinka iyo Shidaalka oo ka taagan Magaalada Muqdisho
17/03/2008 5:49 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Sh/hoose oo beeniyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
17/03/2008 5:46 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Guddoomiye Degmada Huriwaa oo sheegay in uusan hoos-tegin Maamulka Gobolka Banaadir
17/03/2008 5:45 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Degmadiisa uusan hoos-tegin maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay degmadiisa ka go’day Gobolkaas.
Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay xallinta khilaafaadka Guddiga Doorashooyinka
17/03/2008 5:43 AM EST

Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.

 
Nine Somalis killed in land clashes  -AFP  

17/03/2008 7:11 PM EST  
MOGADISHU (AFP) — At least nine people were killed and 18 wounded in central Somalia when two clans fought Monday over land, hospital and local officials said.

Puntland O&G industry to Receive Significant Benefit From Visit to Australia by Ministry Representatives  -Oil Voice  

17/03/2008 10:42 AM EST  
The emerging oil and gas industry in the autonomous state of Puntland, northern Somalia, is set to receive a significant boost as a result of a one month visit to Western Australia by three ministry representatives of the Puntland Government.

AU is Gradually Growing Teeth to Bite Errant Leaders  -The East African Standard  

17/03/2008 10:41 AM EST  
Long perceived as a toothless bulldog, the African Union (AU) appears to be finally shedding this tag in response to attempts by some African leaders to undermine democracy on the continent.

SOMALIA: New IRIN podcast of Somali drama series  -IRIN  

17/03/2008 10:27 AM EST  
NAIROBI, 17 March 2008 (IRIN Radio) - "Lama Huraan" is a gripping story set in the fictitious Somali village of Tub Ano, where villagers try to rebuild amid the turmoil of conflict, displacement and poverty.

Somaliland President and the US Military Base in Berbera  -HOL  

17/03/2008 9:40 AM EST  
The President of the breakaway Republic of Somaliland Mr. Dahir Riyale kahin declared that he he has invited the Americans to use Berbera port as a military base, pointing out that the Americans used to have a base there previously. President Riyale told that he would welcome America and wished success in their elections.

Terror made in Somalia: Why Kenya is in the line of fire  -Nation Media  

17/03/2008 9:35 AM EST  
THE BORDER BETWEEN KENYA and Somalia is a long strip of land. Somalia has a long history of chaos and civil war. Kenya, on the other hand, is trying to maintain its national security against constant threats of terrorism spilling over from its neighbour.

UNHCR proposes another refugee camp for Yemen  -Yemen Times  

17/03/2008 8:57 AM EST  
SANAA, March 16 — A UN official said on Thursday that Yemen will still receive an influx of African immigrants for many years to come, whether or not there is political stability in the horn of Africa.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com